Mr Qoslaye and Somaliland

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
BigBreak
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6325
Joined: Fri Oct 05, 2012 11:31 am

Mr Qoslaye and Somaliland

Post by BigBreak »

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud Oo Ka Hadlay Sababaha Hakiyey Wada Hadalka Somaliland Iyo Somaliya, Sheegayna Inuu Ku Rajo Weyn Yahay Inay Noqdaan Kuwo Midho Dhala

Muqdisho (Ramaas), Dec, 13, 2012
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay sababaha keenay inay wakhtigan hakadaan wada hadalkii ka dhaxeeyey Somaliland iyo Somaliya.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in sababaha ugu weyn ee hakiyey wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ay yihiin hawlo mashquuliyey labada dhinaca, isaga oo sheegay inuu ku rajo weyn yahay inay wada hadaladasi noqdaan qaar midho dhala.

Xasan Sh. Maxamuud Madaxweynaha Somaliya oo wareysi uu siiyey laanta afka Somaliga ee BBC-da kaga hadlay dhinacy badan oo xaalada dalkiisa iyo wada hadaladu ka mid yihiin.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sidoo kale shuruud adag ku xidhay cafinta dagaal yahanada Al-shabaab ee ka dagaalama dalkiisa, waxaanu sheegay inaanay cafin doonin tan iyo inta ay dhigayaan hubka, qofkii hubka dhigana ay soo dhaweyn doonaan.

Madaxweynaha oo ka hadlaya wada hadalada dalkiisu la galayo Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Wadahadalladu way sii socon doonaan, laakiin duruufo ayaa hakiyay, waayo waxaa la galay in xilliga KMG ah laga baxo, sidoo kale Somaliland waxaa ka dhacayay doorashooyin, waxaana rajeynayaan in wadahadalladu ay noqdaan kuwo midho-dhal ah”.

Si kastaba ha ahaatee Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa marar badan oo masuuliyiinta labada dhinac ka hadlaan sheegaan inay ku rajo weyn yihiin inuu midho dhal noqdo.

:sland: :up:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”