Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun!

Su'aalo, Jawaabo, iwm

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

Dalmar1985
Posts: 50
Joined: Mon Apr 23, 2012 3:44 pm

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun!

Post by Dalmar1985 »

Qaraxii ismiidaameynta ahaa ee shaleyto ka dhacay Muqdishu wuxuu geystey dhimasho iyo dhaawac badan.
Dadka ku dhintey qaraxa waxey ahaayeen dad meesha u yimid ineey ku shaaheystaan oo ku sheekeystaan, sida muuqato dadka meesha fadhiyey kuma jiran qof qori wata oo dagaal kula jirey cid kale.
Midkoodana isma laheyn adigoo nabd u fadhiya oo aan wax dulmi ah geeysan ayaa meesha inta laguugu soo galo qof aadan oqoon ku dili doona.

Ilaahey wuxuu qofka muslinka ah ka xaaraantimeeyey dhiiga walaalkiisa Muslinka ah wuxuuna Eebe yiri "Ruuxii u dila Mu'min si kas ah, abaalkiisu waa Jahannamo taasoo uu ku waari dhexdeeda, Eebana wuu u caroon wuuna lacanadi wuxuuna u diyaariyey cadaab weyn"
Wuxuu Eebe aayad kale ku yiri " Cidii disha naf aan wax dilin ama fasaadin dhulka waxey la mid tahay inuu diley dadkoo idil, cidii nooleysa nafna waxey la mid tahay isagoo nooleeyey dadkoo idel"

Walaalyaal sida muuqata Eebe hadalkiisu wuu cadyahay kuwa wax dileyna wuxuu ku xukumey wax mugdi noogama jiro.

Waxey ila tahy Soomaalida ineey ka hor yimaadaan qof waliba oo go'aan ku gaarey inuu qof kale si qalad ah uu ku dilo waana in laga qabtaa ummada kuwan fasaadka ku dhax wada ee ilaahey hadalkiisa ka soo hor jeestey.



User avatar
Barwaaqoiyobashbash
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1952
Joined: Fri Jun 15, 2012 8:07 am
Location: Cirka iyo dhulka dhexdooda

Re: Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun!

Post by Barwaaqoiyobashbash »

Image
Mogadishu stay losingggggggg. :down: :down: :down: :wow: :snoop:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Islam - General Discussions”