Yay Dhaliili Doonaan Haday Dhimato Maantana!

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Maroodijex
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1167
Joined: Wed Mar 09, 2005 8:48 pm
Location: BRAVE HEART - Salaxley & Qoolbuulale

Yay Dhaliili Doonaan Haday Dhimato Maantana!

Post by Maroodijex »

Yay Dhaliili Doonaan Haday Dhimato Maantana!

Ismail Mohamed Gadiid (London)

Inaan hollado qalinka anigoo aan in muddo ahba tiigsanin waxaa i hud-hudaya dabaylaha siyaasadeed ee Carro-Edeg dul hoganaya mudooyinkan iyo sida iyadoo GEEL loo heesayo kolba GORAYADA loola soo shir tegeyo, hadalku laba ma aha ee waa mid.

Shirkan dawlada Britain iclaamisey in badanbaa laga Hadley weliba waa shirkii ugu warbixinta badnaa ee la qabto taasoo aad odhan karto Britain waxay u hiilineysaa Somaliland (nin wayn tag lama yidhaahdo ee wuxuu ku tago ayaa la tusaa) si aanay uga soo qayb gelin shirka, kolkaad eegto talaaboyinka diblamaasiyeed ee ay qaadayso waxaana ka mida:

Xogta faraha badan ee loo soo daayey warbaahinta kuwaas oo dhamaan muujinaya hal ujeedo oo ah in Somaliland ayna meesha waxba u Oolin.

Qoraalada iyo Ajendahuba waxey muujinayaan in la yeedhinayo go’aamo ku tacaluqa hab lagu maamulayo Soomaaliya, kuwaas oo wejigii 3/4aad uu yahey shirkani, su’aashu waxey tahey xagee baynu kaga qayb galney wajiyadaa hore?, maamul AU/UN ka kooban oo Somaliland la keenana xageebaynu ku ogolaaney?



Wufuud meeqaamkoodu sareeyo oo gaalaa baxaya Somaliya gaar ahaan Majeerteeniya iyo Muqdisho dhanka kalena safiir/ku xigeen ayaa Somaliland gaalaa baxaya waxa qosol ah sheeko caruurta madaxweynihiina waxaa telephone-ka kala Hadley/hadli doona Prime Minister ama William Hague miyaan waxba laga xishooneynin.

Wasiirka arimaha dibeda Somaliland ee ku dhawaaqaya shakigii ayaa nalaga saaray iyo kuwan leh UDUB ayaanu matalnaa ee meeqaamka Somaliland ku imanayso ka sheekaynayaa midna ma taaban sababta iyagana safiiro loogu soo dirayo Garoowe iyo Muqdishana laba Secretary 2 cisho oo isku xigta loogu dirayo, Madaxweynaha tell-ayaa lagula soo xidhiidhey sheeko caruur, midkee ayay nabadi taalaa Hargeysa iyo Muqdisho, maka jawaabi kartaa dawlada Somaliland sababtaasi waa su’aal dhextaal ah?

Ma aha shirka noocan oo kale ah inay dawladu u adeegsato MAXASTEEDA ama dibed ku nool ama guddaha joogta iyadoo durbaanadiina iyo dhawaaqiina ku muujiya ictiraafkii ayaa halkaasi yaala oo dawlada Ingiriiska ayaa ina soo casuumtay, waa damiir xumo, waa danbi qaran waa umad caqligeeda iyo aqoonteedaba la caayayo, bilaa-calayk Madaxweyne jooji siyaasadan qiirada guulwadeynta ah ee ay xukuumadaadu ku bashiishanayso, dawlada Ingiriisku ha imanina ayuu ficilkeedu yahay (dublamaasiyada sideedaba ficilada ayaa la fasiraa ee qawlka siyaasiga laguma ekaado) way cadahay talaabooyinka dawlada Ingiriisku qaadayaan waa mid tarjumaadiisu tahey qaadaca shirkan, Axmed Yusuf Yaasiin ayaa dhawaan yidhi dawlada Ingiriisku mawqifkeedu sidan ma aheyn markaanu joognay- dawlada Ingiriisku waxey door hogaamineed ka ciyaaraysaa in dalkii Somaliya maamulkiisii la hoos geeyo Qaramada Midoobey waxayna rabtaa inay ka badbaadiso Somaliland qorshaha la midka ah kii Butrus B Qaali, kaas oo hadd iyo jeer ay Masar+Italy lasoo shir tagaan akhri waraaqda talyaanigu soo jeediyey, (eeg qaabka uu dawlada Ingiriiska ula hadlayo xaga arimaha Somaliland).

Sicad oo qaawan u odhan mayso dawlada Britain haka soo qayb gelina shirka Somaliland-eey waxayse kuu muujinayaan in aanad muhiim ahayn, qawda-na waxey maqashiinayaan caalamka kale ee waxan inaga dhayda inaga lisay waa maxey? Ma meel aan rabay roob igu erribaa Madaxweyne? Maxaad awrtan xidhiidhsan ula aadaysaa Baasle? Hadii aad Madaxweyne noo sheegtay in Cali Khaliif ku khiyaameeyey khasaaraha ka dhashayna aan arkayno bal ka waran kan caalamkana?

Waraaq iyo laba midna laguma soo koobi karo, Caadna ma saarna shirkan waa kii ugu xogta badnaa shirarkii Somaliya loo qaban jiray, waxase cad xaajo arin kaaga meel yaallo ninka Faalka u rogaa isagaa cirka roob ku og, Madaxweyne shuruucda dalka taala ee aad ku fadhido ku dhaqan cid kugu dooratay sharciga tuur oo caqligaaga nagu hogaami ma jirto hana joojiso xukuumadu durbaanadan ay waxma garatada iyo maxasta dibedaha ku nool leedahay buuqiina badiya, tallo waxey ku ururtey waraaqda SSE ama jaaliyada Somaliland ee EU.

Intay Dhibibidee Hore

Intay Dhididayee Kale

Intay Dhaqan Xumaatiyo

Intay Dhacantay Maandeeq

Midna Kuma Dhadhabayee

Bal Yey Dhaliili Doonaan

Hadey Dhama’do Maantana? (Dhayalsi Shahiid Ahmed M W Ahmed-Jiiniyas)

Ismail M Gadiid

imgadiid@gmail.com

3rd feb 2012

LONDON UK.
User avatar
Maroodijex
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1167
Joined: Wed Mar 09, 2005 8:48 pm
Location: BRAVE HEART - Salaxley & Qoolbuulale

Re: Yay Dhaliili Doonaan Haday Dhimato Maantana!

Post by Maroodijex »

Ina Warancade taariikhda ayaa xusi doonta halku ka istaagay khiyaamadan Qaran.
User avatar
Ina-Geel_Wase
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 855
Joined: Thu Sep 07, 2006 2:19 am
Location: God Save The Queen.

Re: Yay Dhaliili Doonaan Haday Dhimato Maantana!

Post by Ina-Geel_Wase »

Ceeb shirka inaga soo raacdo mooyee wax faaida uguma jirto Somaliland.


''Sh. Shariif will be seated among the world leaders. Siilanyo being a member of other regional delegations from Somalia will be sitting behind him. What a disgrace!! Imagine seeing that picture in the CNN and the BBC.''


http://www.wardheernews.com/Articles_12 ... to_go.html
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”