Beesha Siilaanyo oo Kulmiye u nacday beesha galbeedka Hargey

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
KingBlack
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 845
Joined: Tue Feb 24, 2009 6:17 pm
Location: God keep our land glorious and free!Canada, we stand on guard for thee.

Beesha Siilaanyo oo Kulmiye u nacday beesha galbeedka Hargey

Post by KingBlack »

Beesha Siilaanyo oo Kulmiye u nacday beesha galbeedka Hargeysa oo ay ku sheegeen inuu Siilaanyo u afduubanyahay taageeradoodiina Rays u leexiyay

Kulan ay isugu yimaadeen Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Culimo, iyo Odayaal waxgarada oo ka soo jeeda Beesha Habarjeclo oo isaga kala yimi gobolada Wadanka Ingiriiska ayaa maalintii Jimcihii 09/11/2012 gelinkii danbe ka dhacay Guri ku yaala Bariga Magaalada London, kulankan waxa ujeedadiisu ahayd sidii beeshu u muujin lahayd taageerada ay u hayso Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamud ( Siilaanyo ) iyo sidoo kale u diyargarowga ka qayb qaadashada ololaha Xisbiyada iyo Ururadu ugu jiraan golayaasha degaanka iyo u soo bixida Xisbi qaran.
Kulankan oo si habsami ah u bilowday ayaa la iskaga xog waraystay sidii Xisbiga Kulmiye ugu guulaysatay madaxnimada Dalka Somaliland iyo sidii ay beeshu isugu duubnayd xiligii tartankii madaxweynaha iyagoo la kaashanayey beelaha kale ee Reer Somaliland ee ay Xisbiga wada taageersanayeen guushana wada dhaliyeen, is xog waraysigaas ka dibna waxaa loo gudbay oo la is weydiiyey waxa ay Beesha iyo degaanada ay degaan ka faaiideen Hogaankii dalka ee uu Xisbigii Kulmiye ku guulaystay.

Shirka ayaa mar qudha ka leexday ujeedadii la isugu yimi ka dib markii Xubno Siyaasiyiih ah oo Beesha ka tirsani ay Hungo iyo hagardaamo ku tilmaameen halgankii ay la galeen Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweynaha maanta talada wadanka haya, Xubnaha Siyaasiyiinta ah oo qaarkood ahaayeen kuwii xiligii Xisbiga Kulmiye Mucaaridka ahaa ugu cadcadaa uguna taageerada badnaa Xisbiga waqti badan iyo hanti badana geliyey guusha Xisbigu gaadhay ayaa ka dhawaajiyey in aan Beesha iyo Degaanku toona ayna helin cadaaladii ay ka filayeen Madaxweyne Siilaanyo.

Xubnahani waxay si qiiro leh uga war bixiyeen ujeedadii Beeshu sida hagar la,aanta ah ugu taageereen Xisbigii Kulmiye oo ay yiraahdeen Beesha iyo Degaanku toona may doonayn xaq aanay lahayn balse waxay beeshu Xisbiga kulmiye ka rabtay in dalka cadaalad lagu dhaqo oo Beelaha Somaliland u sinaadaan Horumarka Dalka iyo awood qaybsigaba, waxay nasiib daro ku tilmaameen in maanta Beeshu ay Xaqdarada ugu weyn kala kulanto Beel ka mida Beelihii ay Xisbiga wada taageeri jireen iyagoo cadeeyey in Beeshaasi aanay haba yaraatee Degaanada Bariga Somaliland waxba u ogolayn haday tahay Horumar iyo haday tahay xilalka wadanka oo lala qaybsado toona, waxay kaloo sheegeen in Beeshaasi ka baxday balankii ahaa in dalka horumarkiisa iyo awood qaybsigiisa lagu qaybsado cadaalad ay ku wada faraxsan yihiin dhamaan reer Somaliland iyo in Xisbiga Kulmiye la wada yeesho oo si wada jira maalinba cida hogaanka u haysa loo wada taageero.

Shirka oo jewi kale galay ayaa waxaa dadka badankiisii isla qaatay hadii Hogaankii Dalka iyo Caasimadiisiiba lagala kulmay cadaalad daradaas in beeshu ay aayaheeda ka tashato kana fiirsato taageero danbe oo ay siiso Xisbiga kulmiye waxaana wax garadkii beeshu soo jeediyeen in shir intan ka balaadhan loo balamo inta aanay dhicin doorashada golaha degaanku si beeshu codkeeda ugula shuraakowdo Xisbiga ay cadaalad ka fili karaan ama beeshu ay taageerto Sidii loo soo saari lahaa Ururka Rays, Shirkan oo markii jewigiisii uu dhinac kale u jeestay aan saxaafada loo ogolayn hadana waxa muhiim noqotay in dhacdadan cajiibka ah bulshada loo soo bandhigo.
User avatar
Notorious13
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1113
Joined: Sun Aug 14, 2011 7:02 pm
Location: Dhulkii Hawd

Re: Beesha Siilaanyo oo Kulmiye u nacday beesha galbeedka Ha

Post by Notorious13 »

:|
User avatar
CaynabaX
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1732
Joined: Fri Jul 15, 2011 12:28 pm
Location: 82' In between Hayeeyaasha, Baalidhaye and Coodanle

Re: Beesha Siilaanyo oo Kulmiye u nacday beesha galbeedka Ha

Post by CaynabaX »

Well that explains Xirsi gaab's visit to Tower Hamlets, east London. Altough this conference had nothing to do with Rays nor Sacad Muse. The conference regarding Rays was held in Sheffield.
User avatar
Notorious13
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1113
Joined: Sun Aug 14, 2011 7:02 pm
Location: Dhulkii Hawd

Re: Beesha Siilaanyo oo Kulmiye u nacday beesha galbeedka Ha

Post by Notorious13 »

Rays so bixi mayso. HJ alone cannot support a party. They were supported by the Reer Galbeedis aka Sacad muses in the last election.
User avatar
CaynabaX
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1732
Joined: Fri Jul 15, 2011 12:28 pm
Location: 82' In between Hayeeyaasha, Baalidhaye and Coodanle

Re: Beesha Siilaanyo oo Kulmiye u nacday beesha galbeedka Ha

Post by CaynabaX »

Well the mentality you are showing right know is exactly the reason why Somaliland is where it is today, with out blaiming Xirsi, Ina Biixi or Duur. I stopped participating in habar habar politics as there is nothing more nastier than Isaaq politics. Bariga iyo galbeedka Burco iyo beesha galbeedka Hargeysa baa na waalay.
User avatar
Notorious13
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1113
Joined: Sun Aug 14, 2011 7:02 pm
Location: Dhulkii Hawd

Re: Beesha Siilaanyo oo Kulmiye u nacday beesha galbeedka Ha

Post by Notorious13 »

It's not my way of thinking it's the reality on the group. Somalilanders choose parties based on qabil and the 2010 election Kulmiye received alot of support from HJ and Sacad muse and it's a proven fact. This is the way things are happening back home and i simply stating from previous elections if this continues rays wont stand a chance. But i understand were you're coming from. Somaliland is missing ideology thinking real purpose to vote rather than renting buses and waving flags.
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Beesha Siilaanyo oo Kulmiye u nacday beesha galbeedka Ha

Post by SahanGalbeed »

The same old bullshi,t .
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”