Requirements for Khaatumo MPs in next Somali govt

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

SOM1960
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 335
Joined: Fri Feb 24, 2012 7:20 am
Location: President Sheikh Sharif 2012

Requirements for Khaatumo MPs in next Somali govt

Post by SOM1960 »

Khaatumo Elders Council issued a statement outlining the minimum requirements for the MP from Khaatumo region in the next Somali government, and how to apply.

___________________________________________________________________________


Dawlad Goboleedka Khatumo, Somalia - Khatumo State of Somalia
Golaha Sare ee Dhaqanka - The Higher Council of Elders

July 15, 2012

KU: Dhammaan shacabka deegaanka Dawlad Goboleedka Khatumo (KSS)
Ujeeddo: Hab-Codsiga Xildhibaannada Dawladda Dhexe ee Deegaanka Khatumo


Annagoo ah isimmada Golaha Sare ee Dhaqanka Dawlad Goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan shacabka deggan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee danaynaya in ay ka qayb qaataan loolanka loogu tartamayo kurraasta xildhibaannimada dawladda dhexe ee Soomaaliya in ay ogaadaan shuruudaha hoos taxan ee loo adeegsan doono xulitaanka xildhibaannada kadibna ay codsi soo gudbistaan hadii ay danaynayaan kuraasta mid ka mid ah.

Shuruudaha Xulku waa:

1. Inuu yahay qof Islaam ah, akhlaaq wanaagsan, lagu aqoon kala qaybinta bulshada iyo qaadashada laaluushka.
2. Inuusan wax lug ah ku lahayn labada maamul ee Puntland (PL) iyo Somaliland (SL).
3. Inuu aaminsan yahay mabaadiida Khaatumo, danbi toosa iyo mid dadbana kagalin intii Khaatumo dhisnayd.
4. Inuu haysto ugu yaraan shahaado dugsi sare..
5. Inuu sumcad wanaagsan ku leeyahay bulshada reer Khaatumo.
6. Inuu diyaar u yahay aqbalaada go’aanka gudiga kasoo baxa lana shaqaynayo xubnaha hela baarlamaanka iyo maamulka khaatumo.
7. In an wax danbi ah ka gain xiligii dagaalka sokeeye shacabka reer khaatumo iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed.
8. Inuu leeyahay saldhig dhaqaale oo ku filan isaga iyo reerkiisa.
9. Inuu ka caafimaad qabo xanuunada maskaxda.
10. Musharax walba waxaa looga baahan yahay lacag diiwaan gelineed oo dhan $500 dollarka Maraykenka.
11. Soo gudbinta Dokumentiga iyo qabashada arajida hoos ku sugaan:
Qofkii xildhibaannimada Barlamaanka Dawladda Dhexe danaynaya waxaa laga doonayaa in uu Gudigga Xulka Musharaxiinta oo ka kooban Saddexda Gole ee Maamulka Khaatumo (Golaha Sare ee Dhaqanka, Golaha Xukuumadda iyo Golaha Fulinta) soo gaarsiiyo dokumentooyin hoss ku qayaxan ugu dambeyn maalinta Axada 22 July 2012 saacaddu markay tahay 6.00 galabnio (waqtiga Afrikadda Bari – 6pm East Africa time), isagoo ku soo diraaya emailka ah mp@ks.gov.so
DOKUMENTIGA laga rabo inuu lifaaq ahaan u soo gudbiyo waxay yihiin:
b) Hal baal oo uu ku sharxayo sababta uu isu leeyahaya adigaa hawshan ugu habboon iyo weliba CV-giisa
(j)Nuqul rasiidh oo caeynaaya inuu ugu horen ku shubay shan boqol oo dollarka Marenka($500) Xisaabta Khaatumo ee ka furan:
XAWAALADDA: E-Tawakal Dubai
ACCOUNT NUMBER : 0211-125373-01
ACCOUNT TEL : 971506913207
CUSTOMER ID : 621241
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”