Maxkamadda Distooriga Ah Oo Dhagaysatay Dacwad U Dhaxaysa Hoggaanka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UDUB Iyo Ka Dhex-tooskii Cali Warancadde
Hargeysa(HWN):-Maxkamada sare ee Distooriga ah ayaa maanta guddo-gashay dhageysiga dacwada ka dhaxaysa Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB oo uu dhawaan Guddoomiye ku xigeenka xisbigaasi Maxkamada u gudbiyey.
Dhagaysiga dacwaddan oo socday mudo ka badan Shan saacadood oo xidhiidh ah ayaa ku bilaabantay jewi degan isla markaana ku soo gebo gabowday hab xasilooni iyo sareexadi ku dheehan tahay,iyadoo dhagaysiga dacwadan ay ka qayb galeen masuuliyiin ka socday labada dhinac ee khilaafka sharci u dhexeeyo oo kala ah Gudoomiyaha Xisbiga Udub Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku xigeenkiisa Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo isagu Maxkamada u gudbiyay dacwadan.
Dacwadan oo ku salaysan muran dhinaca awooda hogaaminta xisbiga UDUB ah oo u dhaxaysa Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa halkaasi waxa lagu soo bandhigay dacwada Axmed Yuusuf Yaasiin oo isagu maxkamada u soo dacwooday, taasi oo ah in Guddida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta Qaranku ka diiday liiska golaha dhexe ee xisbigaasi oo u gudbiyey isla-markaana qaatay liis uu u gudbiyay Daahir Rayaale Kaahin, ayaa garyaqaanka garabka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah Barkhad Jaamac Aar uu maxkamada ka dalbaday in la aqoonsado in Axmed Yuusuf Yaasiin awood u leeyahay inuu guddida u gudbiyo liiskaasi ay diideen, maadaama oo Daahir Rayaale wakhtigii uu dalka dibadiisa ku maqnaa uu u wakiishay fulinta hawlaha xisbiga UDUB oo gudbinta liiskaasi ka mid tahay, balse garyaqaanka garabka Daahir Rayaale Kaahin oo ah Maxamed Saalax Cigge oo isaguna halkaasi gartiisa ka sheegay ayaa tilmaamay in wakhtiga Axmed Yuusuf Yaasiin uu guddida u gudbiyey liiska xubnaha golaha dhexe ee UDUB Guddoomiye Daahir Rayaale Kaahin wadanka ku sugnaa, sidaa daraadeedna aanu xaq u lahayn inuu gudbiyo liiskaasi guddoomiyaha xisbiga oo jooga.
Sidoo kale, labada garyaqaan ee u kala doodaya labada dhinac ayaa halkaasi ku soo bandhigay qoraalo isku lid ah iyo waliba xeerar is-burinaya oo xisbiga UDUB ka soo wada baxay, kuwaasi oo Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Distooriga ah Prof Yuusuf Ismaaciil Cali amray in mid mid loo sharaxo.
.Dhageysiga dacwadan kamay soo xaadirin Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Md Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiye ku xigeenka Md Axmed Yuusuf Yaasiin,hase yeeshee waxa joogay Masuuliyiin tiro badan oo kala safan hogaankooda sarre.
Cali Maxamed Warancadde oo isagu goob-joog ahaa ayaa dhawr jeer ka biyo diiday Dooda Garyaqaankii ka socday garabka Axmex Yuusuf Yaasiin, isla markaana waxa uu Maxkamadda dhexdeeda kaga tiraabay oo uu yidhi Waar been hanaga sheegin wax aanu qornay ma jiree hase yeeshee hadalladaas waxa ka jawaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee Distooriga ah, waxaanu yidhi Caliyow halkan (Maxkamadda sarre), Sharciga cidi kama weyna ee fadlan Ixtiraam aanu kaa helno, waxaanu kuu ogolaanay dhagaysiga Dacwadda oo qudha, laakiinse hadal ma lihid ayuu ugu jawaabay Guddoomiyaha sarre ee Maxkamadda Distooriga ahi Prof Yuusuf Ismaaciil Cali.
Si kastaba ha ahaatee waa markii labaad ee Maxkamadda Distooriga hai ka garnaqdo Kiis noocan oo kale iyadoo horena ay Maxkamadda sarre u dhagaysatay Dacwad ka dhan ah Xisbiga UCID oo waagaas laba garab u kala qaybsamay, hase yeeshee wakhtigaas waxa Xisbiga Loo Xukumay Guddoomiyahaas, balse waxaan hadda la saadaalin Karin Goaanka ay Maxkamadda sarre ku dhawaaqi doonto ee ku saabsan Sharciyada hogaamineed ee Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB.
A.A.A.Asporo
Hadhwanaagnews/Office
Hargeisa Somaliland
Asporo23@gmail.com
Maxkamada Sare o dhagaysatay Dacwada Khilafka Udub
Moderator: Moderators
- Mr_Alfaas
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3439
- Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
- Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland
Re: Maxkamada Sare o dhagaysatay Dacwada Khilafka Udub
Suaasha mesha taal yaad u malayneysa in ay ku guuleysan doonaan?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 251 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 4 Replies
- 465 Views
-
Last post by Barkhadd
-
- 0 Replies
- 325 Views
-
Last post by afisoone
-
- 16 Replies
- 753 Views
-
Last post by Barkhadd
-
- 6 Replies
- 396 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 3 Replies
- 450 Views
-
Last post by djibsomali
-
- 1 Replies
- 500 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 15 Replies
- 778 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 15 Replies
- 1640 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 3 Replies
- 340 Views
-
Last post by Barkhadd