
Garoowe:-Shirkadda Golis ayaa hirgalinaysa Internet aad u wanaagsan kaas oo awoodiisu ay aad sarayso, kadib muddo dheer oo dhibaato ka jirtay Internetka
Maamulaha Shirkadda Golis ee Garoowe Maxamuud Ismaaciil ayaa Puntlandpost u sheegay in laga baxayo muddo todobaad gudihiisa ah sida ay rajaynayaan baahidii Internet ee ka jirtay magaalada Garoowe, waxaana uu sheegay in Internetkan u yahay mid Wireless noocyo kalana ku jiraan.
Interkan, ayuu sheegay in ay muddo ku talajireen balse iminka ay suurtowday in la rakibo kadib markii ay yimaadeen farsamayaqaanadii xir-xiri lahaa qalabka.
Baahi aad u ballaaran oo dhanka Intenetka ah ayaa ka jirtay deegaamada Puntland gaar ahaan Caasumada Garoowe, waxaana hubaal ah in Internetku uu maanta yahay aalada ugu casrisan ee la isticmaalo iyadoo ganacsiga intiisa badan uu ku xiran yahay.
Puntlandpost.com