
04 Feb 2012
Sirdoonka Maamulka Ahmed Siilaanyo ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay ku mashquulay Madaxweynaha Awdal State oo ka degay Magaaladda Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.
Madaxweynaha Awdal State oo la sheegay in Dowladda Federalka Ethiopia dejisay Hotel ayey Sirdoonka Somaliland ku guuldareeysteen inay ogaadaan meesha uu ka degan yahay Addis Ababa.
Saraakiisha ugu sareeysa Sirdoonka Siilaanyo ayaa telefoono u diray dhamaan siyaasiyiinta beesha Gadabuursi iyagoo waydiinaya meesha uu ku sugan yahay Madaxweyne Rashiid Aw Nuur iyo Wasiirkiisa arrimaha dibadda Korneyl Xasan Xuseen Riiraash.
Madaxweynaha oo ay galbinayaan Ciidamadda Liyuu Booliska ayaa caawa u baqoolay dhinaca Magaalooyinka Aw Barre iyo Lafa ciise si uu halkaas ugula kulmo bulshaweynta Gadabuursi.
Habka Socdaalka Madaxweynaha Awdal State oo la rumeeysan yahay inuu dejiyay Korneyl Xasan Riiraash ayey ku wareereen Sirdoonka Somaliland maadama ay ku adkaatay inay haba yaraatee wax xoga ka helaan habka qorshaha socdaalkooda iyo waxyaabaha ay damacsan yihiin.
Madaxweynaha Awdal State iyo Korneyl Riiraash waxay xogta safarkooda iyo bartilmaameedyada ay tagayaan u sheegaan dad aan ka badneyn shan qof kuwaas oo ka mida golaha ugu sareeya Awdal State of Somalia .
Dhinaca kale,Ra’isulwasaraha Ethiopia Melles Zenawi ayaa la kulmay masuuliyiin ka socda Khaatumo State of Somalia kuwaas oo Prof Cali Khaliif Galeydh horkacayo.
Wafdiga Prof Galeydh oo sidoo kale la kulmay masuuliyiin ka tirsan Urur goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa inay u baqoolaan Dalka Norway oo ay Casuumaad ka heleen Wasaaradda Arrimaha dibadda Norway.
Prof Galeydh iyo wafdiga la socda waxay ila wareedyo muhiima sidoo kale tibaaxeen inay Norway kula kulmayaan Shirkado Shidaal kuwaas oo doonaya inay goboladda Khaatumo State shidaal ka qotaan.