40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Post by TheblueNwhite »

Mohamed Ceynaashe Guuleed iyo Abdulkadir Dheyl Abdule

Luulyo 3-1972, abbaarahii 08:00 subaxnimo maanta oo kale ayeey ka soo wareegatay 40 sanno, dil murugo leh, si waxashnimo ahna loogu fuliyay General Salaad Gabeyre Kadiye, General Mohamed Aynanshe Guleed iyo Col. Abdulkadir Dheyl Abdulle. Dabcan gacan ku dhiiglayaasha dilka sameeyay waxaa ugu weynaa kaligii taliye Siyaad Barre, laakin dhagar qabayaalkii kale oo iyagana sida firfircoon ugu lug yeeshay ayaa laga xusi karaa Mohamed Ali Samatar, Ismail Ali Abokor, Abdalla Mohamed Fadil (oo dhintay), Ahmed Suleyman Dafle, Mohamud Gelle Yusuf iyo Abdulkadir Haji Masaleh.

Image

40 sanno oo u sii dhawaanaysa nus qarni laguma tilmaami karo waqti dheer inay ka soo wareegtay, bal waxaa cad in ragga la laayay weli dhiiggoodii uu ka sii dhex qoyan yahay quluubta iyo xusuusta maalaayiin Soomaali ah. Siyaad Barre uguma harin raggaasi dil kaliya, wuxuuse ku sii darsaday inuu dhaco maal iyo xoolo wixii ay lahaayeen iyada oo loola jeedo in xataa lagu hanti tiro agoontii iyo xaasaskii ay ka tageen, islamarkaana diiwaannada dowladdana uu ka saaro magac, xushmad, taariikh iyo xusuus wixii ay ku kasbadeen shaqo dhinaca siyaasadaha iyo howlaha difaaca qaranka oo loogu aqoonsanaa inay ku lahaayeen door geesinimo ah iyo kaalin aad wax ku ool ah.

Taariikhdu ma qarsoonto si kastoo laysugu dayo.Dadna waxaa ugu caqlixun ama ugu doqonsan ciddii iskudayda intey xumaan iyo wax xil leh sameyso haddana is tiraa xumaantaasi way qarsoonaan doontaa maxaa yeelay bohosha lagu aaso hareereheeda ayaa hadla.

Image

Taariikhda waxay xususeysaa in loo laayay ragga shaki laga qabo, kadib markii ay sii if-baxeen khilaafyo iyo ballan ka baxyo si bareer ah loo sameeyay, taasoo si weyn ugu lug lahaayeen koox Afweyne ka dhex sameystay qaar ka mid ahaa kuwii wax ka ogaa inqilaabkii lagu rogay dowladii rayidka ee dastuuriga ahayd iyo kuwii gadaal magacyadooda lagu daray liiska xubinimada GSK. Siyaad Barre wuxuu ka cabsi qabay saddaxda nin oo aan arkeyn waddaniyaddooda iyo Soomaalinimadooda, balse kaliya ka fakira isirka ay ka soo jeedaan oo ah beelo waawaayeen midkood inuu qabto xilka taliyonimada XDS.
Wuxuu markiisa hore doonaayay inuu isaga isku noqdo Madaxweynimada GSK iyo Taliyaha XDS, bal haddii ay u socon weysana, uu u dooro xilkaas, sida markii dambe dhacday, Mohamed Ali Samatar iyo Abdalla Fadil oo taliye iyo taliye ku xigeen kala noqdeen.

Samatar iyo Fadil waxay saaxiib dhow la ahaayeen Salaad Gabeyre, laakin ka hor iyo kadib markii xilalkaasi loo dhiibay, waxay bilaabeen inay si dhagari ku jirto kula socdaan. Shaqada ugu muhiimsan oo ay qabanaayaan ayaa ahayd inay saacad ka saacad ka war keenaan dareenka iyo talaabooyinka uu qaadi karo iyo inaysan faarujin waqtigiisa si talaabooyinkiisa ay xogogolaal uga noqdaan.

