Daawo Sawirada: Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo
Degmada Balad Xaawo ayaa waxay mid tahay Degmooyinka Gobolka Gedo ee sanadkii hore laga saaray Xoogaga Shabaab, waxaana xilligaan ka arrimisa Dowladda Soomaaliya.
Degmada Balad Xaawo oo xuduud la wadaagta Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi ee dalka Kenya, ayaa waxaa ka jira ganacsi ballaaran, oo ay ganacsatada reer Balad Xaawo ay ka kala keenaan Magaalooyinka Muqdisho iyo Mandhera.
Balad Xaawo ayaa waxaa ka hawl gala Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Xawaalaha guud ee dalka ka jira, waxayna dadka reer Balad Xaawo ay ku tiirsan yihiin ganacsiga iyo lacagaha dibadaha ay eheladooda uga soo diiraan.
Degmada Balad Xaawo ayaa waxay xilligaan ka mid tahay Degmooyinka ugu nabdoon ee Gobolka Gedo, inkastoo mararka qaarkood ay ka dhacaan falal aanu buurneyn













