CILMI BOODHARI FAN

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
DayaxJeclee
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2598
Joined: Mon Jun 25, 2012 7:11 am
Location: Kr

CILMI BOODHARI FAN

Post by DayaxJeclee »

Hadday ili wax qabanayso o lagu qaboobaayo
Ama qurux la daawado mar uun aadmi ku qancaayo
Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane

Wax badan baan qumaati u hubsaday qalanjo naagoode
Ha yeeshee qaraan baa igu galay qalay naftaydiiye
Idinkuna halkii i qoomanayd baad i qabateene

Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene
Bal qiyaasa waataan qandahday qamareey awgiine
Qalaaxyaha gacmaa iyo junuhu way qarraqayaane

Qosolkaa yaryari waa waxaa nagu qaldaysaane
Inaan eebahay idin qatalin qariya laabtiina

:D :rose:

AF SOOMAALI HA NOOLAATO





Sidii geel harraadoo wax badan hawdka miranaayey
Oo haro la soo joojiyoo kureygu heegaayo
Oo hoobey loo qaaday iyo hadal Walwaaleedka
Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye

Hadday hawl yaraan idin la tahay aniga way hooge
Ayadoon xabaal lagu ham siin waanan ka hadhayne
Hammada beena baan idhi malaha waad la hurudaaye
Hareertayda oo madhan is idhi haabo gacanteeda

Goortaan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday
Hogaansigeedii dambaan soo habaabiraye
U haylhaylay gogoshii sidii halablihii Aare
Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye

Haab-haabtay labadii go'oo shaadhkii maan heline
U hamiyey sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene
U handaday sidii geel biyaha hoobay loo yidhiye
U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene

U hiqleeyey sida naag la yidhi huray dalaaqdaaye
Wax aanad haynin ood ku hammidaa hadimo weeyaane
Ho-heey iyo Ho-heey maxaa hadimo la ii geystey
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: CILMI BOODHARI FAN

Post by Somaliman50 »

boodhari waqtigiisa rag baa noolaa, oo waatii dumarka loo gabyeyn jiray, maantuna waa belediyo iyo sheeko beenbeen sida sarbeebkii txt messages :lol:
DayaxJeclee
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2598
Joined: Mon Jun 25, 2012 7:11 am
Location: Kr

Re: CILMI BOODHARI FAN

Post by DayaxJeclee »

abakar20 wrote:boodhari waqtigiisa rag baa noolaa, oo waatii dumarka loo gabyeyn jiray, maantuna waa belediyo iyo sheeko beenbeen sida sarbeebkii txt messages :lol:
Beenta ka sookoo sidoo loo hadlo ma yaqaanaan, beento run u eg xataa ma keeni karaan.

Sidaan aa u hadlaan EE ...EEHH aah ee.........eee...eeh markaas aan niyada ka dhahaa UF :lol: :lol: :lol:
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: CILMI BOODHARI FAN

Post by Somaliman50 »

:lol: oo kaalay, ha is durugsan bal, sikasta ay xaaladeeni halkaas marayso, niman waxtarayaal waakuu joogaan, waa hadaad garwaaqsanaysid abaayoy sareedo :lol:
DayaxJeclee
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2598
Joined: Mon Jun 25, 2012 7:11 am
Location: Kr

Re: CILMI BOODHARI FAN

Post by DayaxJeclee »

abakar20 wrote::lol: oo kaalay, ha is durugsan bal, sikasta ay xaaladeeni halkaas marayso, niman waxtarayaal waakuu joogaan, waa hadaad garwaaqsanaysid abaayoy sareedo :lol:

Garwaaqsanaysid. SNET qaamuus lol, af soomaali fiican aa taqaanaa.
Mar mar waan is iloobaa sida ciyaalka xaafada af soomaaliga ugu qoraa.

shabaq aa igu ridee ma is tiri.
Mar hore aa la i soo dabtay. :lol:
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: CILMI BOODHARI FAN

Post by Somaliman50 »

SareedoXareedo wrote:
abakar20 wrote::lol: oo kaalay, ha is durugsan bal, sikasta ay xaaladeeni halkaas marayso, niman waxtarayaal waakuu joogaan, waa hadaad garwaaqsanaysid abaayoy sareedo :lol:

Garwaaqsanaysid. SNET qaamuus lol, af soomaali fiican aa taqaanaa.
Mar mar waan is iloobaa sida ciyaalka xaafada af soomaaliga ugu qoraa.

shabaq aa igu ridee ma is tiri.
Mar hore aa la i soo dabtay. :lol:
dee afka hadaan la xushmeynin, meel cidlah baa lagu haraya soomaha, bal ciyaalka xaafada isaga har, dhaxalka awoowaadkaaga ee aadan yabaal iyo masagawaa aan kaa waraabsho, afsoomaaligaaga waa hagaagaya markaas e :lol: dad kuu talo roon baa kula hadlaya, ee shabaq maahane, ku qabso ku qadimaysid sow maadan maqal :lol:
DayaxJeclee
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2598
Joined: Mon Jun 25, 2012 7:11 am
Location: Kr

Re: CILMI BOODHARI FAN

Post by DayaxJeclee »

dee afka hadaan la xushmeynin, meel cidlah baa lagu haraya soomaha, bal ciyaalka xaafada isaga har, dhaxalka awoowaadkaaga ee aadan yabaal iyo masagawaa aan kaa waraabsho, afsoomaaligaaga waa hagaagaya markaas e :lol: dad kuu talo roon baa kula hadlaya, ee shabaq maahane, ku qabso ku qadimaysid sow maadan maqal :lol:[/quote]


Horta arey Dee waa maxay? Adan yabaal :up: .

Ku qabso ka qadimaysid, ma maqlin wali,? falanqee
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Re: CILMI BOODHARI FAN

Post by Somaliman50 »

:lol: areey areey iyo xaasheegtay lahjadaas uma dhalan oo hooyadey gobol bey ka timi, waxaan isdhahaayey tani wey kala fahmi kartaa lahjadaha, ileen coosleeyda gabdhaha abgaalka baad ahayd sida kaa muuqato :lol: ku qabso ku qadimaysid goortaan ku guro ayaad fahmi doontaa, see waaye :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”