Salafiya
Qore Sheekh Samiir al-Mabxuux
Turjume CabdiRisaaq Maxamed Cilmi
”ina Warfaa”
Weli lama daabicin kitaabkan
Qof kasta ayaa xaq u leh inuu daabacdo kitaabkan oo ma dhowrsana
La soo xiriirka turjumaha ee ku saabsan kitaabka
Haddii aad xiiseyneysid kitaabkan oo aad dooneyid inaad ogaato sidii lagu heli lahaa, iyo haddii aad ku aragtid khaladaad xagga tarjamada ah, Eebbe kaliya ayaa dhamaystirane ha kaa abaalmariyo. Waxaad fadlan kala soo xiriiri kartaa cinwaanka turjumaha kitaabkan bariidka xaasuubkiisa "e-mailkiisa" oo ah: ”ina_warfaa@hotmail.com”.
Mahadnaq
Waxa aan ugu horrayntii u mahadnaqayaa Eebbe, oo igu galadaystay nimcooyin tira badan oo aanan koobi karin. Ka dibna waxaan u mahadnaqayaa dhammaan dadkii igu caawiyey talo, fikrad, dhiiragalin iyo sida habka wax loogu qoro xaasuubka "kombiyuutarka". Waxaana idin leeyahay dhammaantiin جزاكم الله خيرا .
Hordhaca qoraha
Waxay mahadi u sugnaatay Eebbe oo aanu ku mahadinayno, waxaana marqaati kacayaa inuusan Eebbe jirin Eebbaha mooyee, waxaana sidoo kale marqaati kacayaa inuu Maxamed yahay Rasuulkiis naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee isaga iyo reerkiis iyo intii raacday, intaa ka dib:
Ulajeedada aan u qoray kitaabkan waxay igu dhalatay ka dib markii aan arkay in dad badan aysan fahamsanayn waxaa la yiraahdo Salafiyyada, ayaan go’aansaday inaan u qoro dadkaasi kitaab ka hadlaya mowduucaasi si ay u fahmaan.
Haddaba dacwada Salafiyyada waxay ku dhisan tahay kitaabka Qur’aanka iyo Sunnada Rasuulka n.n.k. ee fahamkii Salafu-saalixa.
Gebagebadii waxaanu ku mahadinaynaa Eebbe Kor ahaaye oo naga yeelay ducaadda Salafiyyada, waxaana weydiisanaynaa inuu nagu sugo jidka Sunnada Nabiga n.n.k. iyo ku dhaqankeeda, naguna dilo annaga oo jidkaasi ku taagan.
Qore Sheekh Samiir al-Mabxuux
Hordhaca turjumaha
بسم الله الرحمن الرحيم
Waxaan ku bilaabayaa magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar.
Waxaa mahad iska leh Eebbe Barbaariyaha uumanka, naxariis iyo nabadgelyana korkiisa ha ahaato uunkiisa kii ugu wanaagsanaa Maxamed, reerkiisa iyo intii raacdey.
Intaa ka dib:
Kani waa kitaab ka hadlaya Salafiyada
ulajeedadaydu waxay tahay in aan ugu dhawaado Eebbe, aniga oo u turjumaayo soomaalida jecel iney bartaan diintooda.
Waxaana weydiisanayaa Eebbaha weyn inuu howshan ka dhigo mid isaga dartiis loo sameeyay, nooguna daro miisaanka wanaagyadeena maalin aysan xoolo iyo caruur waxba tarayn.
Taariikh nololeedka qoraha oo kooban iyo tixraac qoraal
Mowduucan Salafiyyada waxaan ka turjumey kitaabka la yiraahdo ”Waa Salafiya ee ogaada”
هي السلفية فاعرفوها
ee uu qoray Sheekh Samiir al-Mabxuux, mana wada turjumin kitaabkaasi ee waan soo koobay.
