german born Karl Klaus von der Decken was the explorer that explored the juba tiver
The German somali relations reached all-time high when, oriental terrorist hijacked german Lufthansa Flight 181 and landed it in somalia.
Chancellor Helmut Schmidt personaly told president siyaad that germans would always be greatefull what president siyaad hdid, he said we understand how hard it was for him to make such a decision
In 1977 somalia was headed by President siyaad von barre and chancellor siyaad had great admiration for the german nation and allowed the germans to free their citizens from the terrorist using joined Anglo Saxon and Deutsch commandos…it was a success
Wefdi ka socda dalka Germany ayaa maanta soo gaarey magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Wefdigan ayaa waxaa horkacayey wasiirka iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta ganacsiga ee Germany Dag Nabel.
Waxayna kulan la qaateen Ra’iisul wasaare ku-xigeenka DKG ah ee Soomaaliya ahna wasiirka ganacsiga C/wahaab Ugaas Xuseen Khaliif.
Labadan mas’uul ayaa markii uu kulankooda oo ka dhacay garoonka Muqdisho soo gaba gaboobey kadib Saxaafadda shir u qabtay, waxayna ka warbixiyeen waxyaabihii ay iskula soo qaadeen.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka ganacsiga iyo wershedaha ee DFKG C/wahaab Ugaas Xuseen Khaliif ayaa ugu horeyn hadalka qaatay.
Wuxuuna sheegay in ejeedada ka danbeysa booqashada wedigan Jarmalka ahi ay tahay sidii ay dowladda Soomaaliyeed u caawin lahaayeen kadib markii ay la dhaceen waxqabadkeeda.
wasiirka iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta gacansiga ee Germany Dag Nabel ayaa isna sheegay in isaga iyo wefdigiisaba ay farxad u tahay inay magaalada Muqdisho yimaadaan.
Dag Napel ayaa intaas ku daray in xiriirka labada dal uu 25-sano kadib dib usoo laabtay, islamarkaana dowladda Germany ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto dhinacyo badan.
Wefdigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ka socda dalka Germany ee in mudo ah magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho soo gaara.
Waxayna booqashadoodu timid ka gadaal markii dhowaan mas’uuliyiin dowladda KMG ah ee Soomaaliya ka tirsani ay dalkaas safaro shaqo ku tageen.