I see my father's cousinAyadoo Uu Maalintii Labaad Kulan Balaaran Magaalada Harar Ee Wadanka Itoobiya Oga soconaya Madaxda Ugu Saraysa Maamulka Culima Udiinka Ahlusunna Wal-jamaaca Ee Ka Arimiya Gobolada Bartamaha Soomaaliya iyo Saraakiisha Ugu Saraysa Itoobiya Iyo Urur Goboleedka Igad Kulankaasi oo Ay Kaga Wada Hadlayaan Sidii Loo Sii Xoojin Lahaa Dagaalada Lagula Jiro Al-shabaab.
Kulan Balaaran oo ay Maanta Duhurkii Iskugu Yimaadeen Saraakiisha Ahlusunna Wal-jamaaca Hotel Rowda Ee Magaalada Harar ayaa Waxaa ka Hadlay Ugu Horayn Kulankaasi Gudoomiyaha Ahlusunna Ee Gobolada Dhexe Pro Xirsi Ow Maxamed Hilowle 2Gare Asagoona Hadalkii kusoo Qaaday Qaabka Ugu Wanaagsan Ee Xiligani Loo Wajihi Karo Dagaalada Lagula Jiro Malayshiyaadka Al-shabaab Sidoo Kalana Wuxuu Ka Hadlay Qorshaha Dagaal Ee Ahlusunna Ay Doonayso Maalmaha Soo Socda In ay Ku wajahaan Degmooyinka Ceel-buur Ceeldheere Iyo Deegaano Kale oo Ay Xiligani Ku sugan Yihiin Kooxda Al-shabaab.
Kulankani oo Maalintiisii Labaad Galay Ayaa Waxaa Sidoo Kale Hadalo Ka Jeediyay Sh Cumar Sh Maxamed oo Kamid Ah Saraakiisha Ugu Saraysa Maamulka Ahlusunna Asagoona ku Nuux Nnuuxsaday Sidii Ay Dagaalada Ay Kula Jiraan Al-shabaab Usii Xoojin Lahaayeen Ayagoo Kaa Shanaya Cid Kasta oo Gacan Ka Siinaysa Sidii Ay Waxa Uu Ugu Yeeray Khawaarijta Dalka Looga Sifayn Lahaa.
Sidoo Kale Kulanka ayaa waxaa Isna Hadalo Kooba ka Jeediyay Gudoomiye K/Xigeenka Ahlusunna Isla Markaana Ah Taliyaha Ciidamada Maamulka Ahlusunna Ee Gobolka Hiiraan Aadan Cabdulle Cawaale asagoona Sheegay in ay Dhankooda Ka Go,antahay in ay Sii Xoojiyaan Dagaalada ay Kula Jiraan Al-shabaab wuxuuna Tibaaxay In Maamulka Ahlusunna Ee Gobolka Hiiraan ay Dagaalo Xoogan Kula Jiraan Kooxda Al-shabaab Rajaynayaana In Ay Maalmaha Soo Socda Ka Sifayn Doonaan Gobolka Hiiraan.
Isku soo wada Duuboo Kulankani ka socda Magaalada Harar oo Ay Yeelanayaan Maamulka Ahlusuuna Igad Iyo Itoobiya ayaa La Filayaa In Uu Soo Gaba Gaboobay Maalmaha Soo Socda Ayadoona Inta Badan Kulamadii Ilaa Shalay Iyo Maanta Ay wada Qaateen Isku Afgarteen U Jeedooyinkii Ugu Waa waynaa Ee Ay Doonaye.
















http://galgaduudnews.com/?p=9127

