Ma la oran karaa ”Ramadaan Kariim”?

Nolosha Qofka Muslimka Ah

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

ina Warfaa
Posts: 51
Joined: Thu Dec 31, 2009 4:15 am
Contact:

Ma la oran karaa ”Ramadaan Kariim”?

Post by ina Warfaa »

Ma la oran karaa ”Ramadaan Kariim”?

Al-Callaama Sheekh Maxamed Ibnu Saalix al-Cutheymiin -Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri:

Eraygan "Ramadaan Kariim" sax ma aha ee waxaa la oranayaa "Ramadaan mubaarak".

”Majmuuc fataawaa ash-Sheekh Ibnu Cutheymiin” (20 / as-Su’aal nambar 254).


Midda kale ma soo aroorin “Ramadaanka inuu yahay bil Kariim ah” hase ahaatee waxaa ku soo aroortay ”Ramadaanka inuu yahay bil mubaarak ah” Xaddiiskan sugan:

“Waxaa idiin yimid Ramadaan oo ah bil “mubaarak” ah yacni barakeysan”.

حَدِيثُ أَبِي هُرَيْرَةَ - رضي الله عنه - قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم : " أَتَاكُمْ رَمَضَانُ شَهْرٌ مُبَارَكٌ فَرَضَ اللَّهُ عَزَّ وَجَلَّ عَلَيْكُمْ صِيَامَهُ , تُفْتَحُ فِيهِ أَبْوَابُ السَّمَاءِ , وَتُغْلَقُ فِيهِ أَبْوَابُ الْجَحِيمِ , وَتُغَلُّ فِيهِ مَرَدَةُ الشَّيَاطِينِ , لِلَّهِ فِيهِ لَيْلَةٌ خَيْرٌ مِنْ أَلْفِ شَهْرٍ,مَنْ حُرِمَ خَيْرَهَا فَقَدْ حُرِمَ " رواه النسائي ( 2106 ) وأحمد (8769) صححه الألباني في صحيح الترغيب ( 999 ) .

Diyaariye CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ”ina Warfaa” ina_warfaa@hotmail.com http://www.freewebs.com/ina-warfaa/
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Islam - Islamic Way of Life”