Agaasimaha Guud ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Xilkii uu hayey Iska Casilay.
waxa la sheegay inuu Madaxweynaha Istiqaaladiisa u gudbinayo Maanta
Hargeysa(IshaNews)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Baashe Yuusuf Axmed ayaa la sheegay inuu iska Xasilayo xilka Agaasimanimo ee uu hayo maalmaha soo socda.
ma jiro War rasmiya oo ka soo baxay agaasimaha oo uu ku xaqiijinayo Is-casilaadiisa, hase ahaatee ilo-wareedyo ku dhow-dhaw ayaa Waaheen u sheegay inuu Maanta oo Sabti ah Madaxweynaha u gudbinayo Warqada istiqaalada ee uu isku Casilayo, ka dibna si rasmiya u shaacin doono arintaasi.
lama oga sababta uu isu casilayo Agaasimahani, balse wararka laha helay is-casilaadiisu waxay intaasi ku darayaan inuu hawlo wax-barasho dibada ugu baxayo , sidaasi awgeedna uu Shaqada isaga Casilayo.
hadii ay dhab noqoto iscasilaadiisu, wuxuu noqonayaa Agaasimihii Saddexaad ee iska Casilay Xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo saddexdii sanadood ee ay talada haysay.
Badhtamihii sanadkan waxa is-casilay Agaasimayaashii Guud ee Wasaaradaha Maaliyada iyo Arrimaha Dibada, kuwaasoo midkood mudo yar ka dib shaqo ka tegistiisii Xildhibaanimo u doontay dawlada Somaliya, halka Maxamuud Raage oo ahaa Agaasimihii arrimaha dibadu Dibada ku noqday markii shaqada ka tegay.
Agaasimaha Guud ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Xilkii u
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 279 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 6 Replies
- 1277 Views
-
Last post by bashe19
-
- 1 Replies
- 257 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 13 Replies
- 1608 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 10 Replies
- 497 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW
-
- 2 Replies
- 571 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 250 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 0 Replies
- 408 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 12 Replies
- 1118 Views
-
Last post by Nomand
-
- 3 Replies
- 472 Views
-
Last post by udun
