
Biyo la’aan xooggan ayaa laga soo sheegayaa magaala xeebeedka Xaafuun ee gobolka Karkaar iyo deegaanada hoos taga oo mudo 5sano ku dhow aysan wax roobab ahi ku di’in.
Duqa degmada Xaafuun Maxamed Yuusuf Garow (Booli-wade) oo Horseed Media lasoo xiriiray ayaa ka warbixiyey xaaladda biyo la’aanta ah ee degmada Xaafuun ka jirta.
Wuxuuna sheegay inay tahay mid aad u daran taas oo halis xoogan ku haysa nolosha dadka, maadaama ay xiligan adkaatay sidii loo heli lahaa biyo la cabo, inta badan ceelashii laga dhaansan jireyna ay gureen.
Duqa Xaafuun ayaa mar ay Horseed Media weydiisey goobaha ugu daran ee ay biyo la’aantu saameysey wuxuu sheegay inay kamid yihiin deegaanada kala ah:
Laamiya.
Fundhuc dille.
Baar-madoobe.
Barbaarre.
Iyo degmada Xaafuun.
Maxamed Yuusuf Garow (Booli-wade)ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay dowladda, hay’adaha deeqda bixiya, iyo dhamaan bulshoweynta Puntland inay gacan ka geystaan sidii gurmad dhanka biyaha ah loola soo gaari lahaa degmada Xaafuun iyo tuulooyinka hoos taga.
Biyo la’aanta ka jirta degmada Xaafuun oo ku taal badweynta India ayaa ah mid daran, waxaana qalalay inta badan ceelashii hoos u qodka ahaa ee ay daku ka cabi jireen kadib markii ay halkaas abaar aad u daba dheeraatay ku habsatey.
Horseed Media


