
Is bedel lagu sameeyay Labo wasaaradood oo ka tirsan Xukuumada Ra’iisul Wasaare C/wali
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa is bedel ku sameeyay labo wasaaradood oo ka tirsan Xukuumada Soomaaliya, iyadoo maalmahan la hadal hayay is bedelo kooban oo Golaha Wasiirada lagu sameynayo.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in la isku bedelay Wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo Beeraha, kaasoo labadii wasiir ee xilalka hayay lagu kala wareejiyay labada Wasaaradood.
Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibada ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeen ayaa loo wareejiyay Wasiirka Beeraha iyo xanaanada xoolaha, halka Wasaarada Arrimaha Dibada loo dhiibay C/llaahi Xaaji Xasan oo hayay xilka Wasiirka Beeraha.
Tallaabadan is bedelka la isugu sameeyay labadan wasaaradood ayaa aheyd mid beryahan la hadal hayay, inkastoo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ka soo horjeesteen xilka Wasiirka Arrimaha Dibada oo beel ahaan u sheegeen in aanay xaq aheyn in laga wareejiyo.
Is bedelkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Wasiirada lagu sameeyo muddo lix bilood oo xilka ay heysay Xukuumada C/wali Maxamed Cali Gaas, inkastoo dhowaan isku shaandheyn lagu sameeyay Wasiiru Dowlayaal iyo Wasiir kuxigeeno
http://www.jowhar.com/?p=14056