
Siyaasigii Hoggaaminaayay Fidnadii Khaatumo Seeg Cali Khaliif Galaydh Oo Wali Ku Jira Gacanta Dawladda itoobiya Wararkuna Shegayaan Inuu Sirdoonka Dalkaas u Xidhanyahay.
(Hadhwanaagnews) Thursday, February 02, 2012
(HNW) Siyaasiga ay ku suntan tahay fidnidii Khaatumo Seeg, Cali Khaliif Galaydh, ayay isa soo tarayaan wararkii shegaayay in Sirdoonka dawladda Federaalka Itoobiya
(HNW) Siyaasiga ay ku suntan tahay fidnidii Khaatumo Seeg, Cali Khaliif Galaydh, ayay isa soo tarayaan wararkii shegaayay in Sirdoonka dawladda Federaalka Itoobiya ka qabteen Magaalada Jigjiga isla markaana u taxabeen Xabsi ku yaala magaaladda Addis Ababa. Shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews oo caawa la xidhiidhay dad ku sugan Magaalada caasimadda u ah Itoobiya, ayaa noo xaqiijiyay in aanay ila hadda haynin meel uu ku suganyahay Mr. Cali Khaliif, waxay inatas ku darayaan wararka aanu helaynaa in siyaasigani uu wali ku jiro gacanta dawladda Itoobiya.