Sheekh Samiir al-Mabxuux wuxuu ka mid yahay culimada waaweyn ee dacwada Salafiyyada ee dalka Falastiin. Wuxuuna ka qalinjabiyay jaamacadda Islaamka ee Madiina al-Munawara kuliyadda dacwada iyo usuulu-diinka, ka dibna wuxuu wax ka bartay Sheekh Rabiic al-Madkhali.
Sheekh Samiir al-Mabxuux wuxuu la kulmay culimadii waaweyneed sida Sheekh ina Baaz, Sheekh Albaani, Sheekh ina Cuseymiin iyo Sheekh Muqbil Eebbe dhammaantood ha u naxariistee. Wuxuuna qoray kutubo dhowr ah oo uu ka mid yahay kitaabkan.
Turjumaha
Helsinki sabti 3.9.1428 H. oo ku aaddan 15.9.2007 M.
Qeexidda Salafiyada
Af carabi ahaan: waxaa Salaf la yiraahdaa sida ina Manzuur qaamuuskiisa la yiraahdo لسان العرب uu ku sheegay: aabbayaalkaadii hore iyo xigtadaada da’ahaan kaa wayn ee wanaagsanaa, sida Rasuulka n.n.k. ku yiri gabadhiisa Faadumo-Sahro -Eebbe ha ka raalli ahaadee- ”aniga ayaa kuu ah aabbe kaa horeeyay oo wanaagsan”
waxaa soo saaray Muslim.
Eraybixin ahaan: waxaa Salaf la yiraahdaa sida al-Khalshaani uu yiri: Salafu-saalix waa kuwii ku dheereeyay cilmiga ee ku hanuunsanaa hanuunka Nebiga n.n.k. ee ku dheganaa Sunnada ee Eebbe u doortay inay noqdaan saxaabada Nebiga n.n.k. sida Kor ahaaye Eebbe yiri: (kuwii u horeeyay ee ahaa Muhaajiriintii iyo Ansaartii ugu horeysay iyo kuwii ku raacay wanaagga Eebbaa ka raalli ahaaday iyagana raalli bay ka noqdeen)
suuradda Attowba: 100.
Wuxuuna yiri Sheekh al-Fowzaan -Eebbe ha dhowree- : Salafiyada waa ku socoshada jidka Salafka ee ahaa Saxaabada, Taabiciinta iyo qarniyaalkii wanaagsanaa xagga caqiidada, fahamka iyo dhaqanka, waana ku waajib ku kasta oo muslim ah inuu ku dhaqmo manhajkaasi.
Sharciga sheegashada mad-habka Salafka
Nebigu n.n.k. wuxuu yiri: ”waa inaad heysataan Sunnadayda iyo sunnada madaxdii hanuunsanayd ee iga dambeysay ku dhegnaada oo ku qabsada goos-dambeedyada waxaana idinka digayaa arimaha cusub...” waxaa soo saaray Abu Daauud iyo Tirmidi wuxuuna saxiix uga dhigay Sheekheena Albaani kitaabkiisa al-Irwaa (2455).
Salafiyyada ma koox cusub baa?
Sheekh Saliim al-Hilaali wuxuu yiri -Eebbe ha dhowree- : dadka qaarkii Salafiyada qalad ayey ka fahamsan yihiin oo waxay u malaynayaan iney tahay koox cusub oo ka tirsan muslimiinta oo ka go’day kooxda muslimiinta, balse sidaas ma aha ee Salafiyada waxaa lagala jeedaa Islaamkii oo laga sifeeyay waxaan ku jirin diinta ee dhaqamada iyo caadaadka ah, kuna dhisan Kitaabka iyo Sunnada ee fahamkii Salafka lagu ammaanay Kitaabka iyo Sunnada.
Waxa kale oo uu Sheekhu yiri: markii kooxihii ay bateen oo ku kastana ay sheegatay inay ku dhaqanto Kitaabka iyo Sunnada ayey culimadii Islaamka ka sooceen Salafiyyada oo waxay yiraahdeen waa Ahlu-xadiis.
