Feb 23, 2012 (QOL) Ciidamada Nacabka ah ee Gumeeysiga Ethiopia ayaa isbuucan Dhaxdiisa toogasho ku dilay Wiil dhalinyara oo kamid ahaa shacabka Magaaladaa Sagag ee Gobalka Nogob, wiilka yar ee ay Askarta hororka ah ee gumaysigu sida waxishnimada ah u dileen ayaa magaciisa naloogu sheegay Mahamed Cumar Askar.
Wilkan ayaa la sheegay in ay ciidamada gumaysigu toogteen xili uu suuqa Magaalada Sagaag dhex marayay, sida ay ilaha aanu warkan ka helay noo xaqiijiyeen marxuumku wuxuu ahaa Aroos waxaana noodiday ehelkiisii in ay xabaalaan Madka oo saacado badan qoraxada yalay.
Hadaba Bahda warbaahinta Qorahay Madia oo iskuduuban waxay halkan Tacsi tiiraano leh uga dirayaan Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii & Marwadiisii nasdiibka u yeelatay in ay Arooska asay ku qaado waxaanan leenahay Ilahay samir & badal khayr qaba hakasiiyo marxuumkana Janatul fardoowsa ha ka waraabiyo.
Askari Abdullahi
Qorahay Media
Tigre oo Magaalada Sagag Wiil Dhalinyara ah ku toogtay
Tigre oo Magaalada Sagag Wiil Dhalinyara ah ku toogtay
Inaa lillaahi wa inaa Ileyhi raajicuun....
Re: Tigre oo Magaalada Sagag Wiil Dhalinyara ah ku toogtay
Mujaahid Maxammed Cumar Askar iyo inta kale ee xaq darada lagu dilay Ilaahay Janaddii Fardowsa ha ka waraabiyo. Amiin!
Re: Tigre oo Magaalada Sagag Wiil Dhalinyara ah ku toogtay
Fiiq, oo kacdoon ka dhashay! Allah ah u naxariisto Nuuriye Xassan!
Wararka naga soo gaadhay Gobolka Nogob ee dhulka Ogaadeenya ayaa sheegaya nin shacab ah oo ay ciidanka gumaysiga ee hororka ah Magaalada Fiiq ku dileen, sida uu warkani nagu soo gaadhay ciidamada naacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa gabadh dhalin yaro ah oo shacabka Magaaladaas ka mid ah faraxumayn u gaystay waxaana arintaas ka dhiidhiyay dadka shacabka ah oo dareen cadho leh kaga jawaabay.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in ay shacabku go'aansadeen in ay arintaas ka dagaalamaan waxaana ugu horay gadoodkaas ku dhawaaqay nin Magaciisa naloogu sheegaya Nuuriye Xassan oo ka mid ahaa odayaasha Magaalada Fiiq, Nuuriye ayaa la sheegay in uu yidhi wax loo dul qaadan karo ma ah in maalin walba gabdhaheena hortayada lagu faro xumeeyo kadibna shacabka Magaalada Fiiq ayaa gadood sameeyay halkaas ayayna ciidanka gumaysigu Nuuriye Xassan ku toogteen.
Sida ay ilo xog ogaal ahi Qorahay Media u xaqiijiyeen gadoodkii shacabak Fiiq ayaa circa isku sii shareeray kadib markii ay ciidanka Tigreegu si badheedh ah u tooigteen Allah ah u naxariistee Marxuum Nuuriye Xassan oo isagu iclaamiyay in aan loo dul qaadanin lagana dhiidhiyo gabdood falada & waxyeellooyinka faraha badan ee ay askarta dhaqanka xun ee Tigreegu shacabka Ogaadeenya sida joogtada ah ugu hayaan.
Wararku waxay tibaaxayaan kadib markii ciidamada gumaysigu falalkaas ay fuliyeen shacabka Magaalada Fiiq waxay si dhab ah u muujiyeen cadhado xoogan & dareenkooda ay ku diidanyihiin falalka foosha xun ee lagu hayo sida dilka, faro xumaynta dumarka, dhaca hantidooda, xadhiga dadka aan waxab galabsanin & baro kicinta guud ahaan shacabka Soomaalidda Ogaadeenya uu gumaysigu ku hayo waxaana la sheegayaa in ay ciidanka gumaysigu xeryahooda ku laabteen ayna ka baqeen in uu kacdoon shacab oo dhab ahi ku bilowdo.
