Somaliland waxa ay sheegtay in markii ugu horreysay ciidamadeeda ay lebisan doonaan derejo, isla markaana ay sarkaal iyo askari kastaa ku qaadan doono mushaharka derajadiisa.
Ciidanka Somaliland ayaan darajo isticmaalin, isla markaana hadda qaata mushaar isku mid ah, marka laga reebo saraakiisha sarsare.
Qorshahan ayaa waxa lagu soo bandhigay dakhliga miisaaniyadda sanadka soo socda ee 2013.
Haddaba waxyaabihii u qabsoomay iyo waxa ay xoogga saarayaan ayaa weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige uu ka wareystay, Cabdicasiis Maxamed Samaale Wasiirka maaliyadda.




