Faroole: I want peace with Somaliland & may even secede too!

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

BigBreak
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6325
Joined: Fri Oct 05, 2012 11:31 am

Faroole: I want peace with Somaliland & may even secede too!

Post by BigBreak »

By Cabdirisaaq Maxamed.

Faroole: Somaliland aanu wada hadalno oo aan heshiino laga yaabee inaan isla Go’no!
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo ugu baaqay Somaliland inay la heshiiso Puntland, halka uu digniin u diray Dowlada Federaalka inaysan ku xadgudbin Dastuurka Federaalka.| on February 1, 2013

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo khudbad dheer kasoo jeediyey Shirka Urur Siyaasadeedkiisa uga furmay magaalada Garowe ayaa ka hadlay in wadahadalo u socdaan Puntland iyo Somaliland, isagoo ugu baaqay maamulka Soomaaliland inay heshiiyaan.

Madaxweyne Faroole ayaa khudbadiisa ku sheegay in arrimaha Gooni isu taaga Soomaaliland ay tahay mid mar danbe laga hadli doono, balse marka hore ay gudboontahay in Puntland iyo Somaliland dhexdooda wadahadalaan oo ay heshiiyaan, wuxuuna sheegay inay hada socdaan wadahadalo hoose.

Madaxweyne Faroole ayaa dhinaca kale digniin u diray Dowlada Federaalka oo uu sheegay in Xukuumadiisa aysan iska eegan doonin iyadoo lagu tumanayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Dhageyso Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayey arrimaha Federaalka Soomaaliya ayaa yiri:

“…Ma jireyso in lagu tunto Dastuurka (Federaalka) anagana (Puntland) aan iska eeganeyno…Anagu diyaar baan u nahay in dowlada Federaalka ah ee Kumeel gaarka ah, maye hada kumeel gaar ma ahee Dowladee waxaa Kumeel gaar ah Dastuurka, diyaar baan u nahay inaan la shaqeyno balse inay (Dowlada Federaalka) tiraaho inagaa wax walba sameenayna Laga yeeli maayo, Anaga ka yeeli meyno, Adduunka ka yeeli maayo, Soomaalina ka yeeli meyso….”

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayey Baaqa uu u dirayo Somaliland ayaa yiri:

“…Qolooyinka (Somaliland) iyagu hada tashaday oo gooni aaday, anaguna malihin kaalaya khasab baanu idinku heysanayaan, Laakiin waxa naga dhaxeeya aan ka heshiino Bal waxa kale waa la isugu imaan doonaayee..Waxbaa naga Dhexeeya…”

[Sacabka Taageerayaasha]

“….Reer Baadiyaha waxay yiraahaan [Oodo dhacameed siday u kala korreeyaan baa loo qaadaa], Anaga (Somaliland iyo Puntland) horta khilaafkeena aan meel dhigno, Marka HADALO way iska soc socdaan, bal aan meel wax isla dhigno….Ama isla go’nay Ama aan heshiinay, Ama Soomaali kuwada biirnay Ama Waa la wada kala tagay….”


Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegamaya xili ay u dhamaatay 4tii sano ee xilka loo dhaariyey. Madaxweynaha Puntland ayaa wakhtigii uu qabanayey Xilka sheegay inuu arrinta gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ee Somaliland ku sugan tahay gaar ahaan magaalada Laascaanood uu kusoo afjari doono muddo sanad gudaheed ah.

Xili Xukuumada Puntland ay sheegtay in hirgelineyso nidaamka Asxaabta badan ayaa waxaa qodobada kamid ah shuruudaha ururada Siyaasada lagu xiray kamid ah in ay ururada xafiisyo ka sameystaan dhamaan gobalada Puntland iyo degmooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka Golaha deegaanka oo ay ku jiraan Laascaanood iyo magaalooyin kale oo ay hada ka arrimiso Somaliland.

Ururka Horsed ee uu Madaxweynaha Puntland hogaamiya ayaa lagu wadaa in todobaadkan ay xafiis ka furtaan magaalada Boocame maadaama inta kale ee gobalka Sool ay hada ugu gacan jirto maamulka Somaliland iyo Khaatumo. Todobaadkan ayaa banaanbax weyn oo ka dhacay Buuhoodle ay shacabka ku diideen in magaaladaasi laga furo xafiiska xisbiga xukuumada Puntland.

Wada hadalka Somaliland iyo Federaaalka Soomaaliya

Waxaa horey ugu socdey Somaliland iyo Dowladda Federaalka ah wada hadal kaas oo ka kala dhacay Magaalooyinka London iyo Dubai, Somaliland waxay shuruud uga dhigtey in wada hadalkaas laga saaro wasiiro ka socdey Puntland oo asal ahaan ka soo jeeda Sool & Sanaag, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in wada hadal u dhexeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland oo aysan Puntland ku jirin uu yahay mid aan waxba ka jirin waxbana ka soo baxayn.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in wada hadalkii dib u furmo iyada oo maamulka Puntland aanu ka hadlin sida uu uga hadley kii hore, waxaana xusid mudan in Dowladdii Shiikh Shariif ay oggoleyd in Miiska wada hadalka ay soo fariistaan Puntland.