Sikastaba ah ahaatee shacabka Soomaalidda Ogaadeenya oo marba marxalada uu gumaysigu marayo la falgala waxay marba marka ka dambaysa gumaysiga gudoonsiinayaan diidmo qayaxan oo uu ku quus qaato, dhacdada Fiiq ka dhacdayna waxay ka mid tahay jawaabaha geesinimada & dhabar adayga muujinaya ee ay shacabka Soomaalidda Ogaadeenya gumaysiga la hor taaganyihiin.
Bahada Qorahay Media oo isku duuban waxay tacsi u dirayaan guud ahan shacabka Soomaalidda Ogaadeenya ee geesiga ah gaar ahaan eheladii, qaraabadii, asaxaabtii & qoyskii uu Marxuum Nuuriye ka baxay waxaanan lenahay Ilaahay samir & ciwal khayr qaba ha inaga siiyo Marxuumkana Rabbi waxaan uga rajaynaynaa in uu ku daro shuhadada Maalinta qiyaamaha hooska Allah SWT hadhsan doonta janadana ku waari doona aamiin
- Eaglehawk
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3557
- Joined: Sun Dec 27, 2009 3:33 pm
- Location: God, Clan and Country
- Contact:
Re: Tigre oo Magaalada Sagag Wiil Dhalinyara ah ku toogtay
why is there media blackout in that region, atleast get phone recording or something.
you can not bring ethiopia to its knees without media exposure.
al jazeera brought down arab regimes.
I propose ONLF english speaking tv, with staged dramatic events
knowledge about political theater is something that we all somalis lack.
this post is inconsequential, just like the lifes of millions of somalis who died in ogadeniya in the darkness without the world knowing anout it.
you can not bring ethiopia to its knees without media exposure.
al jazeera brought down arab regimes.
I propose ONLF english speaking tv, with staged dramatic events
knowledge about political theater is something that we all somalis lack.
this post is inconsequential, just like the lifes of millions of somalis who died in ogadeniya in the darkness without the world knowing anout it.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Tigre oo Magaalada Sagag Wiil Dhalinyara ah ku toogtay
allah ha u naxariisto wiilka ilahay janada haka waraabiyo , xabashida walaga ooyi doona guryahooda wa balan taasi
- Eaglehawk
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3557
- Joined: Sun Dec 27, 2009 3:33 pm
- Location: God, Clan and Country
- Contact:
Re: Tigre oo Magaalada Sagag Wiil Dhalinyara ah ku toogtay
Crocodile tears, we are not at war with habashi people, we are at war with Ethiopian misplaced policy towards the country of ogdeniya.The_Emperior5 wrote:allah ha u naxariisto wiilka ilahay janada haka waraabiyo , xabashida walaga ooyi doona guryahooda wa balan taasi
It’s in the two countries best interest, ethiopia and ogadeniya that a resolution must be found to bring this resource draining war to its logical end.
A 2 state solution is needed, so that the two people can have a lasting security and prosperity
ps: I know your anti melez zanawi sentiment stems from melez zanawis new policy towards you clan, don`t be ungratful to your former patron
- Hyperactive
- SomaliNet Super

- Posts: 34540
- Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
- Location: "Some people are so poor, all they have is money."
Re: Tigre oo Magaalada Sagag Wiil Dhalinyara ah ku toogtay
Eaglehawk wrote:Crocodile tears, we are not at war with habashi people, we are at war with Ethiopian misplaced policy towards the country of ogdeniya.The_Emperior5 wrote:allah ha u naxariisto wiilka ilahay janada haka waraabiyo , xabashida walaga ooyi doona guryahooda wa balan taasi
It’s in the two countries best interest, ethiopia and ogadeniya that a resolution must be found to bring this resource draining war to its logical end.
A 2 state solution is needed, so that the two people can have a lasting security and prosperity
ps: I know your anti melez zanawi sentiment stems from melez zanawis new policy towards you clan, don`t be ungratful to your former patron
what!!!!!1 why he deserve this!!
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 603 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 4 Replies
- 364 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 20 Replies
- 1227 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 14 Replies
- 65 Views
-
Last post by Ka darag
-
- 0 Replies
- 4 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 2 Replies
- 796 Views
-
Last post by dhuusa_deer
-
- 19 Replies
- 1885 Views
-
Last post by Alphanumeric
-
- 4 Replies
- 1770 Views
-
Last post by mahamed99_sex
-
- 1 Replies
- 480 Views
-
Last post by HorseedS