Wafti balaaran oo uu hogaaminaayey wasiirka Qorshaynta maamul goboleedka Awdal State ayaa ayaa waxa uuu saaka kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka dawlada Federaalka Soomaaliya mudane Abdisamad Mohamed Hassan huteelka uu ka dagan yahay magaalada London kulan kaas oo uu casuumada u fidiyey wasiirka Arimaha Gudaha mudane Abdisamad ayaa waxaa lagaga wada hadlay arimo badan oo lagu wanaajinaayo xiriirka ka dhaxeeya maamulka Awdal State iyo dawlada Federalka umada Soomaaliyeed kulankaas oo daba socda kulamo ay hore u ku yeesheen magaalada Mugadisho Madaxwaynaha maamul goboleedka Awdal State iyo wafti uu hogaaminaayo iyo madaxda dawlada Federaalka ee Soomaaliya .
Waftigan ayaa waxa kale oo ay isla soo qaadeen sidii loo samayn lahaa gudiyo kala shaqeeqa dawlad Federalka arimah Awdal State loona bilaabi lahaa ka wada shaqaynta Arimaha midnimada umada Soomaaliyeed oo burbursanayd labaatankii sano e ina soo dhaaftay iyo arimaha Roadmapka oo lagu ansixiyey shirkii London,shirkahan oo ku dhamaaday isafgarad iyo farxad ayaa waxaa
waxaa ku weheliyey Wasiirka Qorshaynta Qaranka ee Maamul goboleedka Awdal State Dr Rirash xubno kale oo ay ka mid yihiin
Dr Mohamed Abdilaahi Riiraash Wasiirka Qorshaynta Awdal Statte
Mudane Muxiyadiin Musse Abdilaahi
Mudane Mohamed Ali
Mudane Abdi Xaashi.

http://awdalstate.com/?p=11213