
Boosaaso [RBC Radio] Maamul Gobaleedka Puntland ayaa maanta gudaha magaalada Boosaaso kusoo bandhigtay nin ay ku sheegtay in uu ka tirsanaa Xoogaga Buuralayda Galgala ee gobolka Bari kuwaas oo dhawaan sheegay in ay ku biireen Xarakadda Al-Shabaab.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo Saxaafadda u qabtay Shir Jaraa’id ayaa sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Cabdirashiid Xasan Maxamed uu isku soo dhiibay laamaha amniga Puntland kaasi oo go’aansaday in uu ka faa’idaysto Cafis uu horay u fidiyey Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole dhalinyarada la marin habaabiyey ee ku dhuumalaysana Buuralayda Galgala sida uu sheegay.
…””’ Walaalkayaga ka waantoobay waxyaabihii uu ku jiray oo kamid ahaa nimanka argagaxisada nabad diidka ahaa ee ka dagaala Buuraha Calmadow oo go’aansaday inuu ka tanaansulo waxyaabihii uu ka shaqeyanayey oo afkaarta khaldan ahayd oo u galay meeshuu hadda ka yimid isagana waan soo dhaweyneynaa….”’‘ayuu yiri.
Md. Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa tilmaamay in Xukuumada Puntland ay soo dhaweynayso cidii ka faa’idaysata Jaaniska Cafiska loogu fidiyey dhalinyarada ka dagaalanka Buuralayda Galgala balse sheegay in ciddii lagu qabto fal danbiyeed ka dibna Codsada Cafis aan laga yeeli doonin loona aqoonsan doono maxbuus.
….”’ Waxa sida ninkan oo kale aan kasoo tanaansulin oo isusoo dhiibin hay’adaha amniga haddii lasoo qabto maxbuus buu noqonayaa mana aqoonsan doono hadhow in la yiraahdo qof isagoo wakhtigaa dayacay waxaan Cafis ha la i fidiyo, dawladdu ilaa 2010 waxay ku dhawaaqaysay dadka sida khaldan afkaarta khaldan loo sheegay inay kasoo waantoobaan iskuna soo dhiibaan hay’adaha amniga sida ninkaas oo kale kii ka faa’idaysta Jaaniska dawladdu way soo dhaweyneysaa…””‘ayuu sidoo kale yiri.
Cabdirashiid Xassan Maxamed oo ah ninka Isku soo dhiibay Ciidamada amniga Puntland ayaa sheegay in uu qaabilsnaa dhinaca Saadka uuna go’aansaday in dadkiisa iyo dalkiisa uu dib ugu soo noqdo,wuxuuna intaas ku daray in 10-maalmood ka hor uu isku soo dhiibay laamaha amniga si fiicana ay ula dhaqmeen mudadii ay hayeen.
Sidoo kale Cabdirashiid ayaa xusay in muddo Saddex sano ah uu ka tirsanaa dagaalyahanada Buuralayda Galgala ee ku biiray Al-Shabaab isla markaana wuxuu baaq u Jeediyey dhalinrada ka tirsan kooxdaas in ay dib ugu soo noqdaan dalkooda iyo dadkooda hawlaha ay ku jiraana ay tahay mid aan habooneyn.
Talaaban ayaa noqonaysa midii ugu horeysay oo ay Maamul Goboleedka Puntland kusoo bandhigto nin ay ku sheegtay in uu kasoo goostay kooxda Buuralayda Galgala dhawaana ku biirtay Al-Shabaab,waxaana muddo laba sano ka hor ah uu Cafis u fidiyey Madaxweyne Faroole dhalinyarada kasoo goosta ee ku jira Buuralayda Galgala.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Boosaaso.
