raise revenues in eastern Somaliland and to encourage the local citizens of that region to take more advantage of the abundance of resources available in their coasts.
To also establish better qualified administrations in those coastal areas that are more accountable when taxing foreign boats fishing in the coastline of Sanaag region.
(Hadhwanaagnews) Wednesday, October 17, 2012
Waftigii Ay Hoggaaminayeen Wasiirrada Maaliyadda Iyo Kalluumaysiga Oo Socdaalkoodii Shaqo Ku Maraya Xeebaha Gobolka Sanaag
Hargaysa(HWN):-Waftigii ay hoggaaminayeen Wasiirrada Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, iyo Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Axmed aw Cismaan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa socdaal dheer ku maraya Xeebaha gobolka Sanaag, kaasoo la xidhiidha kor u qaadista dakhliga dalka.
Waftigani waxa ay maanta gaadheen degmadda Xiis, taasoo si diiran loogu soo dhaweeyey Waftiga, waxaanay kulamo la qaateen Maamulka degmaddaasi, Waxgaradka iyo dhinacyada kala duwan ee Bulshadu ka kooban tahay, iyagoo dhagaystay Warbixino ku saabsan Degmadda Xiis.
Guddoomiyaha degmadda Xiis Mustafe Maxamed Biixi oo Madashaas ka hadlay ayaa tilmaamay xaallada nabadgelyo ee degmaddu, balse waxa uu shaaciyey in adeegyadda dhinaca bulshadu ay liitaan, isla markaana aanay degmaddu lahayn Xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho oo si fiican u shaqayn kara, waxaanay Xubnaha waftiga u soo jeediyeen inay Xukuumadda gaadhsiiyaan, isla markaana wixii doorkooda ay wax ka qabtaan.
Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo halkaasi ka hadlay ayaa bulshada ugu baaqay inay u soo jeestaan sidii ay uga faaiidaysan lahaayeen khayraadka dihin ee xeebaha Somaliland, isagoo tilmaamay in xukuumaddu kalluumaysatada wadaniga ah ka taageeri doonto qalabka kalluumaysiga iyo tababaro ku wajahan sidii ay uga faa?iidaysan lahaayeen khayraadka badda.
Wasiirka Maaliyada Md. C/Casiis Maxamed Samaalle oo ka hadlay halkaasi ayaa u mahad celiyay maamulka iyo dadweynaha degmada Xiis waxaanu xusay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka go?an tahay horumarinta degmooyinka xeebaha Sanaag. Wasiirku waxa uu u soo jeediyay dadweynaha inay iska xil saaraan sidii ay u bixin lahaayeen cashuuraha kala duwan ee ku waajibay hantidooda. Wasiir Cabdicasiis Samaalle waxa uu ku dooday in xukuumaddu ay horumarinta dalka ka shaqayn karto marka dadweynuhu ay u hagar baxaan bixinta cashuuraha kala duwan.
Weftigu waxa kale oo ay maanta gaadheen degmada Maydh oo ay caawa u hoydeen, waxaanay galabta dadweynaha ku dhaqan degmada Maydh kala hadleen fagaare, waxaanay uga warameen ujeedada socdaalkooda oo salka ku haya dar-dargelinta iyo kor u qaadista dakhliga cashuuraha.
Weftigu waxay maalinta bari tagi doonaan magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, iyagoo kormeeri doona laamaha dawlada ee gobolka Sanaag oo ay kala hadli doonaan kor u qaadista dakhliga iyo cashuuraha.Weftigaasi waxay xalay u hoydeen tuuladda Shalcow ee degmada Xiis, halkaasi oo ay saaka ka soo jarmaadeen.
http://oodweynenews.com/news/209447-was ... -bari.html


