Jubbaland president meets Jubbaland elders in Nairobi

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Jubbaland president meets Jubbaland elders in Nairobi

Post by XimanJaale »

Waxaa iminka magaalada Nairobi hotel Grand Royal ka socota xaflad lagu soo dhawaynayo madaxweynaha Jubba-Land State oo xalay soo gaaray magaalada Nairobi, Axmed Faarax Ducaale.

Odayaal magac iyo maamuus leh ayaa kasoo qayb galay xafladdaas oo ay kamid yihiin Garaad Qamaan, Nabaddoon Bacadle Warsame Cali Tiire, Khaliif Qoryooleey, Suldaan Shaale Cibaad Bulxan, Nabadoon Nuur Cali Xassan, Nabadoon Diiriye Sh. Doon Aadan Dirir.

Nabaddoon Barre C/dille Xamuumi, Aadan Barre Axmed Seed, Gaashaanle Sare, C/wali Jaamac Cadde, Col. Cabdi Cigaal Jaamac, Duullane Jaamac Qoodi, COl, Bashiir Xassan Cilmi. Col, Cabdi Faarax Jaamac, Nabadoon Cabdi Axmed Nuur (Xuubeey). Abuukaate, C/risaaq Cali Dhoore. Dr Xuseen Maxamed Ducaalle. G/Sare Cali Xaashi Maxamed Aadan, Waxaa kaloo kamid ahaa ganacasat ay kamid yihiin C/naasir Sh. Faarax.

C/laahi Maxamed Xaashi, C/raxmaan Maxamed Mire, C/khadar Sh. Faarax, Cali Hoolaal, Xassan Axmed Nuur iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Xafladda oo iminka wali socotta ayaa iminka si toos ah u bilaabatay.

Akhristayaasheen waxaanu dib uga soo gudbin doonaa warbixino dhamaystiran hadii Eebe idmo.
Image MORE UPDATES SOON
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Jubbaland president meets Jubbaland elders in Nairobi

Post by The_Patriot »

WERE YOU NOT AGAINST HOTEL MAMULS?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”