Siyaad Barre wuxuu wajihi jiray welwel badan oo uga imaanaayay la gambasho la’aanta Salaad sida uu u daneenaayo inuu qaato xilka Taliyahnimada XDS iyo inuusan doonayn, Xilka loo magacaabay oo ah Wasiirka Gaashaandhigga. Diidmadiisa ayaa loo aaminay inay ku daahsoon tahay qoorshe damac ah inuu soo wado inqilaab.
La wareegistii xukunka ka hor, waxaa jiray shuruudo lagu heshiiyay, kuna aaddanaa shax awood qaybsi ah. Waxaa ka mid ahaa, Afweyne maadaama uu ahaa qof waayeel ah, xagga da’da iyo darajadana ugu weynaa raggii tashaday, loo tixgeliyo xilka Madaxweynanimada, halka Taliyaha XDS uu noqdo Salaad Gabeyre.
Markii la guuleystay, Siyaad Barre oo ah qof lagu yaqaan shaki iyo inuusanba lahayn mowqif loogu soo hagaago ayaa waxaa laga daadhiciyay Salaad Gabeyre inay meel u taal qoorshe la mid ah tabtii Kacaankii Masar ee Jamal Abdinassir u maray xilka Madaxweynimada, taasoo uu kala wareegay General Mohamed Najib, kadib markii labo sanno ku siman uu xilkaas haayay xagga da’da darteed.

Sida ay caddeynaayaan, saraakiil xogogaal ah, lana socday wixii ka dhacaayay xaruntii Avizione, saraakiil waaweyn oo ay saaxiibbo iyo isku koox ahaayeen Salaad Gabeyre ayaa aad uga caroodeen, kadib markii uu Salaad aqbalay Afweyne inuu noqdo Madaxweynaha GSK. Saraakiishaas aad u xanaaqay qaarkoodna bilado geesinimo ku kasabeen dagaalkii 1964 waxaa ka mid ahaayeen Col. Ibrahim Roble Warfa’ “Doonyaale”, Col. Elmi Nur Tarambi, Col. Mohamed Nur Barqhab, Col. Ahmed Ismail Boqor iyo kuwo kale oo badan.

Arrimaha kale oo ay isku qabteen Gen. Salaad Gabeyre iyo Afweyne waxaa kaloo ka mid ahaayeen:-
1. Go’aamada GSK ee taabanaya dhinacya xukuumadda, sharci sameynta, Siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo difaaca in loo wada gaaro si wadajir ah, cod qaadis ah hab dimqoraadi ah ku saleysan, mustaqbalkana la tixgeliyo waqti cayiman oo munaasib ah sidii iyo wadiiqadii xukunka loogu celin lahaa shacabka.

2. Subaxdii koowaad ee malitii inqilaabku dhacay,lana soo qabqabtay si loo xiro dhammaan Xubnihii xukuumadda iyo ra’iisul wasaarahoodii Mohamed Ibrahim Egal ayaa Afweyne isna maalintii labaad uu soo xiriray, iyada oo aan la isku raacin siyaasiyiin waawaaeyn oo uu ka mid yahay Madaxweyne Aden Abulle Osman, waxaa kale ragga la xiray ka mid ahaayeen Abdirizak Haji Hussein iyo Haji Musse Boqor, halka Sheikh Mukhtar M Hussein iyo Gen. Mohamed Abshir Haamaan uu ku haayay xabsi guri muddo dheer. Qabaqashadaas waxaa loo adeegsaday ciidan heyb sooc ah oo Afweyne ninka uu soddogga u yahay Ahmed Suleyman Dafle wata.

3. Liiska Xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka oo xubno taageerayaal ah ku soo darsaday Siyaad Barre.
Mohamed Ali Samatar, wuxuu ahaa ninka naqshadda u haayay tabaha Siyaad Barre uu ku noqon lahaa kaligii taliye inta uu nool yahay Xukun ku waara. Axdigii Labaad ee GSK waxaa lagu qeexay Somalia inay dooratay dhabbaha Hantiwadaagga cimiga ku dhisan ee Marxism-Leninims. Nidaamkan wuxuu jideenayaa inay xaaran tahay habka awoodaha kala soocan ee hey’aadaha dimoqraadiga ah (Check and Balances) ee barabar socon karta midda kaligii talisnimada, lala wareego hantida gaarka ah ee shirkadaha shisheeye iyo kuwa waddaniga ah, dalka aan ka jiri karin nidaam dhaqaale ee furfuran, xorna ah sida ganacsi iyo suuqyaba, la baa’biyo sharci kasta oo u adeegaya sharafta aasaasiga ah ee muwaadinka iyo xuquuqul iinsaanka, sida inuu ka qayb qaadan karo wacyi gelinta mujtamaca, hal abuurka, xuryatul qowlka, abaabulada xisbi iyo bannaanbaxyada shacbiga ah.

