Longest serving Minister is out

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Sagaashan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Thu Jan 15, 2009 9:48 am
Location: Xalane, mUGANDAshu

Longest serving Minister is out

Post by Sagaashan »

Image

Caasho Geelle Diiriye, wasiirada hore ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland
Sagaashan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2967
Joined: Thu Jan 15, 2009 9:48 am
Location: Xalane, mUGANDAshu

Re: Longest serving Minister is out

Post by Sagaashan »

Garoowe [RBC Radio] Marwo Caasho Geelle Diiriye oo ahayd Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland oo Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole digreeto uu soo saaray lagu sheegay in xilkii looga qaaday ayey ka dhawaajisay in Saddex maalmood ka horba ay Iscasishay una gudbisay Warqadii Iscasilaadeeda isla Faroole, kuxigeenka iyo Guddoonka Baarlamaanka xili ay ku sugneyd magaalada Gaalkacyo.
Waxay ay tibaaxday in Warqada Iscasilaadeeda ay ugu faah-faahisay Xukuunadda Puntland gaar ahaana Madaxweynaha,kuxigeenka iyo Guddoonka Baarlamaanka in hawshii ay ka haysay Xukuumadda gaar ahaana Wasaaradda ay baneysay,waa sida ay sheegtay.
…”"Saddex maalmood ka hor Madaxweynaha,Madaxweyne Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxan usoo Scan-gareeyey anigoo jooga magaalada Gaalkacyo warqad is casilaad ah oo aan ugu sheegayo in aan baneeyey xilka aan ka hayo dawladda Puntland…”"ayey tiri.
Marwo Caasho Geelle ma aysan sheegin sababaha ku kalifay Iscasilaadeeda balse waxa ay kusoo koobtay in Waraaqda ay u dirtay Xukuumadda ay ku qortay in aysan diyaar u ahayn in ay faah-faahin ka bixiso sababaha iscasilaadeeda.
..”"Rruntiina marabo inaan Faah-faahiyo sababaha Warqadaad arki doontaan Saddex maalmood ka hor usoo Scan-gareeyey ayaa waxa ka muuqata inaanan diyaar u ahayn in Sbahaba is casilaadeyda keeney aan Warqadeyda ku cadeeyo…”"ayey tiri mar kale.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in Warqadeeda Iscasilaada ay ku xustay in Wasaaradda Haweenka ay ka socdaan Mashaariicyo kala duwan,waxayna tiri,,,”"Runtii waxa kaliya oon ugu soo qoraya waxay ahayd oon Warqadaas ugu soo bandhigay in ay Wasaaradda ka socdaan mashaariic badan oo ilaa 16-ah iney yaalaan ku dhawaad lacag Milyan ku dhow, inaan Wasaaradda deyn lagu lahayn,in maxay ahaayeen Mashaariicdaas waa weyn ay kamid yihiin Guriga Haweenka oon muddo runtii daba joognay,6-xarumood oo laga dhisaayo gobolada oo iyaduna Todobaadyada soo socda bilaaban doona,qalabeyn lagu sameynayo 6-da qeybood oo
guriga haweenku ka kooban yahay,Wasaaradda Haweenka oo hadda lagu sameynayo dib u hagaajin iyo qalabeyntoodii oo dhan.

Ugu danbeyntii Marwo Caasho Geelle waxay mahadcelisay guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda iyo haweenka reer Puntland ee la soo shaqeeyey mudadii ay haysay hawsha Wasaaradda.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”