Sabti, November 03, 2012 (HOL) — Qaraxyo ismiidaamin ah ayaa goor-dhaweyd ka dhacay albaabka hore baar lagu magacabo The Village oo ku taalla agagaarka isbitaalka Difeer ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxdaas
Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay in qaraxyada ay sameeyeen laba nin oo walxo qaraxa isku soo xiray, inkatsoo aysan u suurogelin inay gudaha u galaan baarka oo ay xilligaas ku sugnaayeen dad badan oo qaarkood ay u shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.
"Ismiidaamin ayay ahaayeen qaraxyadu waxay ka dhaceen illinka hore ee baarka, kaddib markii ilaalada baarka iyo ragga isqarxiyay ay rasaas isweydaarsadeen, xaaladdu waa wanaagsan tahay waxaan ku jirnaa gudaha baarka," ayuu yiri mid ka mid ah dadkii baarka ku sugnaa oo saxaafadda la hadlay.
Ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ah ayaa xiray halka ay qaraxyadan ka dhaceen, iyadoo qaraxyadan ay kusoo beegmayaa xilli ay ciidamada milaterigu ka sameeyeen maanta Muqdisho howgallo lagu ururinayya cidamada dowladda ee wata hubka sharci-darrada ah.
Baarka la weeraray ayaa waxaa iska leh ninka leh baarkii The Village oo ku yaalla agagaarka guriga hooyooyinka halkaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 30-qof oo ay ku jireen saddex wariye oo laba ka mid ah ay u shaqeynayeen Radio Muqdisho.
Xarakada Al-shabaab oo horay u sheegatay weerarradii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay baarka The Village ayaan ka hadlin weerarrada qaybta labaad ee baarkan laug sameeyay maanta, waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarradan afar qof oo shacab ah.
Halka ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa la xiray, iyadoo ciidamada dowladdu ay diideen in halkaas la galo ama laga baxo, waxaana socda baaritaanno ku saabsan sidii ay qaraxyadu u dhaceen.
Baarkan ayaa waxaa ka cuntayn jiray kuwa caweyn jirtay dadka u shaqeeya dowladda Soomaaliya iyo dadweyne kale oo fara badan, iyadoo weerarkan ismiidaaminta ah uu noqonayo kii saddexaad oo Muqdisho ka dhaca tan bishii September oo lasoo doortay madaxweynaha Soomaaliya.
EPIC FAIL.
Kudos to the guards for defending civilians.

