ururka haweenka ee caasimada Taleex.
Munaasaabdan ayaa sidoo kale lagu xusay maalinta haweenka adduunka ee March,8.
Xafaldan waxaa hadalo kasoo jeediyey wasiiro ka tirsan maamulka Khaatumo oo kala ah, Cumar Jaamac Salebaan iyo Cabdikariin Faarax Dhaaye oo labaduba ku dheeraatay muhimada ay leedahay Maalinta Haweenka Aduunka ee 8 Marso, iyo weliba doorka Haweenka deegaanada Khaatumo ay ku lahaayeen dhismaha Maamul Goboleedka Khaatumo.
Intaasi kadib waxaa khudbad meelo badan taabanaysa kasoo jeediyey madaxweynaha Khaatumo State Axmed Karaash oo ka hadlay arrinta Laascaanood, hanblyana u diray haweenka Khaatumo, isagoo xusay kaalinta lama ilaawaanka ah ay had goor kaga jiraan horumarka Khaatumo State.
[youtube]OHPsiR2nHMQ&feature=youtu.be[/youtube]

