Cabdi Waraabe Iyo Suldaan Maxamad Cabdulqaadir

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
KingBlack
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 845
Joined: Tue Feb 24, 2009 6:17 pm
Location: God keep our land glorious and free!Canada, we stand on guard for thee.

Cabdi Waraabe Iyo Suldaan Maxamad Cabdulqaadir

Post by KingBlack »

Cabdi Waraabe Iyo Suldaan Maxamad Cabdulqaadir: “Prof. Axmad I. Samatar Waa Cadow, Foosiya Xaaji Aadana Waa Ehelkayaga”
Bishan awalkeedii ayuu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ah salaadiinta Hargaysa wuxuu jeediyay hadal uu ku taageeraayo Wasiirka Arrimaha dibada ee Somalia marwo Foosiya Xaaji Aadan, wuxuuna ku dheeldheelay beelaha darifyada isagoo ku sheegaya inay xilal ka soo waayeen Muqdisho, isla markaan ka dalbaaya inay nabada ilaaliyaan. Suldaanku wuxuu hadalkiisa ku daray amba ku jiray in Marwo Foosiya ay u hayaan taageero weyn isagoo ku sheegay inay tahay qof Somaliland jecel oo lexojeclo ka qabta.

Sidoo kale, Xaaji Cabdi Waraabe oo odey siyaasiya ah ugana da’weyn siyaasiinta iyo odeydhaqameedyada Somaliland ayaa tariikhdu markay ahayd Novemebr 08, 2012, yidhi: “ Foosiya waa taa kaga soo tuurtay Ra’iisal Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Khaarajiga ee Somalia, waxay ku tusaysaa horumarka haweenku gaadheen”. Sida muuqata Xaajigu wuu u qushuucay magacaabida gabadh reer Somaliland balse aan ka soo jeedin beelaha darifyada.

Magacaabista Marwo Foosiya maaha dulucda maqaalku waayo iyada waan u tahniyadaynaynaa, waxaanan u rajaynaynaa inuu Ilaahay ku asturo xilkaas noqotana siyaasiyad midnimada dalkeeda ku dadaasha. Dulucda maqaalku wuxuu tixraacayaa hadalada ka soo yeedhay labada masuul oo run ahaan ah hadalo mudan in jawaab laga bixiyo.

Odayadaas hadalkoodu wax ku jaban ma jirto marka sidaas loo dhigo, laakiin dadka u dhuundaloola siyaasada Waqooyiga hadalka duqaydaasi waa mid dalab leh balse shaaca markale ka qaadaaya siyaasad u gaar ah madaxda beesha dhexe amba suldaan ha ahaado amba siyaasi ha ahaadee.

Taniyo intuu maamulka Somaliland madax ka noqday Siilaanyo, cidna kama qarsoona inay Hargaysa aqbashay ajandeyaasha beesha caalamka oo yoolkoodu yahay sidii Somaliya dib layskugu tolilahaa. Taasina waa mid sideedaba waafaqsan ajandihii aas-aasiga ahaa ee Somaliland loo samaystay oo dulucdeedu ahayd, tahayna weli, in Koonfur Beesha Dhexe kula gorgortanto marka la gaadho wado hadal dhab ah.

Sidaa awadeed, markii la dhisaayay dawlada Somalia ee bedeshay tii ku meel-gaarka ahayd, Hargaysa waxay si xowli leh oo caddaan ah uga qayb gashay soo dhisida dawlada Somalia laga bilaabo soo xulidii xubnaha Baarlamaanka uga qayb galay Beesha Dhexe ( maaha Waqooyi). Suldaan Cabdulqaadir wuxuu ka mid ahaa salaadiintii xildhibaanda beeshiisa ugu jira Barlamaanka Muqdisho soo xulay. ( Xasuusta Suldaankii isku jufada ahaayeen ee xildhibaanadii suldaan Cabdulqaadir ka dacweeyay maxkamad ku taal Muqdisho).

Markii la soo gaadhay doorashadii madaxweynaha, Suldaan Cabdulqaadir iyo madaxda Somaliland waxay qaadeen olole lagu wiiqayo awooda Beelaha DIR, waxayna toos uga hor yimaadeen Musharaxii beesha oo ahaa Prof. Samatar. Dagaalka Suldaaan Cabdulqaadir iyo madaxda Somaliland ee beesha dhexe kaga hortagayeen Prof. Samatar waxay ahayd mid huwan cadaawad gaar ah oon shaqo ku lahayn mabaadiida siyaasadeed ee Prof.

