
http://puntlandi.com/?p=33460
Qurbajoogta beesha Maxamed Amaanreer (Wagardhac, Sade) ee ku nool Dalka Maraykanka gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa Caasumada gobolkaas Waxay casumaad sagoontin ah ugu sameeyeen Wasiirka Hormarinta Haweenka iyo arimaha qoyska dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Marwo,Caasho Geelle Diiriye oo halkaas booqasho ku joogta dhawaana soo gabagabaynaysa, Iyadoona casumaadan ay dad badani ka qaybgaleen.
Casumaadan oo ahayd Qadasho Sharaf sagoontin ayaa waxaa ka qaybgalay xubno badan oo aqoonyahanka iyo Waxgaradka beeshaas isugujira waxaana ay sheegeen inay ku faraxsanyihiin inay casumaad sagoontin ah u sameeyaan Wasiirka haweenka Puntland oo kamid ah Wasiirada ugu waxqabadka badan Puntland islamarkaasna ah Wasiirka kaliya ee haweenku ay Puntland ku leeyihiin waxayna sheegeen in tani ay sumacad gaar ah u tahay.
Casumaadan ayaa waxaa ka qaybgalay xubno badan oo aqoonyahanka, Dhalinyarada, Isimada, Cuqaasha, Waxgaradka, Suugaanleyda iyo qaybaha kaladuwan ee beeshaas ee ku dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Maraykankan, iyagoona halkaas hadalo kaladuwan kasoo jeediyey, Casumaadan dadkii ka hadlay soona qabanqaabiyey waxaa kamid ahaa Dr Salax Axmed Barre, Dauud maxamed Dhagoole Cabdirisaaq Geelqaad,Cisman Warsame Cigaal,Mahamed Cali Salaad, Mahmuud Faadhige,Caasha Canab Cabdi Nuur Wardheere ,Xaliimo Cali Yaab, Astur Ciise Cali Gurey,Casha Shire Kooshin,Faaduma Suudi, Deeqa Xuseen Mire iyo Deeqa Cali qooje kuwaasoo Abwaano iyo Xubno kale isugujiray Waxayna muujiyeen muhiimada ay qado sharaftani leedahay.
Xubnaha hadlay ayaa sheegey in Beesha Maxamed Amaanreer iyo reer Puntland ay yihiin dad isku isir ah islamarkaasna iskudhow ahna Ood wadaag xiriir soo jireen ah walaaltinimo iyo mid derisnimo oo qoto dheerna ay ka dhaxayso, Goobta ayaa laga jeediyey gabayo, Buraanburo iyo suugaan kale oo muujinaysa muhiimada casumaadan iyo Waxqabadka Wasiirka haweenka ee Puntland oo dhiirigelisay boqolaal haween Soomaaliyeed ah oo meelo badan oo aduunka ah jooga.
Wasiirka Haweenka ee dawlada Puntland Marwo.Caasho Geelle Diiriye oo gabagabadii Xafladaas hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsantahay Casumaadan Muhiimka ah oo ay Beesha Maxamed Amaanreer (Wagardhac Sade) u samaysay Waxaana ay sheegtay in beeshu ay waarid u tahay (Reer Abti) welibana ay xiriir qoto dheer la leedahay ah iyadoona u mahadcelisay qabanqaabiyayaashii iyo dhamaan dadkii kaladuwanaa ee kasoo qaybgalay, Xafladan ayaa qayb ka ah Xaflado lagu sagootinayo Wasiirka haweenka oo dhamaystirtay Booqasho ay ku joogtay dalka Maraykanka iyadoona deegaanada Puntland dhawaan usoo anba bixi doonta.
Sawirada Hoos ka daawo.