Cali Mahdi gang fail to kill Farmajo's campaign co-ordinator

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

SadeMedia
Posts: 132
Joined: Fri Aug 10, 2012 7:39 pm

Cali Mahdi gang fail to kill Farmajo's campaign co-ordinator

Post by SadeMedia »

This comes after the govenor of Suuq Bacaad (an Abgaal) got killed. Cali Mahdi is force with his cousin Sheikh Shariff. Things seem to look intresting :eat:
War Deg Deg ah Madaxii ololaha Doorashooyinka Murashax Farmaajo oo goor dhow isku day dil ka badbaaday iyo Warar lagu kalsoon yahay

Warar lagu kalsoon yahay oo Muqdisho naga soo gaaray ayaa sheegaya in galabta uu ka badbaaday weerar la doonayey in lagu qaarajiyo Cali Cabdi Wardheere (Cali yare) oo madax ka ah ololaha doorashooyinka madaxweynenimada Ex. R/wasaare Max’ed C/llaahi Farmaajo oo ah musharax u taagan tartanka doorashada madaxweynenimada Soomaaliya.

Weerarkan lagu qaaday Cali yare ayaa waxaa geystay sida wararku sheegayaan 2 gaari ah oo ka soo baxay guriga Cali mahdi oo ku yaala inta u dhexeysa Ex. Hotel Bulsho & Baar Aaran, ahna xarunta laga hago ololaha madaxweynenimada Sheekh Shariif, waxaana sida ay wararku sheegayaan maleeshiyooyinka gawaaridaasi saarnaa ay rasaas huwiyeen gaarigii uu ku jiray Cali yare oo xilligaasi ka sii baxayey guriga uu degan yahay oo aan ka fogeyn dhismaha Cali mahdi.

Suxufi goobtaasi ku sugnaa oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso sababo ammaankiisa la xiriira ayaa sheegay in weerarku dhacay xilli uu Cali yare ku sugnaa gurigiisa, ayna maleeshiyooyinka weerarka soo qaaday ka soo baxeen gurigii laga hayey ololaha doorashooyinka Sheekh Shariif.

Cali yare ayaa ahaa xiriiriyaha dowladda IGAD & xukuumadda, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay maskaxda ka dambeysa banaanbaxyadii lagu taageerayey Farmaajo, iyadoo weerarka lagu qaadayna la tuhmayo in la doonayey in lagu aamusiyo.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli goor dhoweynto Muqdisho lagu dilay guddoomiyihii ganacsatada suuqa Bacaad Siciid Siidow.
User avatar
SultanOrder
Posts: 21695
Joined: Thu Mar 26, 2009 10:10 pm
Location: Peace!

Re: Cali Mahdi gang fail to kill Farmajo's campaign co-ordin

Post by SultanOrder »

Damn. Some people are really scared of Farmaajo.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”