Ugu digidda ka leexashada jidka Salafka
Eebbe wuxuu nooga digay inaan ka leexano jidka Salafka oo wuxuu ugu hanjabay qofkii ka leexda jidkooda inuu galayo cadaabta Jahanamo oo Eebbe Kor ahaaye wuxuu yiri: (qofkii ka soo horjeesta Rasuulka ka dib intuu u caddaaday hanuunku oo raaca jidka mu’miniinta midaan ahayn waxaan u dhaafaynaa jidkii uu doortay waxaana galinaynaa Jahannamo iyadaana u xun meel la ahaado) an-Nisaa: 115
Salafiyada iyo cilmiga iyo culimada
Caalimka waxaa lagu gartaa oo u qira barayaashiisa inuu cilmi leeyahay, culimadii hore ee muslimiinta waxay ku dadaali jireen inay cilmigooda dhaxalsiiyaan ardaydooda.
Salafiyada iyo fatwada
Imaam Maalik -Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri: Ma aha inuu qofku isku arko inuu fatwoon karo, inuu waydiiyo ma ahee qof isaga ka cilmi badan, aniguna ma fatwoon tan iyo inta aan ka waydiiyay Rabiica iyo Yaxya ina Saciid oo ay i fareen inaan fatwoon karo, hadday iga reebi lahaayeen waan iska deyn lahaa.
Salafiyada iyo dacwada towxiidka
Culimadii hore ”Salafka” waxay xoog aad u saari jireen caqiidada Ahlu-sunna waljamaaca, waxayna arinkaasi ka qoreen kutubo badan si dadka ay ugu caddeeyaan, una muujiyaan beentooda kuwa beenta ka sheegaya caqiidada saxda ah iyagoo daliishanaya Kitaabka iyo Sunnada iyo Ijmaaca Salafu-saalixa.
Salafiyada iyo ijtihaadka
Albaabka ijtihaadka wuu furan yahay wuxuuna u furnaan doonaa caalimkuu Eebbe u fududeeyo siduu Nebigu n.n.k. yiri: ”Eebbe wuxuu u soo saarayaa ummaddan boqolkii sano markii la joogaba qof ku soo celiya diinta sideedii” waxaa soo saaray abuu Daauud, Xaakim iyo Bayhaqi xadiiskuna wuu sugan yahay.
Salafiyada iyo taqliidka
Mid ka mid ah imaamyada muslimiinta mad-habkiisa ama hadalkiisa uma noqonayo diin ummadda inuu ku dhisan yahay mooyee daliil Kitaabka iyo Sunnada ama Ijmaac la hubo oo culimada ah.
Salafiyada iyo akhlaaqda
Eebbe Kor ahaaye wuxuu yiri: (Waxaad leedahay dabeecad aad u fiican) al-Qalam: 4.
Nabiguna n.n.k. wuxuu yiri: ”waxa ugu culus miisaan waa dabeecadda wanaagsan” waa sugan yahay waxaana soo saaray Imaam Axmed.
Salafiyyiinta waa dadka kuwa ugu akhlaaq wanaagsan uguna dulqaad iyo is hoosaysiin badan, dhaqankaasna waxay ka qaateen Kitaabka iyo Sunnada.
Salafiyada iyo wararka
Annaga oo ka duuleyno hadalkii Eebbe Kor ahaaye: (kuwii rumeeyow qof xun hadduu idiin la yimaado war iska hubiya si aydaan dad u dhibin ogaansho la’aan markaasna aad ka shallaydaan waxaad fasheen) al-Xujuraat: 6
Si kastaba ha ahaatee Salafiyyiinta waa dadka ugu run sheeg og xagga cilmiga iyo tebinta kana fogaansho og beenta.
Salafiyada iyo gaalaysiinta
Salafiyyiinta ma diidana gaalaysiinta sideedaba, mana ku gaalaysiiyaan qofka dembi kasta.
