Mid Kamid ah Beelaha Sade oo Kulan ay Muqdisho ku Yeeshen Kalsoonidii ogala laabtay Ugaas Taakoy “Sawiro”
admin | Aug 27, 2012 | 0 comments
Kulan ay Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ku yeesheen Wax garad Kasoo jeeda Beelaha Soomaaliyeed Isla markaana oga tashanayeen aayahooda danbe iyo cidi Hogaaminaysa ayaa Waxaa laga soo saaray Go’aamo dhowra. Kulankani ayay waxaa lagu lafa Gurayay Hogaanka Dhaqanka Beesha Sade Daarood oo maalihii ugu danbeeyay dhaliilo loosoo jeedinayay Kaasoo ku aadana Qaabka ay u maamuleen Xildhibaanadii Baarlamanka Soomaaliya ayagoona ku eedeeyay inay isticmaaleen Awood aysan lahayn. Nabadoon Xassan Xaashi Tuur oo madasha hadal ka jeediyay ayaa Wuxuu sheegay inay Kalsoonidii ay u hayeen Ugaaska Beesha Sade Ugaas Ciise iyo Kusimaha Ugaaska Axmed Bare Cali Taakoy ay kala laabteen Kalsoonidii Ay u haysay Beesha Reer Siyaad Xuseen iyo Bah-daarandoole Reer Warsame Wuxuuna Intaasi Raciyay inay dhawaan soo dooran doonaan Ugaas ka shaqeya Danaha Beeshooda. Sidoo Kale dadkii madasha hadalka ka jeediyay Waxaa kamid ahaa Nabadoon Khaliif Maxamed Aadan Wuxuuna ku eedeeyay Ugaaska Beesha Sade iyo ku simihiisaba inay Danahii beeshood Weeciyeen isla markaana maanta wixii ka danbeeya uusan matalin beelaha kor lagu Xusay. Maxamed Cali Gulled Ayaa sheegay dhankiisa inay Ujeedka loo doortay Ugaaska uu ahaa inuu si siman oga shaqeeyo Danaha Guud ee Beesha sade isla markaana waxuu Tibaaxay inay ku sifooben Dano Gaara iyo Laaluush Qaadasho. Isku soo wada Duuboo Kulankani ayaa daba socday Kulamo is daba jooga oo maalihii ugu danbeeyay ka soconayay Magaalooyinka Caabudwaaq Iyo Muqdisho kaasoo looga soo horjeeday Ugaas axmed Bare Cali (Taakoy) Iyo Nabadoono kale oo kasoo jeeda Beelahaas.
http://kismaayo24.com/?p=42719
http://radiocabudwaq.com/?p=1375
Beelaha Reer Nuur Diini Reer Warsame Diini iyo Beesha Reer Siyaad Xuseen oo kalsoonidii Ugaasnimo ka qaatay Ciise Ugaas iyo Wakiilkiisa Ugaas Taakooy. Sawiro Top News
Posted by irshaad on August 26th, 2012 07:02 AM | MAQAALO
Share on facebook Share on twitter Share on delicious Share on digg Share on stumbleupon Share on reddit Share on email More Sharing Services
Kulan balaraan ay isugi yimaadeen aqoonyahanka salaadiinta cuqaasha qurbajoogta iyo siyaasiyiinta beelaha Reer Nuur reer warsame iyo beesha reer siyaad xuseen ayaa waxaa ay maanta kulan ku wada qaateen xarunta waqooyiga galgaduud ee cabudwaaq taasoo ay ku lafa gorayeen sida ay ka yeelayaan ciise ugaas iyo wakiilkiisa oo ay ku sheegeen in ay beesha sade dhaawac iyo dib dhac dhanka dhaqanka ah ay ku rideen.