Xubnihii GSK, xataa Siyaad Barre, kuma jirin qof si duluc ah u yaqaan falasafadda Marxism-Leninism, bal waxay ka ahayd in loogu sii dhawaado xiriirka Ruushka iyo in xukunka la isku waariyo. Afweyne wuxuu ka jeclaa Marxism-Leninism aragtida Machiavelli oo dhahaysa, “Wax kasta samee, una mar si aad danahaada u gaarto iyo ma jiro caqli iyo maskax kale oo aan ahayn midda uu ku fekero kaabaha.”

Salaad Gabeyre iyo Afweyne arrimahaas aan kor ku soo sheegay ayaa ugu muhiimsanaa wixii dhab ahaan ay isku haayeen. Mana jirin inqilaab uu waday, ee isagaa la shirqoolay, lalana dilay saaxiibada kale. Saraakiishii hore iyo Siyaasiyiin dhowr ah, waxay qabaan in Gen. Caynaanshe marka la barbardhigo Afweyne ay kala ahaayeen laba qof oo waxyaabo badan ku kala geddisan. General Mohamed Aynanshe Xagga aqoonta, waddaniyadda, hufnaanta iyo sumcaddaba wax badan ayuu kaga horreeyay Afweyne. Waxaa loo tiriyaa Caynaanshee in dhinac walba uu ku dhawaa wannaaggii General Daa’uud looga haayay XDS iyo Shacbiga gudahiisa. Sidoo kale Gol. Abdulkadir Dheyl Abdulle, Wuxuu ahaa sarkaal uruursan, tababar sare qaba aadna iskugu kalsoon. Wuxuu ahaa geesi aad u firfircoon aadna saraakiisha iyo askartaba u jeclaayeen.
Taariikhda Salaad Gabayre kediye ee aan la illoobi karin keliya ma aha in xaqdarro lagu xiray iyo in xaqdarro lagu toogtay. Waxaan la illoobi karin in la jirdilay ilaa heer waxyeelo darran oo aad u foolxun loo geysto xubnaha jirkiisa isagoo nool. Eheladiisa iyo xigtadiisa taas xogogaalka u ahaa ma aysan ka hadlin arrintaas, laakin waxaa loo adkeysan waayay oo aad looga xumaaday kana nooga hadlay Allaha u naxariitee Jeneraal Axmed Cabdulle Shucayb “Indhaguduud”, oo ka tirsanaa markaas Xeerilaalinta Maxkamaddii babaadada lagu sheegi jiray.

Ragaas sida arxan darrada loo laayay, ayaa hadda waxay joogtaa inay yihiin kuwo mudan qof iyo qaran ahaanba la xusuusto, xushmaddii iyo taariikhdoodii la aasayna dib loo soo nooleeyo iyada oo loo sameynaayo tacsi qaran iyo maalin lagu xusuusto iyo in lagu sharfo magacyadooda meelo muhim ah oo ummadda u dhaxaysa, sida waddooyinka, iskuulada iyo xarumaha ciidamada iwm. Sidoo kale waa in 12ka April, Maalinta xuska XDS magacyadooda iyo taariikhda ay leeyihiin lagu weyneeyo iyo in dhammaan wixii hanti ah oo laga dhacay dib loogu celiyo cidda leh dhaxaltooyadooda sida madaxda qaranku go’aanka ku gaartay.

Dood laga keeno go’aamadaas sida ay ku soo qoraan Dr, Cabdiwahaab Tarrey iyo Dr. Qaasin Xersi Golaha Dooddaha Aqonyahanka ee Talo iyo Tusaale waxay damqinaysaa boog ama utun ooyin cusub ku soo kordhin karta arrimaha murugaysan ee maanta ummadda soomaaliyeed haysta oo uu abuureen Siyaad Barre iyo gacanyarayaashiisii ay ka mid ahaayeen kuwa sare ku magacaaban.

Ali Muhiadin
muxiyaddiin@hotmail.com
DayaxJeclee
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2598
Joined: Mon Jun 25, 2012 7:11 am
Location: Kr

Re: 40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Post by DayaxJeclee »

allaha u naxariisto Aamiin
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: 40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Post by TheblueNwhite »

Amiin.

GABAYGII GALIILYO

Image

Gabaygan waxaan ugu talogalay xuska maalinta madoow, maalin si dhab loo hirgaiyey kalitalinimo iyo amar ku taaglayn, wixii ka dhashayna aan wali maanta dul mawriirino. 03.07.1972 Waa maalintii Gollihii Sare ee Kacaanku uu geedka ku xidhay saddex geesi, wadani iyo siyaasi Soomaaliyeed, ahaana muwaadiniin aan galabsan wax aan ka ahayn inay noqon kareen il ku daye danaha umadda Soomaaliyeed, waxay kala ahaayeen: General Salaad Gabeyrre Kadiye, General Maxamed Caynanshe Guleed iyo Col. Cabdiqaadir Dheyl Cabdulle.

