The Gedo troop commanders and the Defense Minister signed several agreements---including an immediate order that will transfer all the costs of the Gedo troops to the national defense minister, their housing, clothing, and their payments will commence immediately. The Gedo troops and the government will also work together to be the first integrated national defense unit structure which will serve as a foundation for how the rest of the regions of Somalia and the national government will integrate their security forces and structure.
The audio of his praise of the people of Gedo and the Gedo forces upon the signing of the agreements:
http://saadaalnews.com/2012/12/15/dhaga ... x-garadka/
War dag dag ah: Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka gaashandhiga oo gaaray Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaareey
Wararka naga soo garaya Magaalada Garbaharey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa tibaxaya in Magaaladaasi ay gareen Wafdi balaraan oo ka socda Wasaarada Gashandhiga Somalia.
Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga Somali C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi waxaa kalo la socday sarakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Xogga Somalia.
Wafdigaan ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garbaharey Airpor ku soo dhaweyay Saraakil ka tirsan Dowlada Somalia iyo Ahlusunanda Konfureed waxaa sido kale so dhaweynta qayb ka ahaa Shacabka Garbaharey iyo Odayaasha Dhanaqanka.
Wafdigaan ayaa waxaay booqdeen xeryaha Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Ahlusunna waxaana ciidankaasi khudbad u jeediyay Wasiirka gaashandhiga Somalia C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ,
Ugu horeyn wasiirka waxaa uu si weyn uga mahad celiyay saraakisha Ciidamada Gedo sida ay iskugu duba rideen Ciidamada Jooga Gobolka iyo Howlaha Culus ee ay qabteen waxaana uu balan qaday in sida ugu dhaqsiyaha badan mushaaradki Ciidamada ka maqan lagu soo garsiin doono hada ka dib na Joogto loga dhigi doono.
Daawo
Waxaa sido kale halkaasi ka hadlay Saraakisha Ciidamada Somalia iyo kuwa ahlusunna waxaayna sheegen in Ciidamadan aan la soo garsiin mushaaradki ay xaqa u lahayeen Mudo sida daraaded ay Dowlada Somalia ugu baqayaan in ay si dag dag ah Ciidamadan Xaqooda u soo garsiiso hadi aysan taasi dhicina in Ciidamadan Meelo kale logu jeheyn doono.
Sida u no xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada Gobolka Gedo Wafdiga C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka wasaarada gashandhiga Somalia ayaa waxaay Saraakisha Ciidamada Dowlada iyo Ahlusunna ku wareejiyeen Sanad milatary iyo lacago logu tala galay in lagu wado howlagalada ka socda Gobolka Gedo.
C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka wasaarada gashandhiga Somalia ayaa waxaa uu kulamo kale la leyahay qaybaha kale ee Bulshada iyo saarkiisha Ciidamada ayado kulamadaasina lo diiday in ay Saxafada wax ka ogaato.
Waa marki ugu horeysay ee Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi u soo garo Xarunta Gobolka Gedo tan iyo intii xilkaan lo magacaabay.
http://kismaayo24.com/?p=50003



