Samatar oo ah aqoonyahan midnimada Somalia taageera. Haddii siyaasada Dr Samatar la diidan yahay, may dhacdeen in Suldaan Cabdulqadir taageero Wasiirka diblomaasiyada Somalia madax looga dhigay oo ka soo jeeda beesha dhexe. Mana dhacdeen in Cabdi Waraabe u qushuuco marwo Foosiya xilka cusub ee loo dhiibay. Sidaa awadeed, waxaa cad in dagaalka lagu qaaday prof. Samatar ay hagaysay qabyaalad dastuur u ah maamulka Somaliland iyo beesha dhexe siyaasiintooda. Haddaan si kale u dhigno hadalada labada odey waxa weeyi : “Prof. Samatar waa cadow, Fosiya Xaaji Aadana waa ehelkayaga”!

Suldaanka iyo Xaajiga oo u hanuunsan dastuurkaa salkiisu yahay qabyaaladu, wax ay dhimeen ma jirto ee sidaan sheegnay wuxay dadka xasuusiyay inay weli beesha dhexe ka go’antahay inayna ogolaan Karin cid ka soo jeeda Beelaha darifyadu inay wax ka noqdaan Muqdisho, hadday ka noqdaana waa dad Hargaysa dhagar ka galay. Balse haddii qof beesha dhexe Muqdisho wax ka noqdo, waa shaqsi u maqan Hargaysa oo danaha reerka ku maqan.

Siyaasadoodii waxay noqotay mid la micno ah: “Somaliland waxaan u samaysanay inaan wixii lixdankii naqa qaldamay ku saxno”. Marnaba ma ahayn, sidii horeba Cabdiraxmaan Tuur ugu sheegay inay dal gaara noqdaan, waayo mid suurtoobaysa iyayna ahayn.
Hadalka Suldaan Cabdulqaadir waxaa ku jirtay sidaan sheegnay inuu beelaha darifyada u soo jeediyay inay nabada ilaaliyaan. Waa Yaab!

Markaan ognahay inay dagaal ku qaadeen siyaasiinta darifyada ee Muqdisho ka sharaxnaa, markay aaminsanyihiin kana go’antahay in cid aan ahayn dadkoodu inay Muqdisho wax ka noqdaan, markay ka dharagsan yihiin in maamulka Somaliland ku dhisan yahay saamiga xaaraanta ah ee 1.05, halka Somalia 4.5 lafteedu xaraan ah ku dhaqanto, nabada ay doonayaan in beelaha darifyada ilaaliyaan waa ina ayyo? Arrintu soo maaha cagajuglayn?

Hugga qudha ee weli Hargaysa ku asturan tahay waa beelaha darifyada gaar ahaan Gadabuursi. Nimanka qaabsiyaasadeedkoodii sidaas noqday garaadkoodu wixii la doono halagu sifeeyo laakiin waxaa ka sii liita ninka hurda ee ku daalay inuu hu’ saaro nin hugaba qawanaanta ka jecel. Siday doonto haka ahaato iyagee, xaqiiqada maanta hor taala beelaha darifyadu waa : Mar la dage Allah dagay, mar labaad ladagose isagaa is degay!

Iyagoo Suldaan Maxamad Cabdulqaadir iyo Xaaji Cabdi Waraabe ku mahadsan yihiin inay marmar na xasuusiyo ajandaha dhabta ah ee ay u samaysteen Somaliland, waxaa mudan in laftooda la xasuusiyo in laga dharagsan yahay ujeedooyinka siyaasadeed ee ay isla heleen tolkood. Siyaasaduna maaha mid shub ah oo meel ku qalalan balse waa shay xarakaad badan oo isbadal joogto ah ku nool. Waa shax madasha taal oo kolba sidii dan la moodo loo dheelo.

Nimba timo xamarweeyee, laba dibi oon isku dhaqan ahayna way isku tun go’aan hadday maahmaahdu ahayd waxaan ku kabi lahayn, gunaanad ahaan, hal hayskan ingiriiska ah: As a fish out of his native element, so is the fool in the society of the wise, (William Scott Downey).

Wadhaf.com
User avatar
Notorious13
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1113
Joined: Sun Aug 14, 2011 7:02 pm
Location: Dhulkii Hawd

Re: Cabdi Waraabe Iyo Suldaan Maxamad Cabdulqaadir

Post by Notorious13 »

Sounds about right.. :) :up: Foosiya Xaaji Aadan :up:
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Cabdi Waraabe Iyo Suldaan Maxamad Cabdulqaadir

Post by kaliil »

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir cidi waxba ma weydiiso Fowsiyana taageero ugama baahna. Ciidagale wax ha taro hadduu nin yahay.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Cabdi Waraabe Iyo Suldaan Maxamad Cabdulqaadir

Post by The_Emperior5 »

Hawiye Samatar waxba u dhiiban mayo samatar wa critic wax walba wu dhalaceeyaa nin wax dhisi kara maha.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”