BEESHA YUUSUF XAMAR GALE [DUBAYS] OO TAAGEERAY SHIRKII BEESH

The region of Maakhir coast and its environs. Maakhir forum discusses current events, economic development and Somali Unity.

Moderator: Junior Moderators

mashallahbro
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 685
Joined: Fri Feb 25, 2011 9:30 pm
Location: Sultan from Upstate Hadaaftimo with that Oil Paper........BALLINNNNnNN

BEESHA YUUSUF XAMAR GALE [DUBAYS] OO TAAGEERAY SHIRKII BEESH

Post by mashallahbro »

BEESHA YUUSUF XAMAR GALE [DUBAYS] OO TAAGEERAY SHIRKII BEESHA AXMED HARTI EE BOSASO PDF Print E-mail
Monday, 16 January 2012 11:53

Dhahar:- Beesha Yuusuf Xamargale [Dubays] Waxay War-murtiyeed ay dhawaan soo saareen ku sheegeen inay Taageerayaan Shirkii Beesha ay walaalaha yihiin iyo Dariska ee Axmed Harti [Dishiishe] ku qabsadeen Magaalada Ganacsi ee Bosaaso Shirkaasi oo Beesha Qabsatay ku Sheegtay inay ku Taageerayaan Maamulka Puntland.

Beesha Yuusuf Xamargale [Dubays] Waxay Bogaadin iyo Taageero u dirayaan beesha Axmed Harti Madaama ay Gacan Buuxda Siiyeen Midnimada iyo Jiritaanka Maamulka Somaliyeed ee Puntland taasi oo ah Mid Muqadas ku ah Beel kasta oo Ka qayb Gashay shirwaynihii Maamulkaasi Lagu Yagleelay Sanadkii 1998-

Hase ahaatee Beeshu Yuusuf Xamargali [Dubays] waxay wax laga Xumaado ku Tilmaameen in Go’aamadii Shirka Beesha Axmed Harti [Dishiishe] ee Shirkii Bosaaso ka soo Baxay uu Qalinku Miin-Guuriyay Deegaano badan oo ay Beesha Yuusuf Xamarigale [Dubays] ay Degto sida.

1- Ceel-Doofaar x- Ceeldaahir

2- Jiingada

3- Kaladhacda.

4- Laag

5- Af-Urur

7-Maraje

8-Dal-weyn

Beesha Yuusufxamargale waxay Ka mid tahay beelaha ugu Dhul-Daaqsimeedka Wayn ama deegaansho ahaan Galbeedka Bari Marka laga Hadlayo waxase xusid Mudan in Xitaa Beeshu ay Miisaan Culus dhanka dhaqaalaha iyo Amniga Xoojintiisa ay ku leedahay Guud ahaan Gobolka Bari Gaar ahaan Magaalada Bosaaso ee Marsada leh.

Waxa in la xuso Mudan Deegaanada Beesha Axmed Harti Sida Waaciye iyo Xidda inay Yihiin Dhul Aas Aaskiisu uu Yahay Dhowr iyo toban Sano Mudo laga Joogo Halka Marka laga hadlayo Laag- ama GalGala ay Jiritaankooda Odaayashu Mudada dheer Soo Jiray ku Sheegeen in Deegaankaasi uu ahaa mid Beeralay ah Ka Hor xitaa Gumaystihii Somaliya Dowladii Somaliyana ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre u Aqoonsatay inay yihiin Dhul Dalxiiska ku Haboon.

Afhayeenka Beesha Yuuusfxamargali Dubays

Email:- Ahaaji4@Gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Dhahar
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Maakhir”