Updated:- 5 hours ago| 15 Commnets
Deegaanka Laag oo qiyaastii 30km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Booosaaso ee xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha Puntland, wuxuu kamid yahay goobaha loo dalxiis tago ee ugu bilicsan Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Maalmaha fasaxa ee todobaad walba iyo xiliyada Iidaha waxaa laag u dalxiis taga dadweyne u badan dhalinyarada wax ka barta dugsiyada sare iyo Jaamacadaha magaalada Boosaaso.
Sidoo kale waxaa jira qoysas maalmaha qaar gaar ahaan xiliga xagaaga deegaanka Laag u taga sidii ay ugusoo hawo gedisan lahaayeen kuwaas mar marka qaar kusoo qado karsada.
Laag oo ah deegaan ay beeraha qudaartu kasoo go’do ku badan yihiin waxaa ku yaal ceel weyn oo dur dur ah kaas oo caan ku ah magaca ah (Aaadaanka).
Ceelkan oo ku yaal goob buuraley ah oo aad u qurux badan ayaa ah mid ku dabaalashadiisa aan marna laga daalin, waxaana ku xeeran jewi aad u degen oo ay muuqaalka cagaaran ee dhirta iyo codka shimbiruhu bilayaan.
Horseed Media waxay idiin soo gudbineysaa sawiro aad u qurux badan oo muujinaya muuqaalka deegaan dalxiiseedka Laag ee maalinta Jimacaha.


















http://horseedmedia.net/2012/04/07/daaw ... asosawiro/