Wararka laga helay Madaxtooyada Somaliya ayaa sheegaya in muddo todobaad ah uu magaalada Muqdisho uu ku sugan yahay Agaasimihii hore ee Qeybta Maaliyada Maamulka Silaanyo, wuxuuna magaalada ka wadaa dhaqdhaqaayo siyaasadeed.
Xogtaan ayaa tilmaamtay in Agaasimihii guud ee Qeybta Maaliyada Maamulka Solamiland Mr. Jaamac Axmed maxmauud (Jaamac Oday) oo dhowaan iska casilay jagadaasi ayaa la sheegay inuu dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna ka bilaabay dhaqdhaqaayo siyaasadeed, iyadoo la sheegay in si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Mr. Jaamac Oday uu ka qeyb galaayo Kulanka Odyaasha Dhaqanka isagoo ka wakiil ah Beeshiisa, wuxuuna ka soo jeeda Beesha Bari Burco oo uu sidoo kale ka soo jeeda Madaxweynaha Somaliland Mr. MM Silaanyo, ilaa hadda lama oga sababta ku riixday inuu Magaalada Muqdisho tago, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Beesha uu ka dhashay ay u doorteen inuu u metelo Kulanka Odayaasha Dhaqanka ee laga doonayo iney soo xulaan Ergada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee Dowlada dhexe ee Mustaqbalka.
Mr. Jaamac Oday ayaa ka mid ahaa Xubnaha ugu firfircoon ee Xisbiga Kulmiye mudooyinkii ugu dambeeyay, wuxuuna noqonayaa shaqsigii 3aad ee Beesha Bari Burco eeku biira Kulanka Odayaasha ee Muqdisho ka socda, iyadoo ay horey u tageen Boqor Maxamed Jaamac oo isna ka soo jeeda Beesha Bari-Burco, sidoo kale nin lagu sheegay inuu u yahay Chief Caaqil jufada Mr. Silaanyo kuwaasoo ku sugan magaalada Muqdisho,
Agaasimihii Hore Ee Maaliyada Maamulka La Magac Baxay Somali
Moderator: Moderators
-
THE_TRUTH1
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1512
- Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
- Location: canada
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 560 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 0 Replies
- 567 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 0 Replies
- 4087 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 3 Replies
- 553 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 1078 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 0 Replies
- 309 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 619 Views
-
Last post by kaliil
-
- 2 Replies
- 456 Views
-
Last post by DalJecel60