Muqdisho ( DHM-News ):- Bismillaah,
wadaadada islaamka waxaa caado u ah in
hadalkooda ku furfurtaan mahadnaqa ilaahey
iyo amaatiisa, qaarkood waxey furfurashadooda
kasoo xigtaan rasuulka s.c.w, qaarne salafka,
qaarkoodna jeebkooda ayey ka sameestaan,
hadaba waxaa dhacdo in qaar kamida kuwa
sameesto ey ku dhacaan khaladaad fool xun.
Waxaa aad ula yaabay laba eray oo kamida
hadalada ow ku furfurto hogaamiyaha
Alshabaab, labadaas eray oo ah ” ﻝﺎﺘﻘﻟﺍ ﻙﻮﺤﻀﻟﺍ
“, “qosol badanaha dilaaga ah” oo uu nabiga ula
jeedo, labadaas sifo oo ilaahey nabigiisa ku
tilmaamin, asagana isku tilmaamin,
saxaabadiisana eysan ku tilmaamin, taasoo ey
usii dheertahay in xataa dhaqan muujinaya
labadaas sifo aanan nabiga s.c.w lagu sheegin.
Hadaba Axmadow xageed kasoo xigatay?, hana
idhihin Ibnu Qayim ama Ibnu Teymiyah ayaan
ka maqlay!.
Nabiga c.s.w labadaas sifaba malaheyn, ma
qosol badneyn, balse wuu dhoola cadeyn
badnaa, sifadaas aan asalka laheyn waxaa ka
fool xun tan kale oo ah “dilaa”. Waayoo waxaan
ku jirnaa zaman diinteena lagula dagaalamayo
been abuur iyo shaa’icaad, wax kastaa oo
fududeynayana waa in laga hor tagaa, hadaba
nabiga dilaa yaa ku tilmaamay?, meeqo qof
ayuusa dilay?
Baaritaan dheer oo aan labadaas sifo ku
sameeyay kabacdi waxaan u waayay sal iyo
raad, marka laga reebo culumadii dhexe qaar
kamida kutubtooda, marki aan ku qanci waayay
oo aan isku dayay in aan raadiyo cidii uga
horeysay,, waxaan helay dhowr aathaar, asaaniid
munqadic ah oo jajaban kabacdi waxaan helay
in labadaas sifo ey jireen waqtigii nabiga, balse
nasiib xumo dhanka nabiga kama heline waxaan
ka helay dhanka YAHUUDA, kutubta yahuuda
ayaa laga helay labadaas sifo in nabiga u
yaqaanaan. Islaamka waxa uu ka qabo kutubta
yahuudane waxaan filayaa in ey macruuf tahay,
sadax go’aan mid uunbaa laga qaadanayaa:
1. Wixi kitaabkeena waafaqa, alle iyo
rasuulkiisana sugaan waa la rumeynayaa
2. Wixi kitaabkeena si toos ah uga hor
yimaadana waa la beeninayaa
3. Wixi aan khilaafin, kana hor imaaninna waa
laga aamusayaa
hadaba waxaa cad arinta labadan sifo in ey
kitaabka alle khilaafeen, ilaahey wuxuu
leeyahay: : { ﺎَﻣَﻭ ًﺔَﻤْﺣَﺭ ﺎَّﻟِﺇ َﻙﺎَﻨْﻠَﺳْﺭَﺃ َﻦﻴِﻤَﻟﺎَﻌْﻠِﻟ }
“ma’aanan kuu dirin illaa naxariis ahaan
mooyaane, oo aan caalamiinta u
naxariisanaayo”, sidaa daraadeed waa la
beeninayaa, waaba hadii ey xataa kutubtooda ku
sugantahay, waayoo waxaan horay u sheegay in
aathaarta qudhoodu jajaban yihiin oo kala
go’go’anyihiin oo daliil xataa eysan galin.
Waxaa laga yaabaa in la yiraahdo waxaa
lahelayaa shawaahid, oo nabiga ayaa laga
wariyay in uu NABIYUL MALXAMA isku sifeeyay,
balse waxaan leeyahay sifaadka nuucaas ah
waxey leeyihiin maqaam uu nabigu adeegsado,
waxaa jirto in nabigu xataa isku sheegay in uu u
yimid “gowracid”, hadaba ma dhihi karnaa in
nabiga loosoo diray gowracid?, maya, abadan,
waayoo nabiga wuxuu lahadlayay niman gaalo
ah oo uu usheegay in gowracid AYAGA ula yimid,
waana lawada dilay dhamaantood.
Waxaan qiyaasaa in culumadii waqtiyadii dhexe
ey ayaga naftirkooduba asal u heynin, nin aan
asal heysan in uu asal kuu ahaadana ma
haboona. Waxaa cad in cadawgeena diinteenna
ka fidiyaan wax eysan eheyn, in ey tahay diin dil,
dhiig cabid iyo dagaal, hadaba inti aan fikirkaas
la dagaalami laheyn ma waxaan kaqeyb
qaadaneynaa fidintiisa?, waayoo mar hadii aan
dhahno nabigeena waa DILAA, maxaa haroon ku
doodnaa?
Waxaan rajeynaa in ninkaas odagaa uu
iftitaaxiisa ka jaro kalimadahaas aan asalka
laheyn,sharafta nabigeenana meel uga
dhaceeysa.
Apostate Abu Zubayr insults prophet Muhammad pbuh!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 64 Replies
- 8101 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 2 Replies
- 1061 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 7 Replies
- 1801 Views
-
Last post by Grant
-
- 1 Replies
- 951 Views
-
Last post by Firefly
-
- 1 Replies
- 1085 Views
-
Last post by Gatspy
-
- 10 Replies
- 1861 Views
-
Last post by Lil_maRlilander
-
- 26 Replies
- 2613 Views
-
Last post by Spursman
-
- 13 Replies
- 1566 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 39 Replies
- 4051 Views
-
Last post by gobdoon