Boosaaso[RBC Radio] Hoggaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Axmed Kaar[Xaglatoosiye] ayaa si weyn uga hor yimid Mas’uuliyiinta cusub ee Maamulka Khaatumo State ee lagu dhawaaqay,waxaana uu ka dhawaajiyey in Shirkii ka socday degmada Taleex ay ka leexiyeen hannaankii loogu talagalay Siyaasiyiin uu kamid yahay Cali Khaliif Galaydh.
Saleebaan Ciise Axmed Kaar[Xaglatoosiye] ayaa sheegay isaga oo la hadlaayey laanta Af- Soomaaliga ee BBC-da in Shirka aysan habayaraatee aysan kasoo bixin wixii ay ka sugaayeen Shacabka SSC.waxaana dhacay buu yiri afduub iyo majaro habaabin lagu sameeyey Shirka taas oo ay ka danbeeyeen Shakhsiyaad gaar ah oo madasha joogay kana mid yahay Cali Khaliif Galaydh.
…”Shirku waxa uu ahaa mid qabiil oo beesha Dhulbahante isugu timid runtii waan ka xumahay ujeedooyinkii iyo doonistii Shacabka dhulbahante ku salaysnaa Shirkaas lama qaadan oo kama aysan soo bixin,waxaana dhacay afduub iyo majara habaabin waxayna u dalbadeen Maamul goboleed buuxa hase yeeshee taas waxaa diiday shakhsiyaad gaar ah meesha joogay…”ayuu yiri
Hoggaamiyaha SSC Saleebaan Xagletoosiye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in doonistii Shacabka laga leexdo taas oo ku macneeyey in aysan Shacabku waxba dooran balse Shakhsiyaad gaar ah ay magacowdeen Maamulka hadda jira,waxaana uu sheegay in dadka habayaraatee aan waxba laga weydiin hawsha socota.
…….”Ariinta kale ee yaabka leh ee dhacday waxa weeye een waxaynu arki jirnay umad marka ay isu timaado oo ay heshiiso dadka ay hawsha u dirsanayaan doorta ayaanu arki jirnay balse in la magacaabay oo shakhsiyaad gaar ahi magacaabeen oo dad ayagu ay doonayaa sidii Raysalwasaare ama Madaxweyne magacaabaya dad uu hawl u dirsanayo ayaa waxaa la magacaabay shakhsiyaad aan dadku dooran si cadaalad ah uma dhicin dadka waxba lama weydiin,niman gaar ah oo Cali Khaliif Galaydh uu kamid yahay ayaa magacaabay dad gaar ah…:ayuu yiri Xagletoosiye.
Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan Shacabka SSC kagana tashanayaan masiirkooda in ay isugu yimaadaan ayuu ugu baaqay Hoggaamiyihu,waxaana uu xusay in aysan ku niyad jabin waxa meesha ka dhacay.
….”Shirkii waa la khalday waxaan ugu baaqayaa Shacabka SSC in aanay ku niyad jabin waxa meesha ka dhacay isuguna yimaadaan Shir deg deg ah oo aayahooda kaga tashanayaana isugu yimaadaan…..”ayuu yiri.
Mar la weydiiyey su’aal ahayd in Shirka uu isga qudhiisu uu joogay kana mid ahaa Madaxdii Shirka waxa uu ku diidayo hadda waxa kasoo baxay ayaa waxa uu sheegay in joogay ayna ku sugnaayeen dad badan oo meelo kala duwan ka yimid balse la afduubay Shirka kuwaas oo diiday rayi soo jeedintii Ergada keensadayna waxa ay iyagu wataan,iyaga ayaa magacaabay shakhsiyaadka hadda loomana cadeyn dadka lamana weydiin waxa ay rabaa iyo waxa ay diidan yihiin.
……”Runtii waan tagay meesha dad badana waa yimid laakiin niman yar oo tiro yar ayaa hawsha afduubtay diidayna talooyinkii iyo talo biximihii Isimada,diiday tii sahacabka,diiday talo biximihii qabaal’ilka kala gedisan ee meesha isugu yimid,niman gaar ah ayaa iyagu meesha fariistay iyagaa diiday ra’yi soo jeedintii ergada,iyaga ayaa keensaday waxa iyagu wataan,iyaga ayaa magacaabay shakhsiyaadka loomana Codeyn dadkana lama weydiin marabtaa,markaa waa afduub aad u fool xun waana ka raali gelinayaa Shacabka SSC Khaladkaa laga galay…”ayuu yiri Saleebaan Xaglatoosiye.
Hoggaanka SSC Xaglatoosiye ayaa gabagabdii tilmaamay in waxa Shirka dabadii kasoo baxay ay si weyn uga xunyihiin Shacabka,Isimiada iyo gabdhaha in Shirweyne umadi isugu timid ay shakhsiyaad gaar ahi afduubtaan ayna digreeto wax ku magacaabaan ,doonistii shacabkana diidaan,waxay iyagu wataan dadka ku maamulaan.
Si kastaba ha ahaatee hadalka Hoggaanka SSC Saleebaan Xaglatoosiye ayaa kusoo beegmaya xili lagu dhawaaqay Mas’uuliyiinta Khaatumo State,waxaana ilaa hadda aan la ogayn Jawaabta rasmiga ah ee ay ka bixin doonaan mas’uuliyiinta Cusub.
SSC leader vs Kastuumo State
Moderator: Moderators
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: SSC leader vs Kastuumo State
Dispute over kursi.
The ssc leader says: Galayr usurped my right to lead dhuloland.
The ssc leader says: Galayr usurped my right to lead dhuloland.
-
ProudFather
- SomaliNetizen

- Posts: 448
- Joined: Mon Dec 12, 2011 6:00 pm
Re: SSC leader vs Kastuumo State
already created this topic, you could have partied in my topic saaxib.
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: SSC leader vs Kastuumo State
^
i know, but i couldnt resist to make this topic with a weird name.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 24 Replies
- 1552 Views
-
Last post by JSL3000
-
- 4 Replies
- 874 Views
-
Last post by fighter
-
- 12 Replies
- 1172 Views
-
Last post by Ismail87
-
- 21 Replies
- 1962 Views
-
Last post by mudanenomad
-
- 7 Replies
- 751 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 15 Replies
- 1749 Views
-
Last post by zingii
-
- 10 Replies
- 933 Views
-
Last post by Isir~
-
- 5 Replies
- 763 Views
-
Last post by Murax
-
- 1 Replies
- 314 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 542 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan