Agaasimaha Guud ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Xilkii u

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Agaasimaha Guud ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Xilkii u

Post by Mr_Alfaas »

Agaasimaha Guud ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Xilkii uu hayey Iska Casilay.

waxa la sheegay inuu Madaxweynaha Istiqaaladiisa u gudbinayo Maanta

Hargeysa(IshaNews)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Baashe Yuusuf Axmed ayaa la sheegay inuu iska Xasilayo xilka Agaasimanimo ee uu hayo maalmaha soo socda.


ma jiro War rasmiya oo ka soo baxay agaasimaha oo uu ku xaqiijinayo Is-casilaadiisa, hase ahaatee ilo-wareedyo ku dhow-dhaw ayaa Waaheen u sheegay inuu Maanta oo Sabti ah Madaxweynaha u gudbinayo Warqada istiqaalada ee uu isku Casilayo, ka dibna si rasmiya u shaacin doono arintaasi.

lama oga sababta uu isu casilayo Agaasimahani, balse wararka laha helay is-casilaadiisu waxay intaasi ku darayaan inuu hawlo wax-barasho dibada ugu baxayo , sidaasi awgeedna uu Shaqada isaga Casilayo.

hadii ay dhab noqoto iscasilaadiisu, wuxuu noqonayaa Agaasimihii Saddexaad ee iska Casilay Xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo saddexdii sanadood ee ay talada haysay.

Badhtamihii sanadkan waxa is-casilay Agaasimayaashii Guud ee Wasaaradaha Maaliyada iyo Arrimaha Dibada, kuwaasoo midkood mudo yar ka dib shaqo ka tegistiisii Xildhibaanimo u doontay dawlada Somaliya, halka Maxamuud Raage oo ahaa Agaasimihii arrimaha dibadu Dibada ku noqday markii shaqada ka tegay.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”