Sheekheena Rabiic al-Madkhali -Eebbe ha dhowree- wuxuu yiri: qof muslim ah lama gaaleysiin karo inuu sameeyo qofkaasi mooyee arin uu gaal ku noqonayo oo weliba loo caddeeyay
Salafiyada iyo madaxda
Salafiyyada waxay raacaan jidka saxda ah, waxayna kula dhaqmaan madaxda waxay diinta Islaamku qabto sida Eebbe Kor ahaaye yiri: (kuwii rumeeyow raaca Eebbe iyo Rasuulkiisa iyo madaxdiina idin ka mid ka ah) an-Nisaa: 59.
Salafiyada iyo bidcada
Salafiyyiinta waa dadka ugu dhicitaan yar bidcada, wax shirki ahna ma sameeyaan, hase ahaatee dembiyo waa uu ka dhacaa kooxo ka tirsan Salafiyyiinta walowba ay yar tahay marka loo eego kooxaha kale.
Salafiyada iyo saaxiibnimada iyo colnimada
Eebbe Kor ahaaye wuxuu yiri: (Saaxiibadiinu waa uun Eebbe iyo Rasuulkiisa iyo kuwii rumeeyey)
al-Maaida: 55.
Salafiyyiinta waxay u gargaaraan diinta, ee uma gargaaraan naftooda umana caroodaan darteed.
Salafiyada iyo kooxaha
Eebbe Kor ahaaye wuxuu yiri: (Ha ahaanina kuwa ka mid ah Mushrikiinta. Kuwaa soo kala qoqobay diintoodii noqday kuwa diinta ku kala tagsan koox kastana ay ku faraxsan tahay waxa ay haysato)
ar-Ruum: 31-32.
Salafiyyiinta waxay u arkaan kooxaysiga inuu u yahay balaayo wayn dadka ku dhaqma adduun iyo aakhiroba.
Salafiyada iyo falalka qarsoodiga ah
Dacwada Salafiyyada astaamaha ugu cadcad ee lagu yaqaano waa inay dacwadooda tahay mid guud oo cad oo aan qarsoonayn.
Salafiyada iyo maamul-samaynta
Maamul-samaynta diinta waxay uga hadashay aayado badan iyo axaadiis badan, qaabka maamulka loo samaynayana waa in marka hore lala tashtaa muslimiinta ka dibna kooxda loo yaqaano Ahlu-xal wal-caqd oo ah koox leh aqoon-diineed iyo waayo-aragnimo la soo doorto oo dabadeed lagu raaco soo magacaabidda madaxwayne muslim ah.
Salafiyada iyo wadashaqaynta kooxeed
Salafiyiintu waa dadka ugu yeera wadashaqaynta kooxeed -sida ay dhigayso diinta-, hase ahaatee wadashaqaynta kooxeed ee ku dhisan kooxeysiga waa ay ka soo horjeedaan.
Salafiyada iyo jihaadka
Dacwada Salafiyada usuusheeda waxaa ka mid ah inuu jihaadka yahay waajib tan iyo inta qiyaamaha laga gaarayo iyadoo ay kula jiraan madaxda hadday ahaan lahaayeen madax wanaagsan ama kuwo xunba sida uu yiri Imaam ad-Daxaawi -Eebbe ha u naxariistee- .
Salafiyada iyo shahiid ku sheegidda
Shahiidnimada waa wax uu qofku qalbiga ka go’aansado, qof garanayana ma jiro inuu hebel yahay shahiid Eebbe mooyee.
Salafiyada iyo siyaasadda
Salafiyiinta waxay rumeysan yihiin siyaasadda tan ku dhisan sharciga Islaamka.
Sheekh Muqbil al-Waadici -Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri: Siyaasaddu waa diinta kuwa doonaya inay kala saaraan diinta iyo siyaasadda, waxay doonayaan inay burburiyaan in badan oo ka mid ah diinta.
Salafiyada iyo bannaanbaxyada iyo shirqoolaadka
Bannaanbaxyada iyo shirqoolaadka ka mid ma aha diinta Islaamka ee waxaan uga dayanay dalalka gaalada.
Salafiyada iyo fahamka xaaladda lagu jiro
Sheekh Cali al-Xalabi -Eebbe ha dhowree- wuxuu yiri isaga oo ka hadlaya fahamka xaaladda lagu jiro waa: garashada sharciga Eebbe Kor ahaaye Kitaabkiisa iyo Sunnada Rasuulkiisa n.n.k. oo lagu dhaqmo xaaladda markaasi la joogo.
