It is Becoming Clear Everyday that The Nairobi Meeting Not only it is Illigal But Also A Threat To the Somali Sovereignty.Those Calooshood u Shaqeystaal Who Took Part in that Meeting Should Never Be Allowed To Be Part of Any admin in Kismayo Because Their Loyalty lies More In Kenya Then In Somalia.
Shan beelood oo la kulmay UN iyo Midowga Afrika
Intii wafdiga ka socday IGAD ay madaxweynaha la joogeen madaxtooyada waxaa dhanka kale garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka socday kulan u dhexeeyay odayaal ka socday shan beelood oo ka mid ah kuwa dega Jubbooyinka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Midowga Afrika iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee UNPOS. Sidoo kale saraakiisha AMISOM ayaa iyaguna joogay kulankan.
Kulanka garoonka ka dhacay waxaa looga hadlay talo ay keeneen odayaasha shantan beelood ee kala ah; Shiikhaal, Gaaljecel, Gaadsan/Dir, Cawrmale iyo Jareerweyne (beesha Shanaad) kuwaasoo soo gudbiyey dhaliilo ay ka qabaan hawlgalka ciidamada Kenya ee Kismaayo iyo in dadka deegaankaasi u dhashay qaarkood aaney kaalin ku lahayn dhaqdhaqaaqyada ka jira Jubbooyinka, sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay mid ka mid ah odayaashii kulanka maanta kaga qeybgalay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Odayaasha maanta kulanka la yeeshay UNPOS iyo Midowga Afrika waxaa ka mid ah;
1) Xuseen Baantuu oo ka socday beelaha Jareerweyne
2) Cabdi Buule Ibraahim oo ka socday beesha Gaaljecel
3) Daahir Cali Xasan oo ka socday beesha Shiikhaal.
4) Ugaas C/laahi Barre oo ka socday beesha Cawrmale
5) Ugaas Maxamed Ugaas Maxamuud oo ka socday beelaha Gaadsan/Dir.
Sida uu Raxanreeb u sheegay Daahir Cali Xasan oo kulanka ka qeybgalay, waxay odayaasha cadeeyeen mowqifka ay ka joogaan shirar beryahan Nairobi ka socday oo aysan raali ka ahayn kuwaasoo ay ku tilmaameen kuwo lagu afduubayo beelaha kale ee dega gobolka. [AKHRI Warbixin khilaafka Jubbooyinka]
Ma jiro wax war ah oo Raxanreeb ka heshay saraakiisha UNPOS, Midowga Afrika iyo AMISOM ee kulankan ka qeybgalay.






