Suldaanka Guud Beesha Biciidyahan Cali oo Kormeer Ku Tegay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Suldaanka Guud Beesha Biciidyahan Cali oo Kormeer Ku Tegay

Post by damu »

deegaano Kamid ah gobolka Bari
Boosaaso [RBC Radio] Suldaanka Guud ee Beesha Biciidyahan Cali Saleebaan Yuusuf Axmed Saalax ayaa soo afmeeray Socdaal uu muddooyinkaan ku maraayey deegaano iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Bari.

Muhiimada Socdaalkiisa ayuu ku sheegay Suldaan Yuusuf Axmed Saalax u kuurgelida Xaakaddaha nololeed ee dadka deegaaka, Xoojinta nabadgelyada iyo sidii loo heshisiin lahaa beelo dirir hore ay dhexmartay oo deegaanka ah.

Suldaan Yuusuf Axmed Saaklax deegaaada iyo Tuulooyinka uu Socdaalka kusoo kala bixiyey waxaa kamid ah Dharjaale, Xumbays, Xiriiro, Caleemalay, Qodax, Isku Shuban iyo Timirshe oo ka tirsan gobolka Bari.,wuxuuna kulamo la qaatay mudadii uu ku sugaa Odayaasha dhaqanka, Waxagaradka,Maamulada ka jira iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo u kala hadlay arrimaha nabadgelyada.

Intii uu ku guda jiray Socaadlkiisa waxa uu u kuurgalay arrimaha dhanka horumarinta ee deegaanada iyo Tuulooyinka uu tegay,wuxuuna dhagax dhigay Iskuul cusub oo kuyaala deegaanka Timirshe halkaas oo ay wax ku baran doonaan ardeyda deegaanka.

Sidoo kale waxa uu la kulmay Suldaan Yuusuf Axmed Saalax Ciidamada Badda Puntland ee jooga deegaanka Isku Shuban ee gobolka Bari isla mar ahaantaana waxa Suldaanka aad usoo dhaweeyey dhamaanba bulshadii uu booqday soona hadaladii qiimaha lahaa ee u jeediyey.

Suldaan Yuusuf Axmed Saalax oo loo Caleema saaray xilka bil ka hor Suldaanka Guud ee Beesha Biciidyahan Cali Saleebaan waana markii ugu horeysay oo u booqdo deegaano iyo Tuulooyin kamid ah gobolka Bari.

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Suldaanka Guud Beesha Biciidyahan Cali oo Kormeer Ku Teg

Post by FBISOMALIA »

great move from the sultan :up:
User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: Suldaanka Guud Beesha Biciidyahan Cali oo Kormeer Ku Teg

Post by tightrope »

:up:
Image ImageImage
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Suldaanka Guud Beesha Biciidyahan Cali oo Kormeer Ku Teg

Post by quark »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”