Salafiyada iyo dadka badankiisa
Eebbe Kor ahaaye wuxuu yiri: (Haddaad raacdid dadka badankiisa way kaa leexinayaan jidka Eebbe) al-Ancaam: 116.
Salafiyiinta ma daneeyaan waxay dadku badankiisa rumeysan yihiin ama ku dhaqmaan ee waxay daneeyaan raacitaanka jidka Nebiga n.n.k. haba yaraadaane inta rumeysan jidkaasi ama ku dhaqanta.
Salafiyada iyo xummaan reebidda
Imaam al-Qurdubi -Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri: Xummaanta gacanta lagu reebayo ma aha hawl inay qabtaan ay tahay dadka caadiga ee waa hawl u taalo madaxda iyo qof ay hawshaasi u xilsaarteen.
Salafiyada iyo danta dacwada
Danta dacwada waxay ku jirtaa in la raaco jidka nabiyada dadka ay ugu yeeri jireen Eebbe.
Salafiyada iyo danta gaar ahaaneed
Eebbe Kor ahaaye wuxuu yiri: (Waxaad tiraahdaa idin ma weydiisanayo abaal mana ihi qof iska yeel yeelaya kani waa uun farriin ku socoto uumanka)
Saad: 86-87.
Salafiyada iyo isu miisaamidda qofka xumaantiisa iyo wanaaggiisa
Sheekheena Rabiic al-Madkhali -Eebbe ha dhowree- wuxuu yiri: manhajka isu miisaamidda qofka xumaantiisa iyo wanaaggiisa waa manhaj wax burburinaya oo ka soo horjeeda cilmiga xadiiska ee loo yaqaan al-jarx wa tacdiil, oo lagu garto qofka tebinaya xadiiska noloshiisa marka la doonayo in la ogaado xadiiska inuu sax yahay iyo in kale.
Salafiyada iyo doodaha cilmiga
Sheekhul-Islaam ina Taymiya -Eebbe ha u naxariistee- wuxuu yiri: culimadii saxaabada, taabiciinta iyo kuwii ka dambeeyay waxay ahaayeen hadday isku qabtaan arin waxay raaci jireen siduu Eebbe yiri: (Haddaad arin isku qabataan u celiya Eebbe iyo Rasuulkiisa...)
an-Nisaa: 59.
Salafiyada iyo isku maamulidda waxaan ahayn sharciga Islaamka
Eebbe Kor ahaaye wuxuu yiri: (qofkii aan isku maamulin wuxuu Eebbe soo dejiyay kuwaasi waa gaalo) al-Maaida: 44.
Isku maamulidda sharciga Eebbe waa ku waajib ku kastaa oo muslim ah, siduu waajib ugu yahay madaxda muslimiinta
Salafiyada iyo ururada muslimiinta
Eebbe kor ahaaye wuxuu yiri: (Run ahaantii kani waa jidkayga toosan ee raaca, hana raacina jidadka kale oo uu idinka leexiyo jidka Eebbe sidaas ayuuna idin faray waa intaa soo toosnaataane) al-Ancaam: 153
Sheekh Saalix al-Fowzaan -Eebbe ha dhowree- wuxuu yiri: haddaan nahay muslimiin waa inaan ahaanaa koox kaliya oo ku dhaqanta Kitaabka Eebbe Kor ahaaye iyo Sunnada Rasuulka n.n.k..
Salafiyada waa kooxda badbaadayso waana kooxda loo gargaarayo
Nebigu n.n.k. wuxuu yiri: ”waxaa jireysa koox ka tirsan ummaddayda oo ku taagnaanayso jidka saxda ah waxna ka tarayn qofkii ka soo horjeesta tan iyo inta uu ka imaanayo arinka Eebbe” Muslim ayaa soo saaray.
Kooxda loo gargaarayo iyo kooxda badbaadayso: waa tan haysata jidka Rasuulka n.n.k. markuu noolaa iyo markuu dhintayba ka dib tan iyo qiyaamaha, waana Qur’aanka kariimka iyo Sunnada Nebiga n.n.k..
الحمد لله الذي بنعمته تتم الصالحات
Waxaa mahad iska leh Eebbe kaa soo galaddiisu ku dhammaadaan wanaagyaalku
Turjume CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ”ina Warfaa” ina_warfaa@hotmail.com http://www.freewebs.com/ina-warfaa
Salafiya
Nolosha Qofka Muslimka Ah
Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods
-
- Posts: 51
- Joined: Thu Dec 31, 2009 4:15 am
- Contact:
Salafiya
Post by ina Warfaa »
Return to “Islam - Islamic Way of Life”
Jump to
- General Discussions
- ↳ General - General Discussions
- ↳ General - Current Events
- ↳ Somali Politics
- ↳ youtube.com videos
- ↳ General - Soomaali
- ↳ Extreme Talk
- Somali Women's Forum
- ↳ Women - General Discussions
- Somali Politics - Siyaasada Soomaalida
- ↳ Politics - General Discussions
- ↳ Politics - National Matters
- ↳ Politics - Somali Government
- ↳ Politics - Somaliland
- ↳ Politics - Puntland
- ↳ Jubbaland
- ↳ Galmudug
- ↳ Koonfur Galbeed
- ↳ Hirshabelle
- ↳ Maakhir
- ↳ Khaatumo
- ↳ Politics - Factions
- ↳ Politics - Clan Politics
- ↳ Clan Talk from other forums
- ↳ Politics - Alternative Parties
- ↳ The Ultimate Debate Group
- Islam (Religion)
- ↳ Islam - Understanding Islam
- ↳ Islam - Islamic Way of Life
- ↳ Islam - Salat (Prayers)
- ↳ Islam - Ramadan
- ↳ Islam - HAJ (Pilgrimage)
- ↳ Islam - General Discussions
- ↳ Islamic Education Group
- ↳ Muslim Brothers Group
- Ogaden - Soomaali Galbeed
- ↳ Ogaden - Politics
- ↳ Ogaden - General Discussions
- ↳ Soomaali Galbeed - Politics
- ↳ Soomaali Galbeed - General Discussions
- Gobolada - Provinces
- ↳ Provinces - Awdal
- ↳ Provinces - Baay
- ↳ Provinces - Bakool
- ↳ Provinces - Banaadir
- ↳ Provinces - Bari
- ↳ Provinces - Galguduud
- ↳ Provinces - Gedo
- ↳ Provinces - Hiiraan
- ↳ Provinces - Jubada Dhexe
- ↳ Provinces - Jubada Hoose
- ↳ Provinces - Mudug
- ↳ Provinces - Nugaal
- ↳ Provinces - Sanaag
- ↳ Provinces - Shabeelada Dhexe
- ↳ Provinces - Shabeelada Hoose
- ↳ Provinces - Sool
- ↳ Provinces - Togdheer
- ↳ Provinces - Waqooyi Galbeed
- Djibouti
- ↳ Djibouti - Politics
- ↳ Djibouti - General Discussions
- Somali Kenyans
- ↳ Somali Kenyans - Politics
- ↳ Somali Kenyans - General Discussions
- Careers
- ↳ Careers - Business
- ↳ Careers - Engineering, Science & Computers
- ↳ Careers - Doctors and Health Care Professionals
- ↳ Careers - Teachers and Professors
- ↳ Careers - Artists
- ↳ Careers - Sports
- ↳ Careers - Journalists
- ↳ Careers - Other Professions
- ↳ Careers - General Discussions
- Somali Communities - Europe
- ↳ Europe - General Discussions
- ↳ Europe - UK
- ↳ Europe - Austria
- ↳ Europe - Belgium
- ↳ Europe - Bulgaria
- ↳ Europe - Denmark
- ↳ Europe - Finland
- ↳ Europe - France
- ↳ Europe - Germany
- ↳ Europe - Italy
- ↳ Europe - Netherlands
