Taariikh nololeedkii Marxuum Ashkir Abdi Faarax (Jiijiile)

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Mustafee101
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2222
Joined: Sat Jan 07, 2012 10:10 pm
Location: Hangool iyo Gedweyne

Taariikh nololeedkii Marxuum Ashkir Abdi Faarax (Jiijiile)

Post by Mustafee101 »

Taariikh nololeedkii Allaha u naxariistee Ex G/Sare Ashkir Abdi Faarax (Jiijiile) iyo tacsi ku socota qoyska iyo qaraabada marxuumka.
Image

TAARIIKH NOOLOLEEDKII ALLAHA U NAXARIISTEE MARXUUM ASHKIR ABDI FAARAX (JIIJIILE)
Allaha u naxariistee Gaashanle Sare Ashkir Cabdi Faarax (Jiijiile) waxuu February 1, 2012 ku geeriyooday magaalada Leicester ee wadanka Ingiriiska. Marxuumka Waxuu dhashay 1919, waxuu ka tirsanaa Ciidamada Ilaalalada 1936 ilaa 1967. Waxuu sanadkii 1967 ku biiray ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo uu xil uga hayay Gobalka Galgaduud ilaa iyo sanadkii 1991.
Mudaddii uu xilka hayay Allaha u naxariistee Ashkir Cabdi Faarax (Jiijiile), waxuu ka mid ahaa dadkii sida howl-karnimada ah ugu soo shaqeeyay wadanka; qaybna ka qaatay gobanimada iyo xoriyadda wadanka.
Marxuum Ashkir Cabdi Faarax (Jiijiile), waxuu ifka uga tagay dad isagu jira ilmahii uu dhalay iyo ilmo ay sii dhaleen.
Illaahay janadii fardowso haka waraabiyo ayaan leenahay,Eheladii iyo qaraabadii iyo weliba soomaalidii uu ka baxayna samir iyo iimaan allaha ka siiyo. Aammiinn—aammiinn—aammiinnnn.
Haddaba, dadka uu magacooda hoos ku xusan yahay ayaa waxay si wada jir ah tacsi ugu dirayaan qoyska iyo qaraabada uu ka tagay marxuumka, waxayna Ilaahay uga baryayaan in uu marxuumka janadii Fardowso ka waraabiyo, qaraabadii iyo eheladii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo:
1- Gen. Cumar Xaaji Masale
2- Col. Cabdulqadir Xaaji Masale
3- Dhamaan Reer Shiikh Saciid Faarax
4- Dhamaan Reer Maxamed Garjeex
5- Dhamaan Reer Cilmi Goonjeex
6- Dhamaan Reer Cabdullahi Warsame
7- Dhamaan Reer Jaamac Gari
8- Dhamaan Reer Shiikh Abdisalaam
9- Dhamaan Reer Muxumed Shirwac good.
Illaahay janadii fardowso haka waraabiyo ayaan leenahay,Eheladii iyo qaraabadii iyo weliba soomaalidii uu ka baxayna samir iyo iimaan allaha ka siiyo. Aammiinn—aammiinn—aammiinnnn,,
User avatar
Mustafee101
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2222
Joined: Sat Jan 07, 2012 10:10 pm
Location: Hangool iyo Gedweyne

Re: Taariikh nololeedkii Marxuum Ashkir Abdi Faarax (Jiijiil

Post by Mustafee101 »

Allahi u naxaristo oo janadii fardowso haka waraabiyo (amiin ya allah!) :(
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”