PM Abdiweli meets President of Djibouti

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

PM Abdiweli meets President of Djibouti

Post by Coeus »

Image
Image
Image
Image
Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Djibouti ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Djibouti Ismail Omar Gelle. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Djibouti uga mahadceliyey sida uu isaga, dowladiisa iyo shacabka Djbiouti ay marwalba ugu heelan yihiin una garab istaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna sheegay in Madaxweynaha Djbouti uu yahay Aabo Soomaaliyeed marwalbana u taagan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisulwasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey madaxweyanaha sida quruxda badan ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Djibouti. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Djibouti ciidamadii ay dhowaan u soo direen Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhinacyo badan sida amniga, dastuurka, maamul wanaaga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sidoo kale uga mahadceliyey Madaxweynaha Djibouti safarkiisii uu ku yimid Muqdisho waqtigii macluusha ba’ani ay ka jirtay dalka, una sheegay in maanta dadaal fara badan oo la sameeyey lagu guuleystay in shacabka Soomaaliyeed loo fidiyo gar-gaar bani’aadanimo.

Madaxweynaha Djibout ayaa sheegay in dowladda Djibouti ay ka go’antahay sidii Soomaaliya loo saacidi lahaa oo looga saari lahaa marxaladdan adag. Madaxweynahu waxuu sheegay inuu arrimaha Soomaaliya si joogta ah ugala hadlo beesha caalamka.Madaxweynahu waxuu u rajeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in EEBBE la garab galo dadaalka iyo horumarka baaxadda leh ee socda, una xaqiijiyey in Dowladda Djibouti ay marwalba diyaar u tahay garab is taaga shacabka Soomaaliyeed.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: PM Abdiweli meets President of Djibouti

Post by The_Emperior5 »

The great president Geele :dj: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”