
Ppl are saying Either VOA or BBC interviewed some insiders in Italy.
Knowing how somali brain works, I know some of u will defend this treason/theft (if verified) and others will insult millions of somalis just because the accused is from that qawil

Moderator: Moderators
They are saying the gov didn't know anything about it. If that's true then that $ will go to some1's personal pocket.... let's see how it unfolds.SimplySerene wrote:Do you know how the $10,000 per month will be used?
Are there other countries that lease their ambassys like this?
Yep your right Former Prime Minister Nuur Cadde under Muhjiid AUN President Abduallhi Yusuf is the Somali Ambassador to Italy.The`Republic wrote:Isn't the Somali ambassador to Italy Nuur Cadde? And how can money go to his pocket...embassies are owned by the government not private peoples. Italy is a state with laws even Kenyan courts in a third world country struck down the deal that sold Somalia's embassy in Nairobi which was sold. The Indian businessman was told to hand back the property, Italian fourts won't allow the deal to stand if the Somali government gets involved.
Dhismihii Safaarada Soomaaliya Ee Talyaaniga Oo La Kireeyey
17/11/2012
Mareeg.com-Wararka aynu ka helayno magaalada Roma ee Xaruunta dalka Taliyaaniga ayaa xaqiijinaya in Ambassador Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga iyo Midowga Yurub Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) marna noqday R/wasaaraha Soomaaliya uu kireeyay dhismihii safaarada soomaaliya ee Dalka Taliyaaniga.
Xariir aynu la samaynay dad kala duwan ayaa noo xaqiijiyay in Nuur Cadde uu 18 Sano ah ka kireeyay dhismaha Safaarada shirkad la yiraahdo Italian Tourist service oo laga leeyahay dalka Taliyaaniga.
Shukri Said oo ah Saxafiyada ka shaqaysaa Wargeyska ugu balaaran dalka Taliyaaniga ee la yiraahdo La republica sidoo kale wax ku qorta Wargeyska kale ee lagu magacaabo Unita ayaa dhankeeda u xaqiijisay Shabelle in Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga iyo Midowga Yurub uu Dhismaha Safaarada kireeyay.
“Waa run arintaasi waxbaa ka jira waana arin xaqiiqo ah, aniga waxaa ila soo xariiray Daraad khamiistii qaar ka tirsan Shaqaalaha Safaarada oo ii sheegay in Safiirka uu isagu yeeray dhamaan Shaqaalaha kadibna uu ku wargeliyay in dhismaha Safaarada Taliyaaniga Safaarada Somalia oo ka kooban 4 dabaq oo ku taala meel qurux badan oo qiimo leh laga kireeyay Shirkada Italian Tourist service laga bilaabo Bishan November aynu ku jirno, Shaqaalahana waxa ay ii sheegen inay markii wax ka weydiiyeen Nuur Cade sababta uu u kireeyay waxa uu nagu yiri adinkama jawaabayo Su’aalihiina,”
sidaasi waxaa tiri Shukri Said.
“Aniga Shalay waxaan tagay Dhismaha Safaarada , waana soo xaqiiqsaday arintaasi waxaa qadka Telphone-ka kula xariiray Nuur Cadde waxaana dhahay arintaasi maxaa ka jira, ma waxaad Amar ka haysataa madaxweynaha iyo R/wasaaraha in aad iibiso ama kireyso dhismaha Safaarada, iigama uusan Jwaabin, wuxuuna igu yiri shan cisho kadib ayaan soo laabanayaa markaasi ayaan kaaga Jawabaayaa.
Shukri Said waxa kaloo ay intaasi ku dartay hadalkeeda inay Shaqaalaha qaar ay u sheegeen in Nuur Cadde uu aaday magaalada Brussels ee Belgium, qaarna waxa ay ii sheegeen inuu aaday dalka Switzerland kadib markii uu heshiiska lagu kireeyay Safaarada Soomaaliya ee dalka Taliyaaniga uu kireeyay.
Sidoo kale Shukri Said waxa ay sheegtay in iyada iyo Wiil kale oo Hooyadii Soomaali tahay ay shalay ilaa xalay ( Jimce ) ku sugnaayeen Safaarada oo ay isku dayeen inay is hortaag ku sameeyaan Shirkada Dayactiraysa Safaarada,waxaana ay intaasi ku dartay In Sharciga Taliyaaniga uu dhigayo haddi Shirkada ay shaqo ka bilowdo aan laga hor istaagi karin, iyadoo xustay inay adkaan doonto in dib looga wareego Shirkada laga kireeyay Safaarada.
Dhinac kale AVV Xasan Ducaale oo ah Abukaate ku nool dalka Taliyaaniga oo Qadka Telefoonka ay kula xariirtay Shabelle ayaa sheegay in Safaarada lagu kireeyay 9 Sano ee hore Lacag gaaraysa Tobada kun Euro ( 10,000 ) halka 9 Sano ee dambe lagu kireeyay 15,000 Euro.