Ugu horeeyntiina waxaa kulankaasi daah furay suldaan C/naasir Xasan Xirsi oo ah suldaanka reer warsame waxaana uu suldaanku si weeyn uga hadlay qaladaadka iyo xil gudasha la’aanta ku habsatay Hogaankii dhaqanka ee beesha sade waxaana uu sidoo kale suldaanku uu goobta ka sheegay in ay kalsoonidii kala laabanayaan ciise ugaas iyo ugaas taakooy oo ahaa wakiilka ciise ee gobolada dhexe.
Waxaa kale oo ka mid ahaa waxgaradkii ku sugnaa halka xilka qaadista loogu sameeyay ciise ugaas iyo wakiilka ugaas axmed barre taakaooy nabadoon Cabdi Ciise Cabdille oo ka tirsan beesha reer Nuur diini ayaa waxaa uu asna dhankiisa cadeeyay in aysan ugaasnimo u qalmin nimanka sida cad suuqa xaraashka u geeyay masiirkii iyo taajkii beesha sade oo ahayd muqadis in si cadaalad iyo nadiif ah loo ilaaliyo, nabadoonka ayaa ugu baaqay beesha sade in ay kulan kan ka balaaran ay isugu yimaadaan si loo saxo hogaanka dhaqanka waxaana uu intaasi raaciyay nabadoonku in qof kasta ee ka tirsan beesha sade ama jifo walba ay xaq u leedahay in ay u ugaas ama boqor u noqon karto beesha sade taasoo loo arko in lagu aamini karo dhaqanka iyo masiirka umada oo uu hada ku sheegay mid lagu danaystay dadka sheeganayana ay yihiin kuwo aan astaahilin ugaasnimo.
Waxaa ayaguna goobta fadhiyay aqonyahano adayaal iyo qurbo joog ka soo jeeday beesha reer siyaad xuseen oo ayagu kal hore iclaamiyay in ay duubanayaan Boqor haga hogaamiyana dhaqanka beelweeynta reer siyaad xuseen oo ka kooban dhawr iyo tobanka jilib ee ay yihiin beeshaasi.
Waxaana u hadlay c.kariin shiiq xuseen oo ka mid ah qurba joogta ku dhaqan wadanka maraykanka waxaa uu soo dhaweey waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha nuur diini iyo warsame diini waxaana uu ugu baaqay soomaali iyo besha sadeba in ay kalsoonidii ugaasnimo ay kala laabteen ciise ugaas iyo wakiilka ugaas axmed bare taakooy oo uu ku sheegay in ay daba mariyeen xubnihii ay xaqa u lahaayeen ee ay soomaali wax ku qayb sanaysay. Ugu danbeeyntiina waxaa uu uga digay in aysan mardanbe sheegan Karin ugaasnimo hadii ay sheegtaana si aan qarsoodi lahayn faraha la iskula galayo.
Ma ahan beelah oo kaliya beelaha sade ee haatan diyaarka u ah in ay sidaan oo kale ay kalsoonidii dhaqan ee ugaasnimo ay kala laabtaan ugaas ciise iyo wakillka ugaas axmed barre waxaana jira beelo badan oo ayaguna lagu wado in ay xaflado sidaan oo kale ay qabtaan ku sheegayana rabitaankooda ku aadan masiirka beesha sade iyo meesha ku haboon iyo in maanta maxkamad lasoo taago ciise ugaas iyo wakiilkiisa ugaas taakooy.
Zakariye cabdi caabudwaaq
zakariye_abdi@yahoo.com
cabudwaaqnews.com
Rer Siyaad Hussein and others reject the Ugaas
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 2476 Views
-
Last post by Hard-Rock
-
- 1 Replies
- 1379 Views
-
Last post by abdirisak22
-
- 4 Replies
- 749 Views
-
Last post by SadeMedia
-
- 6 Replies
- 771 Views
-
Last post by Dudaaye
-
- 0 Replies
- 466 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 3 Replies
- 820 Views
-
Last post by Sbashi
-
- 1 Replies
- 804 Views
-
Last post by Kees70
-
- 0 Replies
- 1249 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 2 Replies
- 1551 Views
-
Last post by weydamal