Inaan caafimaad helo
Ama aan cagaha dhigo Cambaruudka naasaha
Waxba hayga celinine
I cantuug dibnaha oo
Shafka igu camcami.
Aan damaq jacayl
Dad is raba warkood
Kaa daadajee
Waxay ugu darnayd
Markii aan dul imid
Taan dunida rabay
Iyadoo doog dhex jiiftoo
Daawaneysa ubaxoo Show raaxo damacday
Durba garayskii furatay
Sii daysay timihii
Aan is iri ma daysaa
Mise waad dug siisaa.