Yaa mudan in lala hadlo Khaatumo mise Somaliland?

Banaanbixii Buuhoodle ee looga soo horjeeday Xukuumada Faroole [29 Jan 2013]
Inkastoo Madaxweynaha Puntland uu baaq u diray maamulka Soomaaliland oo isagu gooni isu taagay isla markaan aawood militari kula wareegay goobihii horey Puntland uga talin jirtay, ayaan hadana Madaxweynaha wax baaq ah u dirin maamulka Khaatumo oo ay sameysteen dadka ku dhaqan gaar ahaan gobalada Sool iyo Cayn, kuwaasi oo kamid ahaa dadkii wax ka dhisay Puntland balse hada sheegay inay ka baxeen maamulkii ay kamid ahaayeen ee Puntland.

Dhanka kale waxaa xusid mudan Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo isaguna kamid ah ururka Madaxweyne Faroole sameystay ayaan ka hadlin arrimaha gobalada uu kasoo jeedo. Gen.Cabdisamad ayaa sidoo kale ka hadlin dagaalkii ka dhacay magaalada uu kasoo jeedo ee Xudun oo ay Somaliland ciidamo iyo sanaadiikha codbixinta usoo dirtay doorashadii bishii November 2012, halkaasi oo dagaal ku dhexmaray ciidamada Khatumo iyo Somaliland ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira, iyada oo dagaalkii u danbeeyey dhacay todobaadkii hore.

Cabdirisaaq Maxamed
Horseed Media
Last edited by BigBreak on Fri Feb 01, 2013 10:51 am, edited 1 time in total.
User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28297
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Re: Faroole I want peace with Somaliland we may even secede

Post by Murax »

:lol: :lol: :lol:
BigBreak
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6325
Joined: Fri Oct 05, 2012 11:31 am

Re: Faroole: I want peace with Somaliland & may even secede

Post by BigBreak »

:lol: :lol:
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Faroole: I want peace with Somaliland & may even secede

Post by Somalistan »

Puntland state of Somaliland, perhaps? :blessed:
User avatar
Thuganomics
Posts: 14075
Joined: Wed Sep 08, 2010 12:56 pm
Location: Arguments gain nothing but resentment, Disscussion however creates learning

Re: Faroole: I want peace with Somaliland & may even secede

Post by Thuganomics »

:lol: :lol:
User avatar
AbkoowDhiblaawe
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14237
Joined: Fri Jan 18, 2013 7:02 pm
Location: chilling in Liido beach

Re: Faroole: I want peace with Somaliland & may even secede

Post by AbkoowDhiblaawe »

kii jabartii jabye :whew:
User avatar
CaynabaX
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1732
Joined: Fri Jul 15, 2011 12:28 pm
Location: 82' In between Hayeeyaasha, Baalidhaye and Coodanle

Re: Faroole: I want peace with Somaliland & may even secede

Post by CaynabaX »

Somalistan wrote:Puntland state of Somaliland, perhaps? :blessed:
:lol:

Reer abtigey haa la soo dhaweeyo.:steviej:
User avatar
Tanker
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3607
Joined: Tue Dec 04, 2012 4:59 pm
Location: Enjoying my life :) I am so happy ! and endless succes has arrived in my life

Re: Faroole: I want peace with Somaliland & may even secede

Post by Tanker »

Thats rigth we migth secede from somalia thats the wonderful thing about controlling your land it means you can do what ever you want, who is going to stop us? The Xamar government with its amisom forces? One thing is sure, we control our own distiny and nobody can change that.
User avatar
Hibonuraa
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 399
Joined: Wed May 09, 2012 1:23 pm
Location: Goljano iyo guryasamo

Re: Faroole: I want peace with Somaliland & may even secede

Post by Hibonuraa »

Somalistan wrote:Puntland state of Somaliland, perhaps? :blessed:
:lol:
User avatar
Tanker
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3607
Joined: Tue Dec 04, 2012 4:59 pm
Location: Enjoying my life :) I am so happy ! and endless succes has arrived in my life

Re: Faroole: I want peace with Somaliland & may even secede

Post by Tanker »

Retarded idiots :| Faroole said we are able to secede from Somalia not join somaliland its not my problem you retards cant read somali, talking is cheap the fact that Puntland by the end of the day is able to control its borders and sea means we can do what we want I wish I could say that about every region :up:
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Faroole: I want peace with Somaliland & may even secede

Post by Cumar-Labasuul »

Faroole must be desperate :holdup:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Faroole: I want peace with Somaliland & may even secede

Post by Siciid85 »

Politics is like a wave always changing. Pland is properly saying this to blackmail the government down south into giving in to their demands or risk
Puntland cutting North Mudug, Nugaal, Bari completely off from Somalia.


However I am not sure if they are to be trusted, last time in the long successful war to oust dictator Siad Bare they were the first to surrender of the
rebels.
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Faroole: I want peace with Somaliland & may even secede

Post by original dervish »

Almost certainly a bargaining position.
I doubt it will work the though....the Americans have made it clear they will only be dealing with Xamar from now on.
You only have to look at what the white fathers have done to s/l to realise the old game is over. :D
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”