Murankii Warshada Sibidhka oo Heshiis laga gaadhay

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Murankii Warshada Sibidhka oo Heshiis laga gaadhay

Post by abdikarim86 »

User avatar
rich-boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1635
Joined: Wed Jan 30, 2008 6:26 am
Location: Paris Seine saint denis Banlieue Nord gros

Re: Murankii Warshada Sibidhka oo Heshiis laga gaadhay

Post by rich-boy »

Xoghayaha Guud ee Dan Iyo Duco Oo Beeniyay Wararka Sheegaya In Saami Qaybsi Lagu Xaliyay Murankii Warshadda Sibidhka Berbera
(Hadhwanaagnews) Saturday, June 16, 2012
Xoghayaha Guud ee Dan Iyo Duco Oo Beeniyay Wararka Sheegaya In Saami Qaybsi Lagu Xaliyay Murankii Warshadda Sibidhka Berbera

Hargeysa (HWN) Xoghayaha Guud ee dan iyo Duco Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf ayaa beeniyay warar lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland.

Waxa uu sheegay in aanu ilaa hadda jirin isfaham laga gaadhay saami qaybsiga Warshadda sibidhka ee Magaaladda Berbera.

Sidaasna waxa uu ku sheegay Warsaxaafadeed uu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay Xafiiska Wararka ee Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan

UJ:- BEENIN WAR KUSOO BAXAY BERBERA-NEWS, SAXAFI, SAXANSAXO.

Waxaan halkan ku beeninayaa war kusoo baxay website-yada iyo Jornaalada kor ku xusan shalay oo ku taariikhaysan 15/06/2012 kuna saabsanaa soo afjarida khilaafkii wershada sibidhka berbera, waa siday hadalka u dhigeene.

Waxaan halkan ku cadaynayaa in warkaas kor ku xusani yahay been abuur & waxba kama jiraan, mana jiro heshiis rasmi ah oo laga gaadhay qaybinta saamiyada wershada sibidhka Berbera ilaa hada, waxaan u aragnaa warkaas mid lagu doc-wareemayo guddi ku hawlan qaybinta saamiyada (shares-ka) shirkadaha iyo ganacsatada reer Somaliland oo dawladuna ka war qabto guddidaas hawsha gacanta ku haysa.

Ma jirto wax gaar loogu qoondeeyay Shirkada MSG iyo Mulkiilaha shirkadaas Ganacsade Max’d Siciid Geedi iyo Ganacsadahaa reer Kuwait iyo Harumarinta Gobolka saaxil toona.

Waxaan bulshada reer Somaliland u kala cadaynayaa inaan laysku khaldin Guddida (Board-ka) Berbera Cement Factory oo ka kooban dhamaan ganacsatada reer Somaliland ahna shirkada kicin doonta wersheda sibidhka Berbera iyo Guddida harumarinta ee DAN iyo DUCO oo ah guddidii ay Beelaha Ciise Muuse kusoo doorteen shirkii DUBUR una xil saran harumarinta deegaanada beeshu degto, Waana laba Guddi oo kala madax banaan, hadaba Guddida sare ee DAN iyo DUCO in lagu shaabadeeyo wersheda sibidhka waa gaf iyo jaahwareerin la jaah wareerinayo Bulshada reer Somaliland.

Waxaan kusoo gebagebaynayaa warkaas been abuurka ah Saxaafadii qortay waxa looga fadhiyaa inay cadeeyaan ilaha xog-ogaalka ah ee ay kasoo xigteen.

ABDIRASHID MOH’D H. YUSUF

XOGAHAYA GUUD EE GUDDIDA DAN IYO DUCO
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”