“Arintaasi waa arin jirta, Safiirka markii uu la saxiixdat heshiiska ayaa waxa uga warbixiyay Shaqaalaha inuu ku kireeyay bishii Euro 10,000 sagaal sano ee hore, sagaalka kalena 15,000 Euro, warkaasi markaan maqalnay aad baan ugu xumaanay waayo Shirkada waxa ay bedelaysaa qaabka ay hadda u dhisantahay Safaarada, waxaana adkaan doonta in mar kale ay noqoto Safaarad,” sidaasi waxaa yiri Abukaate AVV Xasan Ducaale .
Abuukaate Ducaale waxa kale oo uu sheegey in Shirkadaasi ay tahay shirkad caan ah oo aan la isku aamini karin dhinaca kalena waxa uu madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbadey in wax laga qabto arintaasi .
Shukri Said ayaa waxa ay sheegtay in wax laga xumaado ay in Shirkada ay dejisay Calanka Somalia ee ku xirnaa Safaarada mudadii 22 Sano ee lasoo dhaafay oo dad Somali ah degnaayeen.
Si kastaba Shukri Said iyo Abukaate AVV Xasan Ducaale ayaa ugu baaqay madaxda dowlada Somalia inay badbaadiyaan Safaarada oo ah hanti qaran oo ay shacab soomaaliyeed loogu adeego.
Cudur Daar : Warqada Saxiixan Qoraalkeeda khadda awgeed ayaa si fiican loo aqrin karin hasa yeeshee isla warqadaas oo aan saxiixnayn waa warqadda labaad
Warqada Heshiisaka hordhaca ah ee lagu kireyey dhismaha Safaarada Soomaaliya ee Talyaaniga oo saxiixan
Some will have to forgive me for mentioning Shukri is Marehan/Celi.Shukri Said oo ah Saxafiyada ka shaqaysaa Wargeyska ugu balaaran dalka Taliyaaniga ee la yiraahdo La republica sidoo kale wax ku qorta Wargeyska kale ee lagu magacaabo Unita ayaa dhankeeda u xaqiijisay Shabelle in Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga iyo Midowga Yurub uu Dhismaha Safaarada kireeyay.
Shukri Said ayaa waxa ay sheegtay in wax laga xumaado ay in Shirkada ay dejisay Calanka Somalia ee ku xirnaa Safaarada mudadii 22 Sano ee lasoo dhaafay oo dad Somali ah degnaayeen.
Si kastaba Shukri Said iyo Abukaate AVV Xasan Ducaale ayaa ugu baaqay madaxda dowlada Somalia inay badbaadiyaan Safaarada oo ah hanti qaran oo ay shacab soomaaliyeed loogu adeego.
One of her piecesSoomalida Ku Nool Roma oo Cabasho U soo Gudbiyey Dowladda Soomaaliya
Roma (Sh.M.Network) — Dadka Soomaalida ah ee ku nool Magaalada Roma Ee Dalka Talyaaniga ayaa waxay idaacada Shabelle Ee magaalada Muqdisho u Xaqiijiyeen in dhismaha safaarada soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi Talyaaniga laga kireeyey shirkad laga leeyahay dalkaasi .
Shukri Saciid oo ah gabar suxufiyad ah isla markaana ka howl gasha wargeyska ugu magaca weyn dalkaasi oo lagu magacaabo The Republic oo la hadashey idaacada shabelle ayaa waxa ay xaqiijisey in arintaasi ay jirto hase ahaatee Madaxtooyada Soomaaliya looga baahan yahay in Arintaasi ay ka hadasho isla markaana ay wax ka qabato hadalada sheegaya in Safaarada Soomaaliya ku leedahay Dalka Talyaaniga laga kireeyey Shirkad laga leeyahay isla Dalkaasi .
Shukri ayaa waxa ay tibaaxdey in burburkii dalka Soomaaliya ka jirey safaaradaaasi ay degnaayeen Dad Soomaali ah kuwaasi oo usoo dhabar adeegey ilalainta Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Roma ee Dalka Taliyaaniga.
Abuukaate Xasan Ducaale oo ka mid ah dadka soomaalida eek u nool magaalada Roma oo Wareysi siiyey Idaacada shabelle ayaa waxa uu sheegey iney waraaqo u direen shirkada taliyaaniga ee nuur cade ka kireeyey Safaada Soomaaliya Ee Dalka Taliyaaniga ayaa waxa ay sheegeen in aysan wali dhiibin lacagta ay ku kireysanayaan safaarada waxa uuna dowladda ugu baaqey in arintaasi si deg deg ah madaxda uga sareesa Dalka ay uga hadlaan wararka sheegaya in shirkad Taliyaani laga kireeyey safaarada Soomaaliya dalkaasi.
Maalmahan dambe waxaa soo if baxayey warar sheegaya safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga iyo midowga Yurub uu kireeyey safaarada Soomaaliya ay ky leedahahy dalka Talyaaniga isla markaana uu ka kireeyey shirkad laga leeyahay Dalkaasi
http://shabelle.net/soomalida-ku-nool-r ... oomaaliya/