Somali MPs questioning Ministers

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Somali MPs questioning Ministers

Post by Executive »

They are being questioned for arresting a journalist and for leasing a somali embassy. When was the last time this happened? :up: #



Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo su'aalo weydiiyay laba wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya
Talaado, December 11, 2012 (HOL) — Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta su'aalo weydiiyay ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka Gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.


Su'aalaha wasiirradan la weydiiyay ayaa waxay kala ahaayeen, sababtii loo xiray wariyihii BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan iyo sababtii loo kireeyay safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Talyaaniga.

"Waxaa naga go'an inaan ka daba-tagno dhammaan hantida Qaranka Soomaaliyeed ee dibadda ku maqan, sida guryaha, diyaaradaha iyo maraakiibta. Laakiin su'aasha aad i weydiiseen waa mid aniga iga horreysay. Aniga iyo ra'iisul wasaaruhuna waan ka hadalnay mowqifka dowladda ee ku aaddan hantida Qaran ee maqan," ayay tiri wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay in guddi ay iyadu madax u tahay loo saaray daba-galka hantida Qaranka Soomaaliyeed ee dibadda ku maqan, iyadoo intaas ku dartay in inay direen dad uga soo warbixiya hantida Qaranka ee maqan iyaguna ay ka warsugayaan wixii ay u soo gudbiyaan.

Dhanka kale, wasiirka gaashanadhiga Soomaaliya ayaa isagana la weydiiyay su'aal ku saabsanays sababtii keentay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xirto wariyihii BBC-da, isagoo sheegay in xariga wariyaha uu ku yimid tabinta war ku saabsan in si xaq-darro ah ay maxkamaddu u dishay wiil Soomaaliyeed oo lagu magcaaaba C/qaadir Yoonis, kaasoo aan loo qaban wax qareen oo ah u dooda.

"Xaqiiqdii wariye Ibraahim shaqada waa ku cusbaa, wuxuu shaqeynayay laba bilood oo keliya, waxaana caddaatay inuusan lahayn tababar iyo xirfad ku filan shaqada uu hayo. Markii maxkamaddu ay weydiisay inuu maxkamadda horteeda keeno ama u sheego ninka sheegay inuu yahay abbaha wiilka la dilay wuuna awoodi waayay, wuxuuna sheegay inay aabbaha uu wargeystay uu ku sugan yahay Jowhar weligiina uusan la kulmin - caddeyn aan ahayn wareysigiisana uusan ahayn, taasina waxay caddeyn u noqotay in wariyuhu ku xad-gudbay howshiisa," ayuu yiri C/xakiin Fiqi.

Wasiirku wuxuu sheegay in wafdi ka socda BBC-da ay Muqdisho yimaadeen ayna raalli-gelin ka bixiyeen warkii ay sii daayeen, wuxuuna xusay in taasi ay keentay in lasii daayo wariyaha oo hadda aan ku jirin gacanta ciidamada xoogga dalka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari) ayaa su'aalaha kaddib hadalka qaatay isagoo u mahadceliyay labada wasiir soo xiray kulanka, wuxuuna guddoomiyhu ku baaqay inaan la dhibaateyn wariyeyaasha, sidoo kalena wariyeyaashu ay iska ilaaliyaan xadgudubyada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34540
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: Somali MPs questioning Ministers

Post by Hyperactive »

please guys post in right section, we tired moving them.
Brobaganda
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 782
Joined: Thu Nov 22, 2012 10:22 pm
Location: Praying for world peace because the violence affects mothers and kids the most

Re: Somali MPs questioning Ministers

Post by Brobaganda »

Accountability? :o

In Somalia? :shock:

Is this a joke? :?

:clap:
User avatar
SultanOrder
Posts: 21695
Joined: Thu Mar 26, 2009 10:10 pm
Location: Peace!

Re: Somali MPs questioning Ministers

Post by SultanOrder »

Sounds good :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”