Faroole:Xamar must respect the wishes of the locals

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Faroole:Xamar must respect the wishes of the locals

Post by The_Emperior5 »

Madaxweyne Faroole: Dadka Jubooyinka ku nool Haloo Madaxbaneeyo Rabitaankooda.


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garoowe (RBC) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole ayaa sheegay In dadka ku nool Gobbolada Jubbooyinka ay xaq u leeyihiin in ay Maamulkooda dhistaan isagoo carabka ku adkeeyey in Jubbaland uu yahay Maamulaka saxda ah ee halkaasi laga yagleeli doono, mar uu maanta ka qayb galay shir looga hadlayay Diiwaangelinta ururada Siyaasada Puntland oo Garowe ka dhacay.
“ Cid walba meesha uu degenyahay isagaa milkiyadeeda iskaleh cid uu uga heebeysanayo ma jirto inkastoo baryahan dambe ay soo baxayaan oo aan maqlayno sanqaro yar yar runtase lama qarinkaro dadka jubooyinka ku nool haloo madaxbaneeyo rabitaankooda” sidaaa waxaa yiri madaxweynaha Puntland Dr Faroole.
Madaxweyne Faroole ayaa kulamo badan oo uu qudbado kasoo jeediyay waxaa uu dhawr jeer ku celcelshay in puntland ay si weyn u dhawreyso waxyaabaha ka jira Gobolada hubbooyinka maadaama Puntland ay quseyso dhankeeda Maamul u samaynta Goboladaasi.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xili madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in xiligaan ay socdaan wadahadalo lagu dhamaynayo wax walba oo qilaaf ah oo horay u jiray isla markaana looga tashanayo mushataqbalka gobaladaan.
Gobolada Jubbooyinka ayaa lagu wadaa in laga yagleelo Maamul Goboleed loogu magacdaray Jubaland kana koobnaan doono Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gobolka Gedo.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”