Dabcan gacan ku dhiiglayaasha dilka sameeyay wali badidooda waa noolyihiin, qaarkoodna loo yaqaan madax sare oo muwaadiniina, maan ahayn goobjoog maalintaa Dhacdadan xanuunka lihi dhacday, mana dhalan markay dhacdadan murugada leh dhacday, balse, maqal iyo duul duul ay igu soo gaadhay ka dib markaan helay warbixin iyo xog warran uu qoray Qoraa Cali Muxyadiin, oo uu Ciwaan uga dhigay sidan: “Xasuusta 40 Guuraddii Dilkii Geesiyaasha” ayaan aad uga tiiraanyooday ka dibna curiyey Gabaygan oo magaciisu yahay “Galiilyo” ee ka bogasho wacan.

GABAYGII GALIILYO

1. Ga’da gabayga goolkii murtida, gedihii suugaanta
2. Ma gardaadin maansooyinkaan , goonida u helaye
3. Gu’yaal gabayadaydii ma furin, aan gorfayne jiraye
4. Anigoonan geeraarro tirin, gole ka fuulkeeda
5. Anigoon geddeedii murtida gaadhin waayahanba
6. Maansada godkeediyo giblaba, gaar iskaga leexshay
7. Markii ay go’doontaye dadkuna, gabay odhaahdeeda
8. Ee garashadeed gaabataye, layska guri waayey
9. Hal abuurkii geed lagu xidhay, geeska badidiisa
10. Ayaan gaabshay eraygii murtida, gole ka sheeggiise

11.Galabtana xasuus guun ahbaa, maanku gaylamaye
12.Goortaan aqriyey sheekadii, gudurigii uu geeystay
13.Guhaaduu ku dhigay shacabka iyo, gebigeed soomaali
14.Ma godladay muddaan gaaxsadaye, gabay galiilyeysan.
15.Annoo gama’ ka toosoonan qabin, gaajo iyo dhiillo
16.Oo aan guhaad tabanahayn, godob la’aan jooga
17.Oo aan xaanuun gaara iyo ciilna igu gaaxan
18.Ayaan goor aqriyey sheekadii gocorka baas geystay
19.Gu’yaal aanan jirin bay ahayd, godol horraaneede
20.Balse gawda hadalkeedi uu, maqal i soo gaadhay

21.Markii horena laga gaabsadoo, lala gunnuusaayey
22.Markii xigayna guutada ogayd, gacalka gaadhsiinin
23.Geesiga u qalabqaataye, sheegay godobtooda
24.gardarrooyinkii dhacay xusaye,gole ka faalleeyey
25.In garsoor la keeniyo cadliga, shacabka gaadhsiiyey
26.Galab weliba xaalkeed lehiyo, gooni socodkeede
27.Taariikh gundheer bay ahayd, goob xanuun badane
28.Gardarro xumaan bay ahayd, iyo gumayn weyne
29.Giiryaalayaashii tegaa, geeystay xumahaase
30.Gollihii kacaankii horaa, dhigay gumaadkaase

31.Weli geeshkii dhinac joogi jiray, waa gurxamayaane
32.Oo Weli gar bay moodayaan godobtay geeysteene
33.Oo geesi bay ugu wacaan, gaas sariyo beene
34.Guulleey wanaag uga baryaan, godob la’aanaade
35.Darna gaardis bay weli wadaan, iyo garaaddayne
36.Darajiyo xil bay gaadayaan, lagu gunneeyaaye
37.Iyagoo xumaan galabsaday, faan ku gaadhaane
38.Gacmo dhiigle bay moodayaan, guuto sharafeede
39.Goblantaye adduunyadan guracan galabba sheeggeede.

40.Goortii la dilay geesiyada, galabsi aan gaysan
41.Ee geedka lagu soo xidhaye laguna geeraaray
42.Ee gana la yidhi waa dulliye, qoorta laga gooyey
43.Gabayre iyo Caynaanshihii, godobta loo gaystay
44.Iyo Dheel raggii ganay ayaa, weli garaabtaanee
45.Oo gacal xigaaliyo walaal ugu garbaysaane
46.Oo aad ku gaadhaan gacmaha, kuna guddoontaane
47.Oo aad geddii madaxnimiyo, guurti bidaysaane
48.Ileen gebi ka dhaca goor kastaba waad la godotaaye
49.Markii aan gambiyey xaashidaan, goostay hadalkii
50.Goroddaan luloo waxaa i galay, ciil gunaad badane

51.Galiilyiyo cadhaan goohayoo, guuxay keligeeye
52.Gawsyaha is galayoo xumaa igu gadhoodhsamaye
53.Go’aankii dulliga iyo gefkii madaxda loo gaystay
54.Dulmigii garbaha loo helay, geedka lagu gooyey
55.Cadligii la gabay iyo xaqii geeska laga dhaafay
56.Iyadoon garoowshiiyo jirin, hadal garsooreedba
57.Goobjoog marqaatiyana jirin, iyo guddoon fiican
58.Geed lagu gabbanayaana jirin, baa la gawracaye
59.Gollihii xumaantiyo dulliga, gaadhay amarkaase
60.Durbaanka u garaacaa la yidhi, ruuxna yuu gubane

61.Giblo iyo ciyaar baa la tumay, gaadde ka ciyaare
62.Guunyadoodii gebideed la dhacay, gaasas loo diraye
63.Agoontii guhaad loogu daray, iyo garaafayne
64.Ruuxii ka giigana la yidhi, gaalshiruu geliye
65.Goblantaye adduunyadan gurracan galaba sheeggeede.
66.Gollihii xumaatadu markuu yeeshay cudud gaara
67.Oo gaasas ciidana qortiyo, guulwadiyo tuugo
68.Mid la gano mid gooni u firdhada iyo mid gaajaysan
69.Mid la gawdhiyiyo ruux go’ayee goohayaa hadhaye
70.Mid god galay mid ciil giigsaniyo, mid gaanoobay

71.Shacabkii go’doon buu galay, iyo gumaad weyne
72.Gobonnimadii Soomaaliyeed, waa la gaasiraye
73.Nin kastaba guhaadduu qabuu, gaar u faashadaye
74.Gobtu xumaha uma giigsatee, way ka gubataaye
75.Ragbaa duurka galay oo gembiyey, gocorkii shaydaane
76.Ma gefine xisbiyadii gurmaday, guul bay dhaliyeen
77.Raggii gaadhay hadafkii gobtee, gacanta loo taagay
78.Ee geesiyaashii Es En Em(SNM), laga gayoon waayey
79.Ee guutadii Yu Es Sii(USC), gulufka soo qaadday
80.Garmaqaatayaashii eryeen, ganayey jiidhkeena

81.Gelin keliya bay ahayd markaan, hananay guushaase
82.Gurmadkii dadkiyo maatadaa, dhaliyey goolkaase
83.Odaygii go’doon geliyey iyo golihii Shaydaane
84.Oo godobti uu geystayiyo, mariyey goobtiise
85.Isagoo guhaadiyo dhib qaba, gaajo iyo oonba
86.Oo gobolla kale tuugsaday, gaadhay geeriduye
87.Goblantaye adduunyadan gurracan galabba sheeggeede.
88.Keligii nin goosaarta oo, ganad ah hay sheegin
89.Keligii mid gooni u socdoo, gocora hay sheegin
90.Keligii mid guuraynaya oo gudaya hay sheegin

91.Keligii mid goobeeya oo godoble hay sheegin
92.Keligii mid gees u la baxoo garabla hay sheegin
93.Keligii mid guul wade ahoo, garanin hay sheegin
94.Keligii garaad mid is bidoo, gorofa hay sheegin
95.Keligii mid gaadh haysta oo ganafle hay sheegin
96.Keligii mid ganacsada ahoo, gadaya hay sheegin
97.Keligii mid goosarad sitoo, guri cad hay sheegin
98.Keligii mid gaadhiga watoo, gamasha hay sheegin
99.Keligii mid geel haysta oo gorodle hay sheegin
100. Keligii mid gini kaydsadoo, gododle hay sheegin.

101. Gundhiggiyo ujeedada waxaan, hadal ku soo gooyey
102. Aan ku giijiyo dabar aanan go’in, gebageyntiiye
103. Go’aankii Shariif aan ku xidho, waa gob hadalkeede
104. Geesiyaashii galabtaas la dilay, laguna geeraarey
105. Waa in guunyadii loo celshaa, gabannadoodiiye
106. Waa in taallo gaariyo xasuus lagu gadaamaaye
107. Waa in goobo weyn lagu xusaa, galab ay yeeshaane
108. Ha gam’aane waa inay helaan, maalin gooniyahe
109. Ha gam’aane waa inay helaan maalin gooniyahe.

Cabdiraxiin Hilowle
Galayr Galayr1977@hotmail.com
User avatar
BlackVelvet
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 23249
Joined: Thu Mar 11, 2010 2:54 pm
Location: On Idman's mind

Re: 40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Post by BlackVelvet »

^^ Free your mind


Ilahey ha u naxariisto. He looked sharp in uniform mashallah :up:
User avatar
waryaa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5889
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm

Re: 40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Post by waryaa »

allah ha u naxaristo dhaman.

I have three questions:

How many of them were killed?
Were they part of the coup?
If I understood the above post correctly, Mr. Gabayre was killed because he was a direct threat to Mohamed Siad Barre's rule. Why were the rest killed?

merci.
User avatar
guhad122
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4958
Joined: Tue Mar 20, 2007 4:59 pm
Location: Jubbaland, NFD and DDS!!!

Re: 40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Post by guhad122 »

Black;
Ilaaheey ha u naxaristo dhamaan intii dhibaatadu kasoo gaartey dagaaladii sokeeye. Aamiin.
My point is by invoking old wounds, we will never move forward. I saw Tarsan organizing poor women to carry pictures of these guys in the streets of Muqdisho; what is the point? The whole city is awash with innocent civilian blood and it doesn't make sense to bring up the old wounds.

Here you have Cali Naafto playing the same Muqdisho beaches he sold to the mafia and international criminal organization for dumping nuclear wastes. Bring that up because to me that is the biggest crime and the culprit is right there at the beach.Image
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: 40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Post by TheblueNwhite »

waryaa wrote:allah ha u naxaristo dhaman.

I have three questions:

How many of them were killed?
Were they part of the coup?
If I understood the above post correctly, Mr. Gabayre was killed because he was a direct threat to Mohamed Siad Barre's rule. Why were the rest killed?

merci.
Answers:

3
Yes
The same reason Gabeyre was killed, they were threat to MSB.
User avatar
BlackVelvet
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 23249
Joined: Thu Mar 11, 2010 2:54 pm
Location: On Idman's mind

Re: 40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Post by BlackVelvet »

Even if they wanted to carry photos of every single person who was ever killed it is their decision to make, you either say AUN and be respectful about it or just keep out of it.
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: 40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Post by TheblueNwhite »

BlackVelvet wrote:Even if they wanted to carry photos of every single person who was ever killed it is their decision to make, you either say AUN and be respectful about it or just keep out of it.
This.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: 40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Post by AbdiWahab252 »

Ali Geedi's father sold the General (AUN) out. The reality is that the coup was set up for failure because Salad underestimated SIyaad :down:
User avatar
waryaa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5889
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm

Re: 40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Post by waryaa »

AbdiWahab252 wrote:Ali Geedi's father sold the General (AUN) out. The reality is that the coup was set up for failure because Salad underestimated SIyaad :down:

awahab, tell us more. I am very interested in this part of somali history. What did Mr. Gedi do and what was he?
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: 40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Post by AbdiWahab252 »

Waryaa,

He leaked out the details of the planned countercoup by Salaad Gabeyre and bore witness against Salad Gabeyere during the trials.
Advo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 27096
Joined: Sat Mar 01, 2008 4:11 am
Location: ever green state

Re: 40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Post by Advo »

AUN

I am sure they knew the consequences of attempting a coup in a cut throat regime.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: 40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Post by AbdiWahab252 »

Advo wrote:AUN

I am sure they knew the consequences of attempting a coup in a cut throat regime.

They underestimated Siyaad to their own peril. The whole coup was planned and executed by Salad and the credit given to the elderly Barre. They should have left the civil government in place.
User avatar
waryaa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5889
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm

Re: 40 Guuradii dilkii Gen. Salaad Gabeyre

Post by waryaa »

AbdiWahab252 wrote:Waryaa,

He leaked out the details of the planned countercoup by Salaad Gabeyre and bore witness against Salad Gabeyere during the trials.
ooh!

Then why are they portrayed as heroes? They dismantled a democratic system, arrested everyone with eye-glasses and got rid of the constitution. Isn't that a crime against the nation, treason? They got away with that. Then they tried to do the same to their colleague who in turn outsmarted them. Throughout history rulers kill anyone who tries to unseat them and MSB did just that. I thought they were killed for other reasons.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Banaadir”