Waxayna Salaadiinta iyo Malaaqyada ay sidookale dalab u jeediyeen Jaaliyada soomaalida ee ku abtirsada beelaha Digil iyo Mirifle in ay gacan Weyn kageystaan qabsoomida kulan weynahaas.
Malaaq Yacquub Deerow oo kamida xubnihii halkaas ka hadlay ayaa sheegay in hadii aan kaalintii looga fadhiyo ay kasoo bixin Jaaliyadaha Digil iyo Mirifle ay adkaan doono in Horumar lagu Talaabsado.
Dhanka kale Madoobe Nuunoow Maxamed oo kamida gudiga farsamada Maamul usameynta Lixda gobol ee Koonfurta Soomaaliya oo Shabakadaha Ishabaydhaba iyo Daafeet kulahadlay gudaha Hoteel Bakiin oo ah halka uu kadhici doono shirweynaha ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay wafuud udiraan dhamaan dadka kasoo jeeda lixda gobol ee Koonfurta Soomaaliya ayna dhawaan soo gaari doonaan Magaalada Baydhabo Janaay.

[/img]










