

Moderators: Moderators, Junior Moderators







Dr. Ali Sheikh AhmedUmadaha maxaa is dhaafiyay?
Dalka URDUN oon maalmahan joogay ayaan aad u fiirshay horumarkuu gaaray, xaga dhismaha, jidadka, nidaamka dadka, quruxda magaalooyinka, iyo beeraha.
Waxaa yaab leh: kumanaan arday ah ayaa waxay uga yimaadiin dalalka carabta waliba kuwa ugu xoolaha badan.
Waxaa loo yimaada: caafimaad, tababaro, jaamicaadka, iyo maal gashi .
Hadaba waxaa mudan in la iswaydiiyo xooga Urdun waa xagee?
Waxaa ka jawaabay boqorkii hore Xasan bin dalaal( waxaan haysano dadkaa ugu qaalisan ayuu yiri) Dadkoodi ayay si wayn wax u bareen, illaa looga yimid in badan oo ka mid ah dalalka carabta, oon ka mid nahay in ka badan 200 ayaa wax ka barta.
TIXDAN MUNAASABADAA AYAY KU TIMID
1. Horumarka aduunyada
2. Iyo heeraekaa sare
3. Hordo laguma keenin
4. Aqoon baa hogaan u ah
5. Hanti xoog leh oo idil
6. Hanaan xoolo lagu helo
7. Habka lagu ilaalshana
8. Aqoon baa hogaan u ah
9. Habka nolasha wacanee
10. Kala hagi intii nool
11. Ku hagaynin meel daran
12. Aqoon baa hogaan u ah
13. Horukaca dhaqaaliyoo
14. Siyaasadoo hagaagtoo
15. Heshiid kuuda dhalisaa
16. Aqoon baa hogaan u ah
17. Inaan garanno hilinkoo
18. Howlaha inoo yaal
19. Hufnaan aan ku fulinaa
20. Aqoon baa hogaan u ah
21. Hadal aan turxaan qabin
22. Oo toogan hadafkiyo
23. Himilada dad waynaha
24. Aqoon baa hogaan u ah
25. Umadaha horseedka ah
26. Inta kalana wada hagi
27. Herkooda nolaleed
28. Hadiyad looma siinine
29. Handasada cilmiga iyo
30. Aqoon baa hogaan u ah
31. Cibaadada ILAAHAY
32. Oon ceebo laga helin
33. Cilmi hoos u qodan iyo
34. Aqoon baa hogaan u ah
35. Aqalkii hagaag iyo
36. Hannaan toosan lagu wado
37. Hooyoo wax baratiyoo
38. Aqoon baa hanuun