- ↳ Europe - Norway
- ↳ Europe - Poland
- ↳ Europe - Russia
- ↳ Europe - Sweden
- ↳ Europe - Switzerland
- ↳ Europe - Ukraine
- Somali Communities - North America
- ↳ North America - General Discussions
- ↳ North America - Canada
- ↳ North America - USA
- Somali Communities - Middle East
- ↳ Middle East - General Discussions
- ↳ Middle East - Egypt
- ↳ Middle East - Kuwait
- ↳ Middle East - Qatar
- ↳ Middle East - Saudi Arabia
- ↳ Middle East - Syria
- ↳ Middle East - UAE
- ↳ Middle East - Libya
- Somali Communities - Australia & New Zealand
- ↳ Australia & New Zealand - General Discussions
- ↳ Australia & New Zealand - Australia
- ↳ Australia & New Zealand - New Zealand
- Somali Communities - Asia
- ↳ Asia - General Discussions
- ↳ Asia - India
- ↳ Asia - Malaysia
- ↳ Asia - Pakistan
- Somali Communities - Africa
- ↳ Africa - General - Discussions
- ↳ Africa - Ethiopia
- ↳ Africa - Kenya
- ↳ Africa - Tanzania
- ↳ Africa - South Africa
- SchoolNet
- ↳ SchoolNet - Hobby & Interest
- ↳ SchoolNet - Discussions
- ↳ SchoolNet - Homework
- e-pals - Isbarasho
- ↳ e-pals - Hobby & Interest
- ↳ e-pals - Local
- ↳ e-pals - General discussions
- Cayaaraha (Sports)
- ↳ Sports - Fans
- ↳ Sports - National Teams & Players
- ↳ Sports - Soccer
- ↳ Sports - Basketbal
- ↳ Sports - Track & Field
- Literature - Fanka iyo Suugaanta
- ↳ Literature - Somali Language
- ↳ Literature - General Discussions
- ↳ Literature - Somali Dialects
- ↳ Literature - Songs and Artists
- ↳ Literature - New Artists
- ↳ Literature - Films & Concerts
- ↳ Literature - Poems and Poets
- ↳ Literature - Proverbs
- Ila Tali Walaal - Ask The Experts
- ↳ Ask The Experts - Computers & Internet
- ↳ Ask The Experts - Family Matters
- ↳ Ask The Experts - Relationships
- ↳ Ask The Experts - General Discussions
- ↳ Ask The Experts - Languages
- Warar iyo Ogeysiis - Announcements
- ↳ Announcements - Weddings and Newborns
- ↳ Announcements - Local News
- ↳ Announcements - Condolences (Tacsi)
- ↳ Announcements - Missing Persons - Baafin
- ↳ New Forum Users
- ↳ Forum Announcements - maxaa Cusub
- Ila Qosol - Jokes
- ↳ Ila Qosol - Soomaali
- ↳ Jokes - English
- Health - Caafimaadka
- ↳ Health - General Discussions
- ↳ Health - AIDS Awareness
- ↳ Health - Disease Prevention
- Somali Teens - Dhalinta
- ↳ Somali Teens - General Discussions
- ↳ Somali Teens - North America
- ↳ Somali Teens - Europe
- ↳ Somali Teens - Australia & New Zealand
- ↳ Somali Teens - Middle East
- ↳ Somali Teens - Asia
- ↳ Somali Teens - Africa
- ↳ Somali Teens - Somalia
- Somali Children - Caruurta
- ↳ Children - Raising Children in the west
- ↳ Children - General Discussions
- Somalia History
- ↳ Somalia History - Before Islam
- ↳ Somalia History - Before 1960
- ↳ Somalia History - 1960 - 1969
- ↳ Somalia History - 1969 - 1990
- ↳ Somalia History - Recent History From 1991
- SomaliNet Groups (Some Hidden)
- ↳ About SomaliNet Groups
- ↳ SomaliNet Chat Members
- ↳ Mantaa